Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Chelsea Oo Noqotay Kooxdii 1aad Ee U Gudubta Wareegga 16ka,

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waqtigii dheeraadka ahaa guul ka gaadhay Rennes oo ay ugu tagtay waddanka Faransiiska, waxaanay kusoo garaacday 2-1.Gool uu daqiiqaddii 91aad u dhaliyey Olivier Giroud ayaa Chelsea ka caawiyey inay iska xaadiriso wareegga 16ka ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, kaddib markii uu shabaqa ku hubsaday kubbadda xilli kooxdiisa ay saarnayd culays weyn.Chelsea ayaa gool la hormartay qaybtii hore, waxaana u dhaliyey Hudson-Odoi, hase yeeshee waxa goolka barbarraha ka daba keenay…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester United vs Istanbul

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa kooxdii guul-darrada 2-1 ugu soo xambaarisay waddanka Turkey ee Istanbul Basaksehir, waxaanu Ole Gunnar Solskjaer kala hor yimid shax adag oo uu kaga aargoosanayo, isla markaana ceebtii ciyaartaas kasoo gaadhay uu iskaga madhayo.Edinson Cavani ayaa ciyaartiisii ugu horreysay ugu soo bilowday Manchester United, waxaanay is garab taagan yihiin Donny van de Beek oo isaguna khadka dhexe la wadaagaya Fred iyo Fernandes.Paul Pogba ayaa gebi ahaanba aan ku jirin…

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Juventus vs Fenencvaros,

Paulo Dybala ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Juventus waxaanay iska garab ciyaarayaan Cristiano Ronaldo kulanka ay Allianz Juventus Stadium kusoo dhoweynayaan kooxda Ferencvaros.Andrea Pirlo ayaa shax adag kusoo galay kulankan si uu saddexda dhibcood u helo oo uu usii kordhisto lixdii dhibcood ee ay kooxdiisu hore u haystay, isagoo dhinaca kalena ku ducaysanaya in Dynamo Kiev ay awood u yeelato inay qabato Barcelona.Juventus oo ay labada kulan ee u hadhsan yihiin Barcelona iyo Dynamo Kiev oo ay labada ciyaarood ee soo socda…

“Waxay U Ciyaarayaan Sidii Laba Qof Oo Bilaa Ujeeddo Ah” –

Halyeygii weerarka xulka qaranka Netherlands iyo AC Milan ee Marc van Basten ayaa ku eedeeyey Lionel Messi iyo Antoine Griezmann inay u ciyaarayaan sidii laba qof oo aan lahayn hadaf iyo ujeeddo ay doonayaan inay gaadhaan.Barcelona ayaa Sabtidii lasoo kulantay guul-darro markii ay booqatay Atletico Madrid, waxaanay guul-darradeedaasi keentay inay ku jiraan kaalinta 13aad ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga iyagoo 12 dhibcood ka hooseeya kooxda hoggaanka haysa ee Real Sociedad.Marc van Basten ayaa tilmaamay in labada…

Pep Guardiola Oo Sharraxay Sababta Kooxaha Ingiriisku Ugu

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta kooxaha Ingiriisku ay ugu dhibaatoodaan tartamada Yurub, waxaana uu ku dooday in kooxdiisu ay xili ciyaareedkan awood u yeelan doonto inay soo afjarto Inkaartii ka hor taagnayd finalka.Pep Guardiola oo hore uga cawday jadwalka cidhiidhiga ah ee kooxaha Premier League saaran, isla markaana ay dooddan wada rumaysan yihiin Jurgen Klopp iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa mar kale ku celiyey in ciyaaraha sanka isku haya ee nasasho la’aanta ah ay ku keenaan…

“Real Madrid Maaha Inay U Baroorato Ciyaaryahanadda Ka Maqan”

Tababaraha Inter Milan ee Antonio Conte ayaa ku qoslay wararka sheegaya in kooxdiisa Nerazzurri ay ka faa’iidaysan doonto Real Madrid oo ay sii diciifiyeen dhaawacyo iyo xanuunka Korona Fayras marka ay habeen dambe ku kulmaan Statio Giuseppe Meazza.Los Blancos ayay dhaawac kaga maqan yihiin Sergio Ramos, Karim Benzema, Fede Valverde iyo Alvaro Odiriozoa, halka Luka Jovic iyo Eder Militao ay xanuunka Korona Fayras u jiifaan.Antonio Conte oo ka hadlayey shir jaraa’id ka hor ciyaarta ay ku martigelinayaan Real Madrid ayaa…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Ay Chelsea Kula ciyaarayso Kooxda

Kooxda Chelsea ayaa marti ku ah dalka France iyagoo booqanaya gegida kooxda Rennes ee Roazhon Park kulan ka tirsan wareega afraad ee UEFA Champions League gaar ahaan heerka Group-yada.Chelsea oo u muuqatay mid jaanta isla heshay kulamadii ugu dambeeyay ayaa haatan hoggaanka u haysa Group-keeda iyagoo farqiga goolasha kaga sarreeya Sevilla waxaana ay doonayaan guul kale si ay ugu yaraan kaalintaas usii xejistaan.Frank Lampard ayaa kulankan nasiimo u diray xiddigaha kala ah N’Golo Kante, Hakim Ziyech, Reece James isaga oo…

Maxay Tahay Sababta Uu Jose Mourinho LUGTA DOOFAARKA Ugu

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa markale qabsaday baraha bulshada gaar ahaan barta Instagram ee uu wacdaraha ka dhigayay muddooyinkan ugu dambeeyay iyadoo uu ku wehelinayay daafaciisa bidix ee Sergio Reguilon.Jose ayaa sawirka uu soo dhigay uu ka muuqanayaa isaga oo lug doofaar oo 500 Pound ah u iibiyay Reguilon iyadoo sababtu ay ahayd in ciyaaryahankiisu uu ku guuleystay sharad ay wada galeen.“Balani waa balan, waxa igaga baxay 500 oo Pound balse waan ilaaliyaa balamahayga” ayuu Jose kusoo hoos qoray…

Jurgen Klopp Oo War Rasmi Ah Kasoo Saaray Haddii Mohamed

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay haddiiba garabka kooxdiisa ee Mohamed Salah uu diyaar u yahay kulanka Atlanta ee Champions League ee habeen dambe xilli warar cusubi kasoo kordhayaan xaalada khadka dhexe ee Thiago Alcantara.Klopp ayaa hadda shaaciyay inuu Mohamed Salah diyaar u yahay kulanka Atlanta kaddib markii uu sababta caabuqa Korona Fayras u seegay kulankii Leicester City ee Axadii.Salah ayaa xanuunka ka qaaday arooskii walaalkii oo uu ka qayb galay isaga oo jooga dalkiisa Egypt balse waxa ugu…

Waakan Muuqaalka Laga Duubay Lionel Messi Ee Caddaynta Kuugu

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa imika ku jira wakhtigii ugu adkaa ee waayihiisa ciyaareed ee cajiibka ah, xiddiga ree Argentina ayaa garoonka dhexdiisa ku dhibtooday xilli ciyaareedkan 2020-21 isaga oo kaliya hal gool oo ciyaar furan ah dhaliyay.Qaab ciyaareedkiisan xun ayaa ah mid imanaya kaddib suuq xagaa oo uu si cadaan ah u sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Barca.Ugu dambayn Messi ayaa doortay inuu sii joogo kooxda uu qalbiga ka jecel yahay isaga oo diiday inuu dagaal dhinaca sharciga ah la galo oo uu…