Kaddib Isku-aadkii Champions League, Fursadda Koox Kastaa U

Isku-aadka tartanka Champions League ee Xili ciyaareedka cusub ee 2020-21 ayaa la sameeyey Khamiistii shalay, waxaanay dhamaan 32-ka kooxood ogaadeen min lixda ciyaarood ee ugu soo horreeya ee ay dheeli doonaan ka hor inta aan la gaadhin wareegga 16ka oo ay kala-badh naadiyada qori-tuurka loo sameeyey u gudbi doonaan.

Manchester United ayaa gashay group-ka ugu adag oo ay kula jiraan Paris Saint-Germain iyo RB Leipzig, waxaanay durba jamaahiirta Red Devils bilaabeen inay sii calaacalaan iyagoo baraha bulshada qabsaday isla markii isku-aadka  lasoo saaray ba.

Kooxda koobka haysata ee Bayern Munich ayay maryo dhiigle kala furan doonaan Atletico Madrid oo laba ciyaarood oo midba garoon tahay ay isku haleeli doonaan iyadoo ay tarrixi doonaan afar ciyaarood oo kale oo ay labada naadi ee kale ee group-kooda ku wehelinaya firaaqo ugu samaysan doonaan is-araggooda. Laakiin ciyaarta xamaasadda leh ayaa waxay tahay inay mar kale dunidu daawan doonto Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo iskaga hor imanaya wareegga hormooyinka Champions League.

Labadan ciyaartoy ayaanay u suurtogelin inay marxaladdan oo kale ku kulmeen, sababtoo ah, Barcelona iyo Real Madrid oo ay u wada ciyaari jireen ayaanu sharciga UEFA ogolayn in heerka hormooyinka ay laba naadi oo isku dal ahi isku beegmaan. Sidoo kale, waqtigii Manchester United uu joogay Ronaldo ayay dhalooyinka / dheriga 1aad kusoo wada baxayeen labadooda kooxood, taasina waxay ka ilaalinaysay inay marxaladda Groups-ka isku beegmaan.

Liverpool oo iyadoo koobka haysata lagu reebay wareeggii 16ka ee xili ciyaareedkii tegay, ayaa waxya ku jirtaa xaalad nefis ah oo ay fursad weyn u haysato in iyadoo raaxaysanaysa ay usoo gudubto wareegga xiga, sidaas oo kalena, Real Madrid iyo Chelsea ayay u badan tahay in doorkan aanay ku dhibaatoonin inta ay kasoo gaadhayaan wareegga 16ka, waxaana taas kala siman Man City oo nasiibkoodu ka ilaaliyo kooxaha waaweyn marxaladaha hore.

Haddaba, waa kuwee kooxaha la filayo inay ku guuleystaan Champions League xili ciyaareedkan?

Xog-ururin ay samaysay shabakadda FiveThirtyEight ayaa waxay muujisay tirooyinka suurtogalka ah oo lagu salleeyey xisaabta boqollayda oo naadi walba dhinaciisa ugu muujinaya fursadaha uu haysto.

Laga soo bilaabo wareegga group-yada ee hadda isku aadkiisa la sameeyey illaa laga gaadhayo ciyaarta finalka oo lagu daray naadiga koobka ku guuleysanaya ayaa lagu sameeyey hab-xisaabeed boqollay ah.

Inkasta oo wax waliba isbeddeli karaan, haddana waxa kaalinta koowaad ee xogtan kusoo baxday Bayern Munich oo loo badinayo inay markii labaad oo xidhiidh ah koobka Champions League ku guuleysan doonto.

Munich oo xili ciyaareedkii tegay awood xad-dhaaf ah muujinaysay ayaa waxay hanashada Koobka Champions League u haysataa 21%, waxaanay aad uga horreysaa naadiyada kale ee tartanka ku jira.

Halkan kaga bogo xogta oo dhamaystiran:

Bayern Munich

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 89%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 68%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 49%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 33%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 21%

Manchester City

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 95%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 69%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 45%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 28%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 16%

Liverpool

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 92%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 63%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 38%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 22%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 12%

Barcelona

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 94%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 63%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 37%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 20%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 11%

PSG

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 82%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 52%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 30%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 16%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 8%

Real Madrid

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 78%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 49%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 27%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 14%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 7%

Atletico Madrid

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 67%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 37%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 19%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 9%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 4%

Borussia Dortmund

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 77%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 39%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 17%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 7%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 3%

Chelsea

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 81%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 40%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 17%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 7%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 3%

Inter Milan

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 61%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 30%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 14%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 6%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 2%

Manchester United

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 58%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 29%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 13%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 5%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 2%

RB Leipzig

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 58%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 29%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 13%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 6%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 2%

Juventus

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 77%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 33%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 13%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 5%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 2%

Sevilla

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 71%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 30%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 11%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 4%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 1%

RB Salzburg

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 40%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 18%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 8%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 3%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 1%

Atalanta

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 59%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 23%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 9%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 3%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: 1%

Zenit

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 59%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 22%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 8%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 3%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

FC Porto

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 46%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 16%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 6%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 2%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Ajax

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 41%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 14%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 4%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 3%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Borussia Mönchengladbach

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 32%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 12%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 4%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Shakhtar Donetsk

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 29%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 10%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 3%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Olympiacos

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 40%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 37%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 4%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: 3%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Lazio

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 37%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 11%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 3%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Rennes

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 29%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 7%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 2%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Dynamo Kiev

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 23%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da:57%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 1%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Club Brugge

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 27%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 6%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: 2%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Marseille

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 19%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 4%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: <1%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Krasnodar

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 20%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: 4%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: <1%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Midtjylland

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 8%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: <1%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: <1%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Lokomotiv

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 5%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: <1%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: <1%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Ferencvaros

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 5%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: <1%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: <1%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

Basaksehir

Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 16ka: 2%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga 8da: <1%Fursadda ay ugu gudbayso wareegga semi-finalka: <1%Fursadda ay ugu gudbayso finalka: <1%Fursadda ay ugu guuleysan karayso Koobka: <1%

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More