Mikel Arteta Oo Daboolka Ka Qaaday Inuu Ka Baqayo In

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ku kaftamay in laacka kooxdiisa ee Ainsley Maitland-Niles uu wadne xnauun kusoo boodi doono haddii uu sii wado inuu rikoodheyaasha qaabkan u laado.

Laacibka boosaska badan ka ciyaara ee Ainsley Maitland-Niles ayaa beddel kusoo galay kulankii ay kooxdiisa Arsenal rikoodheyaasha kaga adkaatay Liverpool, ayna ugu gudubtay wareegga siddeeda ee tartanka Carabao Cup.

Ainsley Maitland-Niles ayaa markii labaad muddo bil ka yar waxa uu rikoodhe ku kala diray goolhayeyaasha Liverpool, iyadoo uu hore dhinaca qaldan u geeyey Alisson Becker, waxaanu kaga daba geeyey Adrian oo kulankii xalay meel kale isku tuuray iyadoo kubadduna dhinaca kale ka gashay goolka.

Laacibkan ayaa markii uu rikoodhaha laadayay aan laga dareemayn wax culays ah, halka ciyaartoyda kale ay kasii warwaraan in kubadda ay lumiyaan, sababtuna waxay tahay in isagu uu khabiir ku yahay sida rikoodheyaasha qaab fudud loogu dhaliyo.

Markii uu shabaqa ku hubsaday kubadda, Ainsley Maitland-Niles ayaa ku qaslay goolhaye Adrian inta uu dib usii jalleecay.

Tababare Mikel Arteta ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu qolka lebbiska kula kulmay Ainsley Maitland-Niles, waxaanu u sheegay in haddii uu rikoodheyaasha sidan u laago ay inkaari kaga dhici doonto goolhayeyaasha oo uu wadne xanuun kusoo boodi doono.

Arteta oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Waxa aan qolka lebbiska ugu sheegay, in aanu aniga wadne xanuun igu dhici doonin sababtoo ah tilmaantiisa jidheed… Shabaqa ayuu ku hubsaday, waxaanay ahayd sababtii uu uga mid noqday beddelka.”

Arsenal ayaa lumisay rikoodhihii saddexaad oo goolhaye Adrian uu ka qabtay Mohamed Elneny, laakiin Bernd Leno ayaa isaguna isku duubay kubbado ay si qabow u laadeen Divock Origi iyo Harry Wilson, waxaana sidaas ay guushu 5-4 rikoodheyaal ah ugu raacday Arsenal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More