Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xaqiiqada Haddii Ay Man United Dhab U Doonayso Saxeexa

Warar cusub oo laga helayo wargeyska xog-ogaalka ah laguna kalsoonaan karo wararkiisa ee Manchester Evening News ayaa sheegaya in kooxda Manchester United aysan gabi ahaanba wax xiiso ah u qabin dib ula soo saxeexashada Cristiano Ronaldo oo Juventus ka tirsan.Wararka xanta ah ayaa ahaa kuwo toddobaadkan buuxiyay warbaahinta kubadda cagta iyaga oo Ronaldo la xidhiidhinayay Man United xilli ay hubaanti la’aani ka taagantahay mustaqbalkiisa Juventus.Warbixin lagu qoray wargeys ree Argentina ah ayaa sheegaysa in Man United ay…

Ronaldinho Oo Doortay Shaxdiisii Abid Ugu Fiicnayd Ee

Halyeeyga kubadda cagta Brazil iyo kooxda Barcelona ee Ronaldinho Gaucho ayaa soo xushay shaxdiisa abid ugu wanaagsan tartanka UEFA Champions League isaga oo ka reebay xiddigo uu ugu magac weyn yahay Cristiano Ronaldo.Shaki la’aan Ronaldo ayaa ah xiddiga abid ugu fiican ee Champions League ka ciyaaray maadaama oo uu shan jeerna soo hantay yahayna ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda koobkaas.Ronaldo ayaa marka laga yimaado inuu shan jeer soo hantay tartanka ugu xiisaha badan qaarada Yurub sidoo kale rekoodh 130 gool…

Waa Kuwan LABADA Shuruudood Ee Uu Lionel Messi Miiska U

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu laba shuruudood ku xidhay kooxda Manchester City haddiiba ay doonayaan inuu qaab xor ah kooxdooda ugu biiro suuqa xagaaga ee sanadka dambe ee 2021.Shuruuda koowaad ee uu Messi ku xidhay City ayaa ah inuu kooxda sii joogi doono Pep Guardiola oo ay afar sano oo dahabi ah kusoo wada qaateen Camp Nou.Shuruuda labaad ayaa ah in Etihad Stadium lagu sii hayo saaxiibkiisa wakhtiga dheer ee Sergio Kun Aguero oo ay mudo dheer kasoo wada tirsanaayeen qaranka…

MA HUBTAA? Xiddig Magac Weyn Ku Leh England Oo Cristiano

Kabtanka kooxda heerka labaad uga dhacday Premier League ee Watford ee Troy Deeney ayaa si lama filaan ah hoggaamiyaha Juventus ee Cristiano Ronaldo ugula taliyay inuu kusoo biiro kooxda Wolverhampton Wanderers oo xiddigaha Portugal xidhiidh fiican la leh.Ronaldo oo 35 sano jir ah ayaa muddooyinkan ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay inuu iskaga tagayo kooxdiisa Juventus iyadoo la xusayo inay kooxdaasi doonayso inay iska fasaxdo maadaama oo ay dhaqaale badan ku bixiso.Paris Saint-Germain ee uu agaasimaheeda Leonardo qirtay…

“Wuxuu Wakhti Weyn Ku Qaadan Karayay Real Madrid Ama

Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa ka hadlay hibadii ku jirtay xiddiga wakhtigan koox la’aantu hayso ee Jack Wilshere oo ay Arsenal kasoo wada tirsanaayeen iyo heerka uu kubadda cagta ka gaadhi karayay.Wilshere ayay mudo kooban kahor kooxdeeda ka dirtay West Ham United oo ahayd kooxdii ugu dambaysay ee uu ka tirsanaa mana uusan ilaa hadda helin wax koox ah oo cusub.Mid kamida bandhigyadii ugu waaweynaa ee uu Jack Wilshere soo sameeyo ayaa ahaa kulamadii Champions League ee uu kahor…

Tobanka Difaac Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo Lasoo

Virgil van Dijk ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay tobanka difaac ee ugu wanaagsan waqti xaadirkan dunida, waxaana inkasta oo uu dhaawac ku maqan yahay uu haddana xajistay booskan oo qiimayno la sameeyey marar badan loogu soo xushay kaalinta koowaad.Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa kaalinta saddexaad fadhiya, waxaase labaad ku jira saaxiibkiisa ay khadka dambe uga wada ciyaaraan Los Blancos ee Raphael Varane oo qaladaad badan ka samaynayay garoomada xili ciyaareedkan iyo kulamadii Champions League ee Manchester…

Usain Bolt Oo Magacaabay Xiddigga Isaga Ka Badinaya Haddii

Usain Bolt oo haysta rikoodhka orodyahanka ugu dheereeya dunida ayaa magacaabay in xiddig kubadda cagta ah uu waqtigan ka dheeraynayo haddii ay baratamaan.Bolt oo orodka ka fadhiistay sannadkii 2017kii kaddib siddeed jeer oo uu ku guuleystay biladda dahabka ah ee olombikada ee ciyaartoyga ugu dheereeya dunida msaafada 100ka  mitir iyo 200 mitir ayaa waxa uu shaaciyey in waqtigan uu hoos u dhac badan ku yimid, isla markaana uu u baahan yahay inuu is diyaariyo haddii ay noqoto inuu la tartamo xiddig kubadda cagta ciyaara oo…

“Sariirtii Hore Ayaa Mar Kale La Isoo Dhigay…” Joe Gomez Oo

Joe Gomez oo dhaawac culus kasoo gaadhay jilibka, isla markaana lagu sameeyey qalliin guuleystay ayaa la dhigay sariirta daaweynta ee uu jiifay xilligii Koobka Adduunka ee 2018kii uu qarankiisa dhaawac culus kaga maqnaa.Laacibkan oo dhaawacu kasoo gaadhay xulka qaranka England oo uu tababarka la qaadanayay ayaa Khamiistii mindidada loo qaatay, waxaanay kooxdiisu ka gaabsatay inay qabato waqtiga suurtogalka ah ee uu kusoo laaban doono, inkasta oo khubarada aqoonta u leh dhaawacyada noocan ah ay shaaciyeen in ugu yaraan muddo…

Xiddigga Weyn Ee Real Madrid Ay Saxeexa Koowaad Ka

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay ka shaqayso in bilaha ugu horreeya sannadka soo socda ee 2021-ka ay meel sii dhigato saxeexa ugu horreeya ee ay samayn doonto marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda, kaas oo ah xiddig weyn oo ay rumaysan yihiin inuu xallin doono dhibaatada afka hore ee goolal yaraanta.Los Blancos oo dhibaatootay intii uu Cristiano Ronaldo oo ahaa dhaliyahooda ugu weyn uu kasii maqnaa, ayaa waxay bartilmaameedka koowaad ka dhigan doontaa xiddiga da’da yar ee…

“Waxay Haystaan Ceballos, Xhaka, Thomas, Willian,

Halyeygii Arsenal ee Cesc Fabregas ayaa qiray in tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ay ku kulmeen dhibaatooyin uu dhexda kaga jiro, kuwaas oo uu xusay inay u baahan yihiin inuu kaga soo kabto natiijooyin wanaagsan oo uu sameeyo, maadaama wax waliba ku xidhan yihiin inuu dhibco ka keeno kulamada.Gunners ayaa dhibaato ku bilaabatay horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaana laga badiyey afar ka mid siddeeddii ciyaarood ee fasal ciyaareedkan iyagoo guud ahaan dhaliyey sagaal gool oo kaliya.Ciyaartii ugu dambaysay waxa 3-0 ku…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More