Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Mohamed Salah Oo Isku Qoray Buugga Taariikhda Ciyaaryahanadda
Mohamed Salah ayaa isku qoray buugga taariikhda khaaska ah ee Liverpool ee ciyaartoyda dhaliyey 100 gool iyo ka badan, kaddib markii uu shalay saxeexay gool uu kubaddiisa ka helay xerada ganaaxa Everton oo isagoon xarakaad badan samaynin uu laag xoog badan qabadsiiyey, taas oo uu Pickford arkay iyadoo shabaqa u weydaaratay.Laacibka reer Masar ayaa noqday ciyaartoyga saddexaad ee kulamadii ugu degdegga badnaa 100 gool ugu dhaliya Liveprool, waxaana kaliya 159 ciyaarood oo uu u dheelay uu diiwaangashaday 100 gool.Mohamed Salah…
Maxaa Keenay Guul-darradii Real Madrid Iyo Barcelona Kasoo
Real Madrid iyo Barcelona oo laga soo badiyey ayaa ku kulmi doona ciyaarta aadka loo sugayo ee El Clasico oo Sabtida soo socota ka dhici doonta garoonka Camp Nou, taas oo kusoo beegantay xilli labadoodaba si lama filaan ah ay uga soo badiyeen kooxaha Cadiz iyo Getafe.Kaddib kulamadii caalamiga ahaa ee ciyaartoyda qaarkood ay kusoo daaleen, Zinedine Zidane ayaa door biday inuu isbeddel ku sameeyo safka kooxdiisa iyadoo uu dhinacna kasoo fikirayay ciyaarta Shakhtar Donetsk ay ku marti gelin doonaan garoonka Estadio Alfredo Di…
Miyuu Donny van de Beek Heli Doonaa Boos Joogto Ah? Ole
Tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka jawaabay su’aashii ay jamaahiirta Red Devils is weydiinayeen ee la xidhiidhay waqtiga uu saxeexdooda cusub ee Donny van de Beek uu ka mid noqon doono shaxda koowaad, kaddib wacdarihii uu ka dhigay kulankii Newcastle United ee Sabtidii ee uu beddelka kusoo galay.Manchester United ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaartii St James’ Park dhalisay saddex gool xilli loo badinayay inay ku dhamaan doonto 1-1 oo ay mar kale Red Devils guul la’aan ahaan doonto.Saamaynta…
Pogba Qaata Oo Keena….. – Man United Oo Qorshe Cajiib Ah U
Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid qorshe ka leh khadka dhexe ee kooxdeeda ee Paul Pogba haddiiba uu doonayo inuu ku biiro Real Madrid oo uu dhawaan qirtay jacalkeeda iyo sida uu doonayo inuu ugu ciyaaro mar uun.Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, Man United ayaa doonaysa inay Pogba kaga soo bedelato Real Madrid xiddiga ree Uruguay ee Federico Valverde.Fede Valverde ayaa xilli ciyaareedkii hore xubin muhiim ah kasoo ahaa shaxda tababare Zinadine Zidane, arrinta u wanaagsan kooxdiisa ee ku adkaynaysa…
Halyey Tony Adams Oo Kula Taliyey Mikel Arteta Inuu Beddelo
Halyeygii Arsenal ee Tony Adams ayaa usoo jeediyey tababaraha kooxdaas ee Mikel Arteta inuu isbeddel ku sameeyo shaxdiisa kaddib guul-darradii ay shalay kala soo laabteen Manchester City oo ay ugu tageen Etihad Stadium.Tony Adams ayaa dhalleecayn u jeediyey hab-difaacista laacibka reer Spain ee Hector Bellerin kulankii City ee shalay.Mikel Arteta ayaa ku ciyaaray shax ka koobnayd 3-4-3 oo uu awoodda saaray khadka dhexe, laakiin Adams ayaa rumaysan in Thomas Partey oo khadka dhexe ka ciyaari lahaa uu wax badan ka qaban lahaa…
