Mesut Ozil Oo Laga Shaqo Galiyay Kooxda Roma, Nooca Shaqada

Kubad sameeyaha kooxda Arsenal wakhtiga adag ku maraya ee Mesut Ozil ayaa qaab kaftan ah looga shaqo siiyay kooxda ree Talyaani ee AS Roma xilli uusan wax fursad ah mudo toddoba bilood ah ka helin macalinkiisa Mikel Arteta.

Xiddiga ree Germany ayaa laga reebay labada liis ee kooxdiisa u metelaya tartamada horyaalka Premier League iyo UEFA Europe League taas oo hadal hayn badan dhalisay.

Talaabadaas ayaa noqotay mid culus oo in badan laga faalooday maadaama ay lama filaan noqotay in ciyaaryahan 2018-kii heshiis qaali ah u saxeexay Gunners laga reebo liisaska kooxda u metelaya tartamada waaweyn.

Marka laga yimaado go’aanka uu gaadhay Mikel Arteta, Ozil ayaa balan qaaday inuu u dagaallami doono booskiisa iyo sidii uu shaxda ugu soo noqon lahaa.

Iyadoo uu soo socdo suuqa bisha January, 32 sano jirkan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo kale balse waxa dhinacooda jira warbixino sheegaya inay suurogal tahayba in waayihii ciyaareed ee Ozil uu soo dhammaaday oo uu shaqo kale u wareegi karo.

Warbixino dhawaan la qoray ayaa sheegaya inuu Ozil noqon karo shaqsi ka hawl-gala baraha bulshada kaddib markii uu soo tabiyay ciyaartii ay kooxdiisu guusha 2-1 ka ah kasoo gaadhay dhigeeda Rapid Wien oo uu waxkasta oo ka dhaca Twitter-ka ku qorayay.

Haatan bogga Twitter-ka ee AS Roma ayaa kaftan ka sameeyay isla dhacdadaas iyagoo kusoo dhaweeyay kooxdooda iyagoo siinaya doorka ah inuu baraha bulshada uga shaqeeyo kaddib wacdarihii uu ku dhigay kulankaas hore.

Barta Twitter-ka ee Roma ayaa lagu qoray “Soo dhawaw Ozil” kahor inta uusan Ozil oo dareemo yar yar oo qosol ah soo raaciyay usoo qorin “Mahadsanidiin Roma, waxaan filayaa in aniga iyo Totti aanu labaley cajiib ah samayn karno”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More