Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Mesut Ozil Oo Magacaabay AFARTII Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa

Mesut Ozil ayaa tilmaamay afartii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa Arsenal kulankii xalay ay guusha xilliga dambe ah ka gaadheen naadiga Rapid Vienna oo gool kala hor maray.Arsenal ayaa xalay ku sugnayd waddanka Austria oo ay kulankeeda ugu horreeya ee tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan isku haleeleen Rapid Vienna, taas oo ay kaga soo adkaatay 2-1.Kulankan oo ka dhacay garoonka Allianz Stadion, waxa Arsenal laga dhaliyey bilowga qaybta dambe kaddib markii uu goolhaye Bernd Leno sameeyey qalad, laakiin David Luiz ayaa u…

Tottenham, Leicester & AC Milan Oo Guulo Gaartey, Celtic &

Tottenham ayaa guul 3-0 ah ku bilaabatay tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaanay meel iska saartay naadiga yar ee LASK, taas oo uu Gareth Bale markii ugu horreysay ugu soo bilowday kooxdiisa cusub.Tababare Jose Mourinho ayaa nasiyey xiddigihiisa waaweyn sida Harry Kane oo aan ciyaartaba soo gelin iyo Son oo uu beddel ku keenay, waxaana uu fursad siiyey Gareth Bale oo goolka labaad ee kooxdiisu heshay oo ay LASK iska dhalisay isagu soo laaday kubadda.Tottenham ayaa daqiiqaddii 18aad hoggaanka u qabatay ciyaarta,…

Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada Usbuuca 6aad

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo wali ku jira kulamadii ugu horreeyay ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana toddobaadkan ballansan kooxo waaweyn oo ay ugu mudan tahay kulanka ay ku ballsan yihiin Manchester United iyo Chelsea oo Sabtida dhici doona. Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo guul muhiim ah ay kooxdiisu kasoo gaadhay PSG oo Salaasadii ay ugu tagtay Paris, ayaa waxay qaabbili doontaa Chelsea oo barbarro lasoo gashay Sevilla, sidoo kalena ay dhibcaha wadaageen Southampton ciyaartoodii toddobaadkan.…

SHANTA Qalad Ee Waaweyn Ee Zinedine Zidane Sameeyey,

Guul-darradii Shakhtar Donetsk ay u xambaarisay Real Madrid Khamiistii, waxay bannaanka soo dhigtay xaaladda  adag ee uu ku jiro tababare Zinedine Zidane oo ay durba shaqadiisu halis ku jirto. Los Blancos oo laba guul-darro iskugu xigeen, usbuucan horraantiisiina ay Cadiz isla garoonka Estadio Di Stefano 1-0 ugu dhiibtay ka hor intii aanay Shakhtar oo iyaduna garoonkan timid ku garaacin 3-2, ayaa waxa durba la sheegayaa in Zinedine Zidane uu ku dhow yahay in shaqada laga caydhiyo. Real Madrid ayaa Sabtida u tegi doonta…

Arsenal Oo Guul Ay Ku Dhibaatootay Ku Furatay Europa League,

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul ku bilaabatay tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaanay 2-1 ku garaacday kooxda Rapid Vienna oo ay marti u ahayd.Arsenal ayaa lagala hor maray gool uu Rapid Vienna u dhaliyey Taxiarchis Fountas daqiiqaddii 51aad ee bilowga qaybta dambe, waxaa se ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan tahay dhamaadkeeda jabiyey derbigii ay dhisatay kooxda garoonkeeda joogtay David Luiz oo dhaliyey goolka hore ee Arsenal, waxaana afar daqiiqadood oo kaliya kaddib mid labaad ku daray…

Carlo Ancelotti Oo Ku Eedeeyey Virgil van Dijk Inuu Dhaawac

Tababaraha ruug-caddaaga ah ee Carlo Ancelotti ayaa eedaymo u jeediyey laacibkii ka dhaawacmay Liverpool ee Virgil van Dijk oo uu xusay inuu waxyeello usii geystay James Rodriguez ka hor intii aan isaga laga saarin garoonka ciyaartii Sabtidii ee Merseyside dereby.James Rodriguez ayaa seegi doona kulanka Everton ay Axadda soo socota la ciyaari doonto Southampton kaddib taakal uu ku qabtay Van Dijk bilowga ciyaartii Liverpool iyo Everton ee barbarraha 2-2 kusoo dhamaaday.Carlo Ancelotti ayaa ku dooday in xiddiga Liverpool uu…

Lionel Messi Oo Farriin U Diray Cristiano Ronaldo Kaddib

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa wali rajaynaya in Cristiano Ronaldo uu taam u noqon doono kulanka Champions League ee  Barcelona iyo Juventus ay toddobaadka dambe isku haleeli doonaan, kaas oo laacibka reer Portugal la sheegay inuu ku seegi doono xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay.35 jirka reer Portugal ayaa xanuunkani asiibay October 13 xilli uu waddankiisa Portugal u ciyaarayay kulamadii caalamiga ahaa, waxaana lagu qasbay in ciyaartii ugu dambaysay dalkiisa uu seego.Waxa kale oo Cristiano uu karantiil ku jiray…

Mesut Ozil Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal Ee Europa League

Mesut Ozil ayaa sheegay inuu TV-ga hortiisa ku taageerio doono Arsenal caawa isagoo saadaaliyay in Arsenal ay 4-1 ku badin doonto.Arsenal ayaa goor dhow la ciyaareysa kooxda Rapid Wien kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka Europa League.Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka Ozil ayaan ka qeyb qaadan karin kulankaan madaama laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal u dheeli kara Europa League iyo Premier League.Ozil ayaa warbixin uu baahiyay shalay oo Arbaco aheyd wuxuu ku dhaleeceeyay kooxda Waqooyiga London ka dhisan isagoo…

Shaxda Rasmiga Ah Rapid Vienna vs Arsenal – Arteta Oo Shax

Tababare Mikel Arteta ayaa shax adag soo safay kulanka ay ka hortagagayaan kooxda Rapid Vienna ee furitaanka xilli ciyaareedka Europa League.Labada kooxood ayaa qeyb ka ah Group B oo ay sidoo kale kula jiraan kooxaha Molde iyo Dundalk.Waxaa markii ugu horeysay shaxda Arsenal lagu soo bilaabay saxiixa cusub ee kooxda Thomas Partey oo khadka dhexe maamulaya kaasoo ka garab ciyaaraya Mohamed Elneny iyo Bakayo Saka.Weerarka waxaa hogaaminaya Alexander Lacazette oo sidoo kalena ah kabtanka kooxda ee maanta iyadoo Aubameyang uu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More