Toban Ciyaartooy Barcelona Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaaray Celta

Toban ciyaartooy Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhigooda Celta Vigo oo ay uga talaabsadeen seddex gool oo nadiif ah

Sheekada Labada qeyb : Kooxda Barcelona ayaa nasiinada ugu dirtay Celta Vigo hal gool oo nadiif ah oo uu si cajiib ah u dhaliyay Anso Fati ka dib kubad uu ka shaqeeyay Coutinho xilli goolkaas uu yimid daqiiqaddii 11-aad.

Barcelona iyaga ayaa ku badnaa maamulka kubadda xilli Coutinho uu soo bandhigay heer ciyaareed aad u qurxoon oo qadka dhexe ah xilli Celta Vigo ku tiirsnaayeen kubadaha rogaal celiska waliba mar ayay ku dhawaadeen in ay gool ku dhaliyaan .

Barcelona waxaa qeybtaas hore kaarka cas ka qaatay Clement Lenglet oo kaarkii labaad digniinta loo taagay daqiiqadii 42-aad xilli garsooraha uu ka laabtay sidoo kale kaar cas oo uu taagay Gerard Pique .

Barcelona aad ayay ugu wacnaayeen abuurista weerarka xilli kubadooda ay aheyd mid deg degsiimo leh , waxaana xusid mudan in Messi inkastoo uusan shaqo weyn qaban qeybtaas hadana waxaa la arkayay isaga oo howsha daafaca ka qeyb qaadanayay ..

Biloowga qeybta labaad , Barcelona cadaadis ayay ku bilaabeen waxa ayna ku qasabeen Celta Vigo in gool si qaldan isaga dhaliyaan daqiiqadii 51-aad ka dib kubad ka soo baxday lugta Messi oo ku sii dhacday Lucas Olaza ka hor inta aysan shabaqa gelin waxaana xusid mudan in Barcelona soo laabashadii horay u soo giliyeen Ronald Araujo oo loo saaray Griezmann .

Barca iyaga ayaa wacnaa waxaana didanaa nasiibka oo Coutinho gool cajiib noqon lahaa ayaa birta kaga dhacday daqiiqaddii 59-aad waxaana sii raaciyay Messi balse Offside ahaan ayaa loo diiday xili ka dib wiilka reer Brazil laga bad baadiyay fursado kale , waxaana celta Vigo ku adkaa in kubadda horay u soo jiidaan.

Messi , si wacan ayuu u dhaq dhaqaaqyay waliba fursad raadis ayuu ahaa xilli halista Barcelona ay ka so bilaabneysay qadka dhexe waxa ayna Celta Vigo ahaayeen kuwo si ka bad badis ah gadaal ugu guranayay waxa ayan Barca daqiiqadii 72-aad soo giliyeen xiddigaha kala ah Pedri iyo Trincao oo loo saaray Philippe Coutinho iyo Anso Fati.

Celta Vigo , dhamaadkii isku dayo ayay sameeynayeen waliba fursado ayay iska qasaarinayeen xilli Barca iyana dadaal ugu jireen in daafaca ahaan ay is adkeeyaan.

Barcelon ayaa ciyaarta dishay daqiiqadii 90aad markii Sergi Roberto uu dhaliyay goolka seddexaad.

Barcelona lagama dareemin in 10 ciyaaryahan ayay yihiin iyaga ayana halis badnaa wax ayaan ciyaarta ku dhamatay seddexdaas gool ee ay saaxibadda Messi ku badiyeen

 

 

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More