Jurgen Klopp Oo Qirtay In Dhaawac Halis Ahi Gaartey Fabinho

Jurgen Klopp ayaa qirtay in dhaawaca xalay soo gaadhay laacibka reer Brazil ee Fabinho aanu ahayn ‘mid fiican’, isla markaana uu uga dhigan yahay ‘dhibaatadii ugu dambaysay’ ee soo gaadhi lahayd kooxdiisa.

Fabinho ayaa garoonka laga saaray daqiiqaddii 28aad ee ciyaartii ay xalay 2-0 kaga badiyeen FC Midtyjylland, taas oo uu dhulka fadhiistay, isla markaana garsooraha ciyaartu uu si degdeg ah ugu dalbay gargaar dhakhtar.

Liverpool oo ay hore uga dhaawacnaayeen Virgil van Dijk oo inta ka hadhay xili ciyaareedkan maqnaanaya iyo Joel Matip ayaa waxa uu tababare Klopp ku qasbanaaday inuu soo geliyo laacibka da’da yar ee Rhys Williams oo 19 jir ah, isla markaana ciyaartiisii koowaad ee Champions League ah kasoo muuqday.

Dhaawaca Fabinho ayaa walaac ku riday tababare Jurgen Klopp, waxaana warbaahinta uu u sheegay sida ay dhibaatada ugu tahay kooxdiisa inuu waayo Fabinho waqti aanay haysanin difaacyahanno kale oo kaliya uu joogo Gomez.

“Inaanu weyno difaac dhexe oo kale, waxay nooga dhigan tahay wixii ugu dambeeyey ee nagu dhici lahaa.” Ayuu yidhi Klopp oo la hadlayay BT Sports.

“Fabinho wuxuu dhaawac ka dareemay muruqa, taasina wax fiican maaha. Wax badan muu dareemayn: Wuxuu ii sheegay inuu sii wadan doono ciyaarta, laakiin wuu tallaabsan kari waayey.” Ayuu raaciyey Jurgen Klopp.

Fabinho ayaa ugu yaraan ay hubaal tahay inuu ka maqnaanayo ciyaarta Sabtida ee West Ham oo sidoo kale uu Matip ka maqan yahay, waxaase inta ka horreysa ay kooxdu soo saari doontaa warbixin rasmi ah oo ay ku shaacinayso inta uu le’eg yahay dhaawaciisu iyo muddada uu garoomada ka maqnaan doono.

Jurgen Klopp oo la weydiiyey xaaladda Matip ayaa werwer kale ku abuuray jamaahiirta kooxda, waxaanu yidhi; ‘Ma garanayo. Waxaan se si dhab ah u xiisaynayaa xaqiiqada sida aad idinkuba qiyaasi karaysaan.

Kaddib dhaawaca Van Dijk, Matip iyo Fabinho, Klopp waxa kale oo Jurgen Klopp uu ka walaacsan yahay Kabtan Jordan Henderson oo isaga naf ahaantiisa dhaawac lagu saaray waqtigii nasashada.

Henderson waxa uu ciyaaray 45 daqiiqadood oo kaliya, waxaana uu tababare Klopp ku adkaystay in marka horeba uu qorshihiisu ahaa in Georginio Wijnaldum uu kusoo beddelo waqtigaas.

Laacibka da’da yar ee Williams ayaa uu Klopp ka ciyaarsiin karaa difaaca dhexe kulanka soo socda maadaama uu bandhiggiisu wanaagsanaa intii uu garoonka ku jiray xalay, laakiin waxa kale oo uu haystaa Henderson oo booskaas qaban kara haddii uu taam u ahaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More