Real Madrid Oo Barbarro Xilligii Dhimashada Ka Heshay

Real Madrid ayaa barbarro dirqi ah kasoo hoysay ciyaar lagu dhibaateeyey oo laba gool ay kaga soo hormartay kooxda Borussia Monchengladbach, taas oo daqiiqaddii 85aad maraysay 2-0.

Real Madrid ayaa xilli dambe dagaalantay, waxaanay soo kansashay laba gool oo lagaga horreeyey xilli ay shan daqiiqadood oo kali ah ciyaartu maraysay.

Daqiiqaddii 33aad ayaa Real Madrid lagu niyad-jabiyey gool uu Borussia Monchengladbach u dhaliyey Marcus Thuram oo uu dhalay halyeygii reer France ee Lillian Thuram, waxaana mid labaad ugu daray daqiiqaddii 58aad, halka ay kooxdiisu iska lumiyeen fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen.

Real Madrid ayuu naqasku kasoo baxay daqiiqaddii 87aad markaas oo uu Karim Benzema u dhaliyey gool uu laynka bannaanka kasoo madaxeeyey Casemiro.

Waqtigii dheeraadka ee ciyaarta lagu daray ayay Real Madrid heshay goolka barbarraha, waxaana u saxeexay Casemiro oo lugta midig u adeegsaday inuu shabaqa Gladbach kubadda ku dhex-dhigo kaddib madax uu Sergio Ramos ugu soo dhiibay

Shaxdii labada kooxood

REAL MADRID: (4-3-3): Thibaut Courtois; Lucas Vasquez, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Federico Valverde, Casemiro, Toni Kroos; Marco Asensio, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Marcelo, Luka Modric, Eden Hazard, Isco, Diego Altube, Eder Militao, Luka Jovic, Andriy Lunin, Sergio Santos, Rodrygo.

BORUSSIA MONCHENGALDBACH: (4-2-3-1): Yann Sommer; Stefan Lainer, Matthias Ginter, Nico Elvedi, Ramy Bensebaini; Christoph Kramer, Florian Neuhaus; Jonas Hofmann, Lars Stindl, Marcus Thuram; Alassane Plea.

Kaydka: Michael Lang, Ibrahima Traore, Rocco Reitz, Valentino Lazaro, Laszlo Benes, Oscar Wendt, Breel Embolo, Hannes Wolf, Max Grun, Tony Jantschke, Patrick Herrmann, Tobias Sippel.

Zinedine Zidane ayaa kusoo bilaabay shaxdii uu kula ciyaaray Barcelona Sabtidii ee uu guusha weyn kaga soo gaadhay, taas oo kaliya uu ku sameeyey hal beddel oo ah in booskii Nacho oo dhaawac ah uu keenay Lucaz Vazquez.

Los Blancos oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey soo guul-darraysatay, isla markaana ay Man City laba mar oo isku xiga oo wareeggii 16ka ee xili ciyaareedkii hore soo garaacday iyo Shakhtar oo toddobaadkii hore 3-2 ugu dhiibtay magaalada Madrid, ayuu Zinedine Zidane doonayay in aan loo diiwaan-gelinin taariikh madow oo kooxda hal mar oo kaliya soo martay intii ay jirtay.

Real Madrid ayaa afar jeer oo xidhiidh ah oo Champions League ah laga soo badiyey hal mar oo kaliya taariikhdeeda, waxaanay xiddigaha kooxdu sii ogaayeen in haddii ay Borussia Monchengladbach ka badin waayaan ama barbarro ku qaban waayaan ay taariikhdaas madow iyaguna geli doonaan.

Madrid oo laba jeer oo hore oo ay u tagtay Gladbach marna laga soo badiyey marna barbarro soo gashay sannadkii 1985kii, ayaa waxa uu Zidane la yimid shax adag oo uu rumaysnaa in shaqadiisa uu ku badbaadsan karayay, sidoo kalena ay kooxdiisu guul ku helaysay.

Daqiiqaddii 14aad ayay Real Madrid heshay fursaddii ugu weynayd, uguna horreysay ee ciyaarta soo martay, waxaana Lucas Vazquez uu kubbad ugu keenay xerada ganaaxa ee Gladbach weeraryahanka Karim Benzema oo difaaca ka dambeeyey, kaas oo isaguna kubadda ku maamulay xabbadka kaddibna laag sida Foolida ah ku qabtay, balse kubadda ayaa dhinaca midig ka martay goolka.

Toni Kroos ayaa isku-day kale oo wanaagsan sameeyey, waxaana uu kubbad awood badan ku liishaamay goolka Borussia Monchengladbach, hase hyeeshee goolhaye Sommer ayaa labadiisa gacmood u adeegsaday inuu kubadda goolkiisa ka leexiyo.

GOOOAAAALLLLLLLLLLL! Gladbach 1-0 Real Madrid! Borussia Monchengladbach ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 33aad waxaana kubbad uu dhinaca midig kasoo wareejiyey Alassane Plea si qurux badan u dhaliyey Thuram oo uu dhalay difaacii hore ee reer France ee Lillian Thuram.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guusha la nasatay Borussia Monchengladbach, iyadoo ay Real Madrid isku dayaysay inay hesho goolka ayaanu garsooruhu afuufay siidhiga dhamaadka.

MUSIIBADII QAYBTA DAMBE:

Real Madrid ayaa ku bilaabantay dardar iyo inay weerarro is-daba joog ah ku qaadeen goolka Borussia Dortmund, waxaana fursad weyn iska khasaariyey Vinicius Junior oo kubbad loo dhigay xerada ganaaxa u laagay meel qaldan.

GOOOAAAALLLLLLLLLLL!!! Gladbach 2-0 Real Madrid!! Plea ayaa kubbad ku qabtay goolhaye Courtois oo isaguna iska soo difaay laakiin Thuram oo hor taagnaa ayaa mar kale ku celiyey, waxaana ciyaartoyda Real Madrid oo ku dooday OFFSIDE loo sheegay inay bilowdaan kubadda.

NAXDINTII XIGTAY!! Real Madrid ayaa naxdin weyni ku dhacday daqiiqaddii xigtay dabbaal-degga goolka laga dhaliyey, waxaana mar kale kubbad ula yimid goolhaye Courtois oo ay isku kaliyeysteen Plea iyo goolhaye Courtois oo ka badbaadiyey.

Saddex daqiiqadood ba intii aanay kasoo wareegin ayaa mar kale goolhaye Courtois loola yimid kubbad kale oo inyar u martay birta.

Daqiiqaddii 87aad ayay Real Madrid heshay gool uu u dhaliyey Karim Benzema kaddib kubbad uu soo madaxeeyey Casemiro, taas oo xoogaa muujisay inay rajo leeyihiin Real Madrid inkasta oo uu waqtigu ku yar yahay.

GOOOOOOOAAAAAAAALLLLLLL Casemiro ayaa Real Madrid u dhaliyey goolka barbarraha waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray, waxaanau shabaqa ku leexiyey kubbad uu soo madaxeeyey Sergio Ramos.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2 dirqi ahaa oo ay Real Madrid u arkaysay inay guuleysatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More