Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Hordhac: Everton vs Liverpool | Ancelotti vs Klopp – Kulanka
Kulnakii 288aad ee Merseyside derby ah ayay maanta duhurka iskaga hor imanayaan labada kooxood ee Everton iyo Liverpool, waxaanay jilbaha isku dhiganayaan garoonka Goodison Park oo markii ugu dambaysay ee ay ku kulmeen ahayd bishii June oo ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen.Wiilasha tababare Jurgen Klopp ayaa safar gaaban ku tegaya Goodison Park si ay ugu soo laabtaan jidka guusha kaddib guul-darradii ugu xumayd ee abid kasoo gaadhay horyaalka Premier League oo ay Aston Villa 7-2 ugu xambaarisay ciyaartii ugu…
Xiddigaha Kooxda Koowaad Ee Barcelona Oo Diiday Qorshihii
Josep Maria Bartomeu ayaa waji gabax kala kulmay qorshihii uu ku doonayay inuu hoos ugu mushaharka ciyaartoyda kooxda iyo shaqaalaha kaddib markii ciyaartoyda kooxda koowaad ay si buuxda u diideen inay mushaharkooda hoos u dhigaan.Madaxweynaha Barcelona oo culays weyni uu saaran yahay, isla markaana la sheegayo in codka kalsoonida loo qaadayo oo ay suurtogal tahay in xilka laga xayuubiyo inta aanay dhamaanin bishan October, ayaa waxa uu doonayay inuu dhibaatada dhaqaalaha ee kooxda ku habsatay uu xal u helo, si ay suurtogal…
Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Kooxdiisa Ee
Eder Milato iyo Toni Kroos ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid, waxaana lagu soo daray liiska kulanka Sabtida la ciyaari doona Cadiz.Difaaca reer Brazil ee Militao oo aan hal kulan kasoo muuqan xili ciyaareedkan iyo Toni Kroos oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka maqnaa ayaa kasoo kabtay dhaawacyo ay ku maqnaayeen, taas oo keentay in Zinedine Zidane uu kusoo daro liiska kooxdiisa.Los Blancos ayaan kulankan heli doonin kubbad-sameeyaha reer Norway ee Martin Odegaard oo dhaawac kasoo gaadhay kulamadii xulka…
“Ninkaa Talyaaniga Ahi Waa Beenaale” – Cristiano Ronaldo Oo
Wasiirka Ciyaaraha waddanka Talyaaniga ayaa shalay ku eedeeyey Cristiano Ronaldo inuu jabiyey sharciga xakamaynta xanuunka Korona Fayras kaddib markii uu dib ugu soo laabtay Talyaaniga isagoo qaba xanuunkan oo isku og, kana soo duulay waddanka Portugal, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa kaga jawaabay in eedayntaasi ay tahay mid been ah.Cristiano Ronaldo oo Jimcihii maanta la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inuu u hoggaansamay dhamaan shuruucda waddankaas iyo kuwa ilaalinta xakamaynta xanuunkan oo aanu wax qalad ah samaynin,…
Mikel Arteta Oo Qaadaya Tallaabo Uu Ku Bahdilayo Mesut Ozil
Mikel Arteta ayaa qaadaya tallaabo kale oo axmaqnimo ah oo uu ugu quus-goynayo Mesut Ozil, si uu ugu qasbo inuu iskaga tago Arsenal.Inkasta oo uu tababaraha reer Spain ku dooday in dhamaan ciyaartoydiisu ay fursado isku mid ah leeyihiin oo aanu kala jeclaysan, haddana waxa uu ku kacayaa fal kale oo uu ku bahdilayo Mesut Ozil oo toddobaadkan u dabbaal-degay sannad-guuradiisa 32 jirka.Mikel Arteta ayaa horraantii bishan waxa uu Mesut Ozil ka reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-gelaya tartanka Euorpa League, taas oo ka…
Ronald Koeman Oo Soo Saaray Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka
Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska kooxdiisa Barcelona adag ee Sabtida berri ay safarka ugu tegayaan Getafe, taas oo ay u baahan yihiin inay ku soo laabtaan jidka guusha kaddib barbarrihii ay ciyaartii ugu dambaysay la galeen Sevilla.Tababaraha reer Netherlands ayaa shaaciyey magacyada 23ka ciyaartoy ee kulanka Getafe, waxaana ku jira difaaca bidix ee Junior Firpo oo helay ogolaanshaha dhakhaatiirta kaddib markii uu kasoo laabtay dhaawac, waxaana soo laabashadiisu ay meesha ka saartay da’yarka Konrad de la…
Musiibada Dhaawacyada Real Madrid Oo Sii Socota Iyo Xiddig
Real Madrid ayaa ku dhex jirta mashaqo dhaawacyo ah, waxaana Jimcihii maanta la xaqiijiyey in kulanka Sabtida ee Cadiz uu seegi doono laacibka khadka dhexe ee Martin Odegaard.Da’yarkan reer Norway oo qayb weyn kasoo qaatay kulamadii Real Madrid ee xili ciyaareedkan, isla markaana doorasho fiican oo hal abuur leh u ahaa Zinedine Zidane ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay kulan uu waddankiisa u ciyaaray Arbacadii oo ay guul weyn ka gaadheen Northern Ireland.Odegaard ayaa laba gool caawiyey ciyaartii qarankiisa ee Arbacadii kuwaas…
Manchester United Oo Sannad Ku Kordhisay Heshiiska Paul
Manchester United ayaa dhaqan gelisay 12 bilood oo kale oo ay ku kordhisay heshiiska ay kula jirtay laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba, kaas oo sii joogi doona Old Trafford illaa June 2022.Sida uu dhigayay heshiiskii ay Manchester United sannadkii 2016kii kula soo wareegtay Pogba, shanta sannadood ee heshiiskiisa ee hadda midkii ugu dambeeyey uu socdo ayaa waxay United awood u lahayd inay sannad kale oo lixaad ku kordhin karto haddii ay ku qanacdo, taas oo ay hadda si rasmi ah u go’aansatay inay dhaqan-geliso.Paul Pogba…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Ay Liverpool Kala Hortagi Doonto
Jurgen Klopp ayaa dib ugu soo dhaweyn doona shaxdiisa xiddigaha kala ah Thiago Alcantara, Sadio Mane iyo Joel Matip kulanka ay Liverpool berri oo Sabti ah u safreyso kooxda Everton.Thiago iyo Mane ayaa seegay kulankii ay Reds guuldarada 7-2 ka soo gaartay Aston Villa ka dib markii laga helay cudurka Korona Fayras.Si kastaba, ka dib markii ay dhamesyteen labada nin karantiilkooda waxay dib ugu soo laabteen tababarka ka hor kulanka Goodison Park.Waxay u badan tahay inuu shaxda kula soo biiri doono Jordan Henderson kaasoo ka…
Cristiano Ronaldo Oo Afka Furtay Markii Ugu Horeysay Tan Iyo
Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay inuu aad u fiican yahay ka dib markii laga helay cudurka Korona Fayras.Ronaldo ayaa Instagram Live kula hadlay taageerayaashiisa isagoo yiri:“Wax calaamado ah igama muuqdaan. Waan fiicanahay, si fiican ayaana u hurdaa.“Qoyskeyga waxay joogaan dabaq kale oo guriga ka tirsan, iskuma soo dhawaano.”Ronaldo ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu sheegay wasiirka isboortiga Talyaaniga Vincenzo Spadafora kaasoo sheegay inuu aaminsan yahay in 35 jirkaan uu jabiyay sharciga xakameynta cudurka Korona…