Bruno Fernandes Oo Qirtay Inuu Qalad Sameeyey Markii Uu
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa qirtay inuu qalad sameeyey kulankii Newcastle ay 4-1 ku garaaceen xalay, kaas oo uu ku dooday inuu beddelay qaabkii uu u laagi jiray rikoodheyaasha.Bruno Fernandes ayaa daqiiqaddii 58aad ee ciyaarta loo dhigay rikoodh, waxaana ka qabtay goolhaye Karl Darlow, laakiin Fernandes ayaa ciyaarta oo 1-1 maraysay waxa uu Manchester United hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 86aad ka hor intii aanay Aaron Wan-Bissaka iyo Rashford laba gool oo kale ka daba keenin…
Sergio Ramos Oo Dhaawac Soo Gaartey Maalmo Ka Hor Ciyaarta
Zinedine Zidane ayaa walaac weyni soo food saaray kaddib markii ay iskugu darsameen dhaawac soo gaadhay difaaca iyo kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos iyo waliba guul-darro lama filaan ahayd oo kaga timid kooxda kasoo dallacday heerka labaad ee Cadiz.Ramos ayaa ciyaarta sii wadan kari waayey oo ka baxay waqtigii nashada kaddib markii ay qaybtii hore jilibka kasoo gaadhay jug, waxaana lagu beddelay Eder Militao oo kasoo laabtay dhaawac.Beddelka lagu sameeyey Sergio Ramos ayaa lagu sheegay inuu ahaa taxadar si aanay…
Barcelona Oo Labadan Xiddig La Wareegi Doonta Bisha January
Ronald Koeman ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqaya laba ciyaartoy oo bisha Janaury uu kusoo kordhin doono kooxdiisa, kuwaas oo kala ah Gini Wijnaldum iyo Eric Garcia.Koeman ayaa xagaagii dhowaa doonayay kubbad-sameeyaha Liverpool ee Wijnaldum iyo difaaca Manchester City ee Garcia oo uu doonayay inuu keeno Camp Nou, laakiin dhibaatada lacag yaraanta ee kooxdiisa haysata ayaa labadoodaba u diidday inuu lasoo saxeexan karo.Laakiin bisha January ayuu labadan xiddig la furi doonaa wada-hadallo si uu qaab bilaash ah ugu soo qaadan…
Liverpool Oo Ka Dalbatay Premier League In Baadhitaan Lagu
Liverpool ayaa ka dalbatay maamulka Premier League in baadhitaan lagu sameeyo wixii ka dhacay garoonka Goodison Park kulankii ay shalay barbarraha 2-2 ku kala baxeen Everton, taas oo laba qalad oo waaweyn ay ka tirsanayeen VAR.Reds ayaa ku doodday in si badheedh ah looga hor joogsaday saddex dhibcood oo ay xaq u lahaayeen kaddib markii laga diiday gool sharci ah oo aan wax qalad ah ku jirin oo ay dhaliyeen dhamaadkii ciyaarta, kaas oo VAR uu ku tilmaamay OFFSIDE.Arrinta labaad ee ay baadhitaanka ka dalbadeen ayaa waxay uu…
Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Manchester United vs
Manchester United ayaa guul weyn oo 4-1 ah kasoo hoysay kulankii ay safarka ku tagtay garoonka St. James’ Park ee Newcastle United, taas oo uu Bruno Fernandes rikoodhe khasaariyey ka hor intii aanu gool kale isku sixin.Marcus Rashford ayaa Manchester United guusha ka caawiyey, waxaanay u ahayd habeen uu si adag u shaqeeyey oo uu gool dhaliyey, caawinna sameeyey.Luke Shaw ayaa gool iska dhaliyey bilowgii ciyaarta, waxaase saxay Harry Maguire oo madax ku dhaliyey goolka barbarraha.Qaybtii oo dhamaad ku dhow ayuu Bruno…