Safiirka PSG Ee Djorkaeff Oo Shaaciyey Qorshaha Uu Kooxda Ka
Qorshaha Kylian Mbappe uu kaga tegayo kooxda reer France ee PSG ayaa waxa faahfaahin buuxda ka bixiyey safiirka naadigaas ee Youri Djorkaeff.
Laacibka reer France ayaa lala xidhiidhinayaa inuu ka tegi doono PSG marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda, waxaana kursi gaaban ugu fadhida Real Madrid oo u aragta weeraryahankeeda mustaqalka, iyadoo uu Zinedine Zidane sugayo in isla marka uu fursad u helo uu ka dhigo saxