Shaxda Adag Ee Manchester United Ay Kula Ciyaarti Doonto RB

Manchester United waxay garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doontaa kooxda reer Germany ee RB Leipzig kulankeeda labaad ee Champions League Arbacada.

Ole Gunnar Solskjaer oo dhibaato ka haysato kulamada horyaalka Premier League oo ay kooxdiisu kaalinta 15aad ku jirto, ayaa waxa kale oo saluug ka jiraa qaabka uu u sameeyo xulashada laacibiintiisa.

Toddobaadkii hore waxay United kasoo hoysay guul weyn ciyaartii ay martida u ahayd Paris Saint-Germain oo culayskii badnaa ka dejisay tababare Solskjaer oo xataa la sheegayay in mustaqbalkiisa mugdi ku jiro.

Laacibkii kulankaa la baxsaday ee Axel Tuanzebe oo xiddiga garoonka loo magacaabay, isla markaana sii buuxiyey booska Harry Maguire oo dhaawac ahaa ayaa waxa uu aamusiiyey Kylian Mbappe oo si lala yaabay awood ugu yeeshay inuu joojiyo weeraryahannada daadka ahaa ee PSG.

Solskjaer ayaa laga filayay inuu kusoo celiyo Tuanzebe kulankii usbuucan ee Manchester United ayaa laga sugayaa in mar kale uu aamino oo uu kusoo bilaabo ciyaarta RB Leipzig ee Old Trafford.

Sida uu wargeyska The Sun sii sheegay, in Maguire iyo Lindelof ay kusoo wada biaaban doonaan, labada garabna ay hayn doonaan Luke Shaw oo kasoo hormari doona saxeexa cusub ee Alex Telles, dhinaca midigna aanay cidina ku haysanin Aaron Wan-Bissaka.

Khadka dhexe ayuu wargeysku sii sheegay inay u badan tahay in Scott McTominay iyo Fred uu mar kale aamini doono Solskjaer laacibiintiisa kale sida Donny van de Beek iyo Paul Pogba na ay sugi doonaan ciyaarta Arsenal ee toddobaadka dambe.

Bruno Fernandes ayaa no.10 qabsan doona, sidoo kalena Juan Mata ayaa mar kale kusoo bilaaban kara halka Anthony Martial uu hoggaamin doono weerarka oo ay iskaashan doonaan Marcus Rashford.

Shaxda macquulka ah ee Manchester United kula ciyaari doonto RB Leipzig:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More