Bayern Munich Oo Guushii Labaad Kasoo Gaartey Kulan Ay Ku

Kooxda difaacanaysa koobka Champions League ee Bayern Munich ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah ka gaadhay labadii kulan ee xili ciyaareedkan ee tartankan UCL, waxaana ciyaar aad u adkayd oo ay marti ugu ahayd kooxda Ruushka ah ee Lokomotiv Moscow ay kasoo gaadhay guul 2-1 ah.

Bayern Munich oo kulankii hore guul weyn oo 4-0 ah ka diiwaangashatay Atletico Madrid oo magaalada Munich ay ku martigelisay ayaa waxay caawa iska xaadirisay waddanka Ruushka, waxaana xilli horeba tababare Flick niyadda u dhisay Leo Goretzka oo gool u dhaliyey daqiiqaddii 13aad oo hoggaanka kooxdiisa ugu dhiibay kubbad uu ka helay Benjamin Pavard.

Laakiin kooxda garoonkeeda joogtay ee Lokomotiv Moscow ayaa dagaal adag ka gashay goolka lagala hormaray, waxaana qaybtii labaad ay la timid goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Anton Miranchuk iyadoo dhamaadka ciyaartana ka hadhsan yihiin 20 daqiiqadood. Balse sagaal daqiiqadood kaliya kaddib ayay Munich hoggaanka ciyaarta kusoo laabatay, waxaana gool labaad u saxeexay da’yarka Joshua Kimmich.

Shaxdii labada kooxood

BAYERN MUNICH (4-2-3-1): Manuel Neuer; David Alaba, Benjamin Pavard, Lucas Hernandez, Niklas Sule; Joshua Kimmich, Leon Goretzka; Kingsley Coman, Thomas Muller, Corentin Tolisso; Robert Lewandowski.

BAYERN MUNICH SUBS: Bouna Sarr, Douglas Costa, Javi Martinez, Leroy Sane, Eric Maxim Choupo-Moting, Ron-Thorben Hoffmann, Marc Roca, Alexander Nubel, Jamal Musiala, Jerome Boateng, Serge Gnabry.

LOKOMOTIV MOSCOW (4-3-2-1): Guilherme; Dmitri Zhivoglyadov, Vedran Corluka, Murilo Cerqueira, Maciej Rybus; Anton Miranchuk, Stanislav Magkeyev, Vladislav Ignatjev; Grzegorz Krychowiak, Fedor Smolov; Ze Luis.

LOKOMOTIV MOSCOW SUBS: Anton Kochenkov, Vitali Lystsov, Francois Kamano, Aleksandr Silyanov, Vitali Lisakovich, Dmitri Rybchinskiy, Andrey Savin, Slobodan Rajkovic, Rifat Zhemaletdinov, Maksim Mukhin, Eder, Daniil Kulikov.

Daqiiqaddii saddexaad ee ciyaarta ayaa uu goolhaye Neuer iyo difaacyahannadiisuba fisheen in shabaqooda la gaadhay markii uu Miranchuk kubbad dheer ka keenay dhinaca, taas oo u timid Smolov oo kaliya u baahnaa inuu goolhaye Neuer dhaafiyo si uu hoggaanka kooxdiisa ugu dhiibo, laakiin waa uu awoodi kari waayey.

Bayern Munich ayaa kaga jawaabtay fursad uu helay Muller oo uu u dhiibay Lewandowski oo isaguna soo galay xerada ganaax, laakiin waxa ka qalloocatay toogashadii uu sameeyey.

GOOAAAAAAAALLLLLLL! Leo Goretzka ayaa hoggaanka u dhiibay Bayern Munich daqiiqaddii 13aad, waxaana uu shabaqa Lokomotiv ku hubsaday kubbad uu Tolisso u dhiibay Pavard oo isaguna u dhiibay Goretzka oo kubbad awood badan dhaafiyey goolhaye  Guilherme.

Bayern Munich oo awood badnayd qaybta hore, ayaa iska khasaarisay fursado ay ku dhalin karaysay goolal kale oo sabab ugu noqon lahaa inay qaybta dambe si nefis ah u ciyaarto laakiin umay suurtogelin.

Qaybtii dambe ayay kooxda martida loo ahaa ee Lokomotiv Moscow kusoo gashay qaab xooggan, waxaanay si adag uga dagaallameen khadka dhexe.

Laba fursadood oo qaali ahaa ayay Bayern Munich heshay, waxaana midda hore ay soo martay Kimmich iyo Martinez oo wada shaqeeyey, halka tan kalena ay ahayd mid ay Gnabry iyo Kimmich iska kaashadeen, balse difaaca kooxda garoonkeeda joogta ayaa ahaa kuwo soo jeeda.

DHAWAAQII RIKOODHAHA!! Robert Lewandowski ayaa dalbadayt rikoodhe markii uu soo dhaafay laba difaac oo kasoo horjeeday, laakiin waxa dhulka ugu tuuray Kulikov iyadoo uu garsooraha ciyaartuna qabtay rikoodhe.

VAR oo laga soo eegay rikoodahan ka hor inta aan la hirgelin go’aanka garsooraha ayaa waxa meesha lagaga saaray jiritaanka rikoodhaha.

GOOOOOAAAAALLLLLLLL!! 1-1! Lokomotiv Moscow ayaa la timid goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Miranchuk kaddib markii uu kubbad ka helay Zé Luís.

Bayern Munich ayaa sagaal daqiiqadood oo kaliya ay ku qaadatay inay iska soo beddelo goolkan oo ay mar kale hoggaanka ciyaarta qabato, waxaana kubbad ka timid Javier Martínez Aginaga shabaqa ku hubsaday da’yarka Joshua Kimmich oo natiijada ka dhigay 2-1.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Bayern Munich.

Dhinaca kale, Inter Milan ayaa barbarro goolal la’aan ah lasoo gashay kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk oo ay marti u ahayd.

Kulankan oo tababare Antonio Conte uu shax adag kusoo galay ayaanay u suurtoobin inay libinta helaan kooxdiisa, iyadoo ciyaartii horena ay barbarro 2-2 ah garoonkooda kula soo galeen Borussia Monchengladbach garoonka San Siro, taas oo ka dhigan in kooxda Talyaaniga ah ay laba dhibcood ka  heshay labadii kulan ba oo ay barbarraysay.

Shakhtar ayaa groupkan hoggaaminaysa oo leh afar dhibcood iyadoo Real Madrid kasoo adkaatay ciyaartii hore, halka ay kooxda reer Spain la ciyaarayso Monchengladbach.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More