ISLAAM NACAYBKA France Oo Kubadda Cagta Galay & Talaabadii

Kooxda ree France ee Marseille ayaa xalay muujisay dhacdo kale oo fadeexad ku ah sumcadeeda ciyaareed kaddib markii ay la fal-gashay arrimo diinaha la xidhiidha oo muddooyinkan ugu dambeeyay ka socday dalkaasi.

Ugu horreynba talaabada ay qaaday Marseille ayaa ahaa inaysan jilibka dhulka dhigin oo aysan taageerin ololaha cunsuriyada lagaga soo horjeedo ee Black Lives Matter “BLM” ee caalamiga ah.

Kaamerooyinka ayaa qabtay xiddigaha Manchester City ee martida u ahaa Marseille oo jilibka dhulka dhigay dhammaantood isla markaana taageeraya dhaq-dhaqaaqay BLM halka ay xiddigaha kooxda martida loo ahaa diideen.

Horyaalada England ayaa ahaa kuwo lagu taageerayay dhaq-dhaqaaqaas tan iyo bishii June iyadoo tababarayaasha, shaqaalaha iyo xiddiguhuba ay ahaayeen kuwo jilibka dhulka saarayay tan iyo bishii June kahor kulamada.

Iyadoo ay ciyaartoyda tababare Pep Guardiola doorteen inay jilibka dhulka dhigaan ayay taas caksigeeda xiddigaha uu hormoodka u yahay macalin Andre Villas-Boas diideen inay sidaas sameeyaan iyagoo istaagay garbahana is-qabsaday.

Haddaba, haddii ay midaasi tahay cunsuriyad dhinaca midabka ah intaa waxa dheer in sida ay warbixinuhu sheegayaan ay doorteen xiddigaha Marseille inay daqiiqad u aamusaan oo ay sharfaan Samuel Paty.

Samuel Paty ayaa ahaa macalin taariikhda ah kaas oo toddobaadkii hore lagu dilay dalka France kaddib markii uu af-lagaado ka baahiyay Nabi Muxamad NNKH.

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter-ka kaga hadlay dhacdadan iyagoo wax laga xishoodo ku sifeeyay qaabka ay u dhaqmeen xiddigaha Marseille.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More