Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Hakim Ziyech Oo Fariin U Diray Saaxiibkiisa Donny van de

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Hakim Ziyech ayaa ugu baaqay Donny van de Beek inuu isdejiyo ka dib markii uu si aan fiicneyn ku bilowday waayihiisa Manchester United.Labada xiddig ayaa ka tagay Ajax dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore iyadoo Ziyech uu 36 milyan ginni ugu wareegay Chelsea halka Van de Beek uu 35 milyan ginni ugu biiray Man United.Ziyech ayay waqti dheer ku qaadatay inuu u dheelo Chelsea madaama dhaawac uu ahaa laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay ee Premier League…

Boqolkiiba 80 Taageerayaasha Man United Oo Isku Raacay

Axel Tuanzebe ayay tahay inuu ku soo bilowdo shaxda Man United oo uu booska kala baxo Harry Maguire sida ay ku codeeyeen boqolkiiba 83 taageerayaasha Manchester United.Daafaca da’da yar oo 22 sanno jir ah ayaa jeebka ku ritay Kylian Mbappe iyo Neymar kulankii ay Manchester United garaacday Paris Saint-Germain ee Champions League.Maguire oo cadaadis badan uu saaran yahay ayaa ka maqnaa kulankiii Paris ka dib markii dhaawac uu soo gaaray.Haatan taageerayaasha ayaa ku baaqaya in Tuanzebe uu booska kala baxo kabtanka kaasoo gool…

11kii Xiddig Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Champions League Oo

Shabakadda WhoScored.com oo ku caan ah ururinta xogaha kala duwan ee kubadda cagta ayaa markan soo xulatay shaxdeedii ugu fiicnayd tartanka xiisaha badan ee Champions League toddobaadkan oo ahaa midkii furitaanka.Usbuucan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee wareega Group-yada la furay ayay kooxaha qaar heleen natiijooyin boos wanaagsan u fadhiisinaya inay heerka xiga u gudbaan halka kuwa kale ay dhibaatooyin dareemeen.Shaxda WhoScored ayuu goolhaye ka yahay Safonov oo ka tirsan kooxda Krasnodar isaga oo kooxdiisa kasoo caawiyay…

UEFA Oo Ku Dhawaaqay Magacyada AFAR Xiddig Oo Ciyaaryahankii

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay afarta xiddig ee ku tartami doona ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League toddobaadkan oo ahaa midkiisii ugu horreeyay.Afarta ciyaaryahan ee ay UEFA soo xusheen ayaa kala ah weeraryahanka Juventus ee Alvaro Morata, daafaca bidix ee RB Leipzig ee Angelino, garabka weerar ee Bayern Munich ee Kingsley Coman iyo waliba dhigiisa Shakhtar Donestk ee Tete.Aan ku bilawnee Morata ayaa u sahlay kooxdiisa Juventus inay guul ku…

Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Barcelona Oo Tababarka

Kooxda Barcelona ayaa war wanaagsan helaysa kahor kulanka adag ee ay Sabtida soo dhawayn doonto kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid kaddib markii uu tababarka kusoo laabtay daafaceeda bidix ee Jordi Alba oo muhiim u ahi.In lagu daro liiska Barcelona uga qayb galaya kulanka adag ee Real Madrid ayaa ku xidhnaan doonta wadahadala dhex mara ciyaaryahanka iyo tababare Ronald Koeman iyo waliba shaqaalaha caafimaadka ee kooxda.Sidoo kale Alba ayaa kaga qayb qaadan kara ciyaartaas jawaabta uu ku bixiyo iyo sida uu iskugu muujiyo…

Thomas Partey Oo Jamaahiirta Arsenal Tababarka Ku Tusay

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ahna saxeexoodii maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ee Thomas Partey ayaa tababarka kooxda ee kahor kulankooda Europe League ee caawa tababarka ku muujiyay waxyaabaha uu soo kordhin karo.Tababare Mikel Arteta ayaa ka bixiyay qish in Thomas Partey uu kulankiisii ugu horreeyay caawa ugu soo bilaaban karo kooxda.Partey ayaa bedel kusoo galay kana soo kacay keydka kulankii ay kooxdiisu guuldarrada kala soo kulantay Manchester City balse waxa uu markii ugu horreysay shaxda koowaad soo gali karaa…

Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. In kasta oo uu suuqa iibka ciyaartoydu xidhan yahay, waxa jira warar hoose oo xan ah iyo kuwo si caam ah loo ogyahay oo ay kooxaha waaweyn ee Yurub ku doonayaan ciyaartooyo ay lasoo saxeexdaan bisha January oo uu suuqu dib u furmi doono, waxaana dhaqdhaqaayada ugu dambeeya si joogto ah uga warramaya wargeysyada waaweyn ee dunida.Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Khamiis ah qoreen wargeysyada waaweyn,…

Wargeysyada Spain Oo Hal Xiddig Ku Eedeeyay Ceebtii Real

Real Madrid ayaa guuldarro lama filaan ah kala kulantay kooxda Shakhtar Donetsk kulankoodii furitaanka xilli ciyaareedka Champions League, iyadoo wargeysyada Spain ay mas’uuliyada guuldarada dusha u saariyeen kaliya hal ciyaaryahan.Wargeyska Marca oo ka soo baxa caasimada Spain ayaa tilmaamay Marcelo uu sabab u ahaa guuldarada iyagoo xitaa ka hoos mariyay tababare Zinedine Zidane oo wax badan qalday xalay.Waxay xiddiga reer Spain ku qiimeeyeen kaalinta 15aad ee 15kii qof ee Real Madrid ee ka qeyb qaatay guuldaradii ka soo…

Bayern Munich Oo Xasuuqday Atletico Madrid, Inter Milan Oo

Bayern Munich ayaa guul ku bilaabatay xili ciyaareedka cusub ee tartanka Champions League ee ay koobkiisa difaacanayso, waxaana ay meel iska saartay Atletico Madrid oo ugu timid garoonka Allianz Arena oo ay ku xasuuqday 4-0.Bayern Munich ayaa ciyaartan oo saadaal kala duwan laga sii bixiyey waxay hoggaankeeda qabatay daqiiqaddii 28aad oo kubbad uu meel fog kasoo tuuray Kimmich uu shabaqa Atletico dhex dhigay Kingsley Coman, waxaana ku xigsiiyey oo mid kale ku daray Leon Goretzka dhamaadka qaybta hore oo ay wax yar ka hadhsan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More