Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Theo Walcott Oo Waqtigii Dhimashada Guul U Diiday Chelsea,
Gool uu dhaliyay Theo Walcott waqtigii dhimashada ciyaarta ayay Southampton ku barbareysay Chelsea oo marti loogu ahaa Stamford Bridge iyadoo lagu kala baxay barbaro 3-3 ah xilli daafacyada iyo goolhayaha Chelsea ay qasaariyeen howshii ay qabteen weerarkooda cusub.Libaaxyada cusub ee Chelsea Timo Werner iyo Kai Havertz ayaa ugu danbeyn is keenay masraxa Premier League iyagoo dhaliyay seddexda gool ee Chelsea.Timo Werner furtay goolashiisa Premier League isagoo labo gool oo qurux badan dhaliyay halka uu caawiye ka noqday…
“Ciyaartii Waa Ay Waalatay!”- Jurgen Klopp & Cesc Fabregas
Cesc Fabregas ayay amakaak ku noqotay in goolkii guusha ee waqtigii dhimashada uu dhaliyay Jordan Henderson loo diiday inuu offside jiray.Kabtanka Liverpool ayaa moodayay inuu kooxdiisa ku hogaamiyay guul 3-2 ah ka dib baas uu ka helay Sadio Mane daqiiqadii labaad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray.Laakiin farxadii Jordan Henderson ayaa murugo isku bedeshay ka dib markii VAR ay waqti dheer oo ay dib u eegis sameyneysay go’aamisay in Sadio Mane uu offside ahaa markii uu kubada ka helayay Thiago Alcantara.Marka la…
Liverpool Iyo Everton Oo Kulan Jilbaha Looga Murxay Dhibcaha
Liverpool iyo Everton ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Goodison Park kulan faraha looga gubtay oo dhexmaray labada kooxood ee deriska ah kuwaasoo ku kala baxay barbaro 2-2 ah.Reds ayaa ilaashatay rikoodhkeeda guuldarro la’aanta ee kulanka Merseyside Derby iyadoo aan haatan laga badinin 23 kulan oo isku xigta halka Everton ay sii xajisatay booskeeda kaalinta koowaad ee horyaalka iyagoo seddex dhibcood ka sareeya Liverpool oo haatan kaalinta labaad ku jirta ka dib shan kulan oo ay ciyaareen.Mohamed Salah ayaa isku…
Waa Maxay Sababta Aan Liverpool Rigoore Loogu Dhigin, Jordan
Ka dib guuldaradii ceebta aheyd ee Liverpool ka soo gaartay Aston Villa, waxay kulanka maanta ee Goodison Park ku bilowdeen si fiican iyadoo ujeedkoodu yahay inay ku soo laabtaan wadada guusha.Kaliya seddex daqiiqo ayay kuq aadatay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta.Waxay aheyd kubad ay si fiican uga soo shaqeeyeen iyadoo Andy Robertson uu kubada la soo dhaafay Seamus Coleman ka hor inta uusan u celinin Sadio Mane oo shabaqa ku hubsaday.Kaliya daqiiqado yar ka dib, Liverpool ayaa ku dhawaatay in rigoore loo dhigo.Goolhayaha…
SHAXDA Lacagta!! Shaxda Ugu Qaalisan Dunida, Kooxda Ugu
Walow ay nici doonaan jamaahiirtii hore ee kubadda cagta sanadaha badan soo daawanayay haddana kubadda cagta maanta ayaa in badan oo kamid ahi ganacsi tahay.Rekoodhada suuqa kala iibsiga ee kooxaha Yurub ayaa ahaa kuwo in badan oo kamida la jabiyay sanadihii ugu dambeeyay sida in rekoodhka abid ee suuqa uu jabiyay Neymar JR oo ay Paris Saint-Germain ka dhigtay ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda.Dhinaca kale Paris Saint-Germain oo aad moodo inay hormood ka tahay kooxaha heerka casriga ah ee lacagta ku salaysan u raraya…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Everton vs Liverpool – Jurgen
Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa booqanaysa dhigeeda ay magaalo wadaagta yihiin ee Everton kulan aad u xiiso badan oo wareega shanaad ee horyaalkaas ah xilli labada kooxoodba ay guusha u dagaallami doonaan.Liverpool ayaa doonaysa inay kasoo kabato guuldarro ceeb ahayd oo ay Aston Villa kala soo kulantay ciyaarteedii ugu dambaysay halka ay Everton doonayso inay sii wado bandhiga 100% ah ee ay ilaa haatan ku socoto.Tababare Klopp ayaa Van Dijk kusoo lamaanaysiiyay Joel Matip oo dhaawac mudo ku…
Miyuu Neymar Diyaar U Yahay Kulanka Man United Kaddib Markii
Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay haddiiba garabka weerar ee kooxdiisa ee Neymar JR uu diyaar u yahay kulanka adag ee ay Salaasada la ciyaari doonaan Man United ee ka tirsan UEFA Champions League.Neymar ayaa laga reebay liiska kooxdiisa ee kulankii ay xalay guusha 4-0 ka ah ka gaadheen dhigooda Nimes markaas oo uu laba gool dhaliyay Kylian Mbappe.Kulanka xalay ayaa yimid kaddib kaliya saddex maalmood markii uu Neymar matalay dalkiisa Brazil oo kulan isreeb-reebka koobka aduunka ah la…
Real Madrid Iyo Barcelona Oo Ku Daggaallamay Xiddiga
Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaallami doona xiddiga Manchester United khadka dhexe uga ciyaara ee Bruno Fernandes, siddeed bilood kaddib markii uu laacibkani kusoo yimid Old Trafford.Sida uu qoray warrgeyska The Sun ee kasoo baxa England, labada kooxood ee reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa si dhow ula socday horumarka ciyaareed ee uu samaynayay Fernandes siddeedii bilood ee uu joogay Manchester United oo £68 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Sporting Lisbon bishii January.Bruno Fernandes ayaa la sheegay…
Getafe vs Barcelona – Imtixaanka Koeman Ee Ka Hor El
Barcelona oo ciyaartii ugu dambaysay barbarro la gashay Sevilla ayaa u halgami doonta inay jidka guusha kusoo laabato marka ay caawa tagto garoonka Coliseum Alfonso Perez oo ay ugu diyaarsan tahay Getafe.Tababare Ronaldo Koeman oo ay kooxdiisu hadda fadhido kaalinta shanaad oo ay toddoba dhibcood ku haysato kaddib saddex ciyaarood oo ay dheeshay, waxa sugaya imtixaan adag maadaama Getafe ay wacdaro dhigaysay xili ciyaareedkii hore inkasta oo ay hadda kaalinta toddobaad fadhido oo afar ciyaarood ay ka heshay toddoba dhibcood…
Hordhac: Man City vs Arsenal
Labadii saaxiib ee hore ee dhowaanta noqday xafiiltameyaasha ee Mikel Arteta iyo Pep Guardiola ayaa mar kale maanta iskaga hor iman doona garoonka Etihad Stadium, halkaas oo ay labadooduba ay ugu dagaallami doonaan sidii uu mid walba guushiisa u gaadhi lahaa.Manchester City ayay ciyaartani u timid xilli ay waqti xun ku jiraan oo ay shan dhibcood oo kaliya ka shaqaysteen sagaalkii dhibcood ee suurtogalka ahaa, isla markaana ay kaalinta 10aad kaga jiraan miiska kala-sarraynta kooxaha, halka Arsenal ay sagaal dhibcood haysato…