Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Mesut Ozil Oo Hadalkii Ugu Horreeyey Kasoo Yeedhay Tan Iyo

Xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil ayaa markii ugu horreysay hadlay tan iyo markii laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-geli doona tartanka Europa League ee uu tababare Mikel Arteta u gudbiyey UEFA.31 jirkan khadka dhexe ayaan lagu soo darin liiska 25 ciyaartoy oo Arsenal ah oo Mikel Arteta uu shaaciyey, kooxdana uga qayb-geli doona tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaana maqnaanshaha ku wehelinaya difaaca reer Giriig ee Sokratis.Intii uu furnaa suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaaga, ayaa waxa la…

“Riyadayda Weeyaan Inaan U Ciyaaro Real Madrid” – Paul Pogba

Xiddiga khadka  dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba oo qandaraaskiisa Old Trafford ka hadhsan yahay wax ka yar sannad ayaa waxa uu diiday inuu meesha ka saaro inuu mustaqbalka u ciyaari doono Real Madrid.Laacibka reer France ayaa waxa uu sheegay in u ciyaarista kooxda haysata horyaalka LaLiga ee Real Madrid ay tahay riyadiisa, laakiin waqtigan uu kaliya diiradda saarayo kooxdiisa hadda ee Manchester United.Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa la weydiiyey waxa uu ka sheegi karayo xiisaha Real Madrid uu u…

Muxuu Sir Alex Ferguson U Saadaaliyey Jurgen Klopp Maanta Oo

Markii uu Jurgen Klopp la wareegay shaqada Liverpool maanta oo kale shan sannadood ka hor oo ahayd October 2015, Sir Alex Ferguson ayaa sii saadaaliyey sida uu noqon doono waayaha tababaraha reer Germany ee Anfield iyo guulaha uu gaadhi karaba.Ferguson oo Manchester United u qaaday 13 horyaal oo Premier League ah, waxa uu sii saadaaliyey in Jurgen Klopp uu wax fiican ka samayn doono horyaalka Premier League oo uu koobka u qaadi doono Liverpool, isaga oo qirtay in taasi walaac ku hayso isaga maadaama uu Manchester United…

Frank Lampard Oo Shaaciyey Liiska Champions League Uga

Frank Lampard ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda Chelsea uga qayb-geli doona tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaanu kusoo daray laacibiinta dibedyaalka ah ee Antonio Rudiger, Marco Alonso iyo Emerson Palmieri oo lala xidhiidhinayay bixitaan.Magacyada 21ka ciyaartoy ee Chelsea ku meteli doona Champions League oo loo bixiyey List A ayaan lagu soo darin ciyaartooyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Mason Mount, Callum Hudson-Odoi , Billy Gilmour iyo Reece James oo la raaciyey liiska labaad ee B ee aan sida rasmiga ah…

Barcelona Oo Shaacisay In Mooshin Xilka Laga Qaadayo

Ugu badnaan 16,250 saxeex ayaa loo baahnaa si mooshin maamuus ka xayuubin ah loogu madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona, laakiin tirada la hayo ayaa xataa intaas ka badatay, waxaanay taasi ka dhigan tahay inlasoo gole joojin doono.Barcelona ayaa xaqiijisay in saxeexyo ku filan oo sax ah loo hayo in codka kalsoonida loo qaado madaxweyne Josep Maria Bartomeu, isla markaana Khamiistii maanta ay tirada xubnaha dalbatay in kalsoonida loo qaado ay gaadhay 20,687, taas oo ka sarraysa intii xisaab ahaan laga doonayay.Sida uu…

Waa Kuma Xiddiga Udub-Dhaxaadka U Ah Real Madrid Ee

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois oo kamida xiddigaha uu tababare Zinadine Zidane wakhtigan ku dagaal galo kuwooda ugu wanaagsan ayaa lagu soo warramayaa inuu sabab dhaawac uga tagay xulka qarankiisa Belgium.Xaaladan ayaa loo arkaa inay tahay mid taxadar ah oo laga hortagayo inuu halis noqdo xanuun dhaawac oo uu dareeemayo Thibaut taas oo dhalisay inuu tababare Roberto Martinez ka fasaxo xulka.Marka laga yimaado inuu dhaawac haleelay isla markaana uu kasoo amba-baxay Belgium, Thibaut Courtois ayaa loo…

Ma Sidanaa U Dambaysay Boqorkii Caawinta? Arsenal Oo Talaabo

Kooxda Arsenal ayaa qaadaysa talaabo cusub oo ay kusoo af-meerayso waayihii uu kubad sameeye Mesut Ozil kusoo lahaa heerka ugu sarreeya kubadda cagta in ka badan 10-kii sanadood ee ugu dambeeyay oo uu ahaa mid saamayn ku leh garoomada.Arsenal ayaa la fahamsan yahay in talaabadan ay qaadaysaa ay tahay inay Ozil la furayso wadahadalo ay ku kansalayaan sagaalka bilood ee ugu dambeeya ee uga hadhsan heshiiska uu ku joogo Emirates Stadium.Ozil ayaa la sheegayaa in haddiiba uu ka tagayo kooxda oo heshiiskiisa la kansalayo uu ka…

Liverpool Oo Hadda Saxeex Samaysay, Booska Uu Ka Ciyaaro &

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa goolhayaha da’yarta ah ee Marcelo Pitaluga oo kamida goolhayayaasha da’yarta ah ee ree Brazil kuwooda ugu hibada badan ee aadka loo qiimeeyo kagana soo biiray dhinaca kooxda Fluminese.Pitaluga ayaa kamida ahaa xiddigihii da’yarta ahaa ee xulka qaranka Brazil kusoo guuleeyay koobkii aduunka ee da’doodu ku yartahay 17-ka isagoo shabaqa masuul uga ahaa.Goolhaye Marcelo Pitaluga ayaa lasoo shaqeeyay walaalka goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker oo lagu magacaabo Muriel…

Bartomeu Oo Mucaaradka Uu Banaanka Ka Raadinayo Camp Nou Ku

Murashaxa madaxweyne ee kooxda Barcelona ee Jordi Farre ayaa shaaca ka qaaday sheeko layaab leh oo la xidhiidha mid kamida walaalaha xiddigaha kooxdaas oo ka qayb qaatay codka kalsoonida lagagala noqonado madaxweynaha haatan ee Josep Maria Bartomeu.Kaliya 16,520 cod ayaa loo baahnaa iyadoo la ururinayay cod madaxweyne Bartomeu lagaga codsanayay inuu shaqada iska casilo balse codadka ayaaba intaas dhaafay iyagoo gaadhay 18,090.Murashax madaweyne Jordi Farre ayaa hadda shaaca ka qaaday inuu mid kamida xiddigaha kooxda oo uusan…

Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Champions

Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday liiska kooxdeeda ee tartanka UEFA Champions League uu usoo xushay tababare Jurgen Klopp xilli ay isha ku hayn doonaan inay koobka hantaan markii labaad saddex sano gudahood.Jurgen Klopp ayaa liiskan ka reebay xiddiga da’yarka ah ee kooxdiisa ee Harry Wilson kaas oo amaah ku bixi kara kaddib markii uu ka hadhay xulashadan 24-ka ciyaaryahan ah.Xiddigo ay kamid yihiin Curtis Jones iyo Neco Williams ayaa kusoo baxay xulashada labaad ee List B taas oo ah halka ay tababarayaashu ku magacaabayaan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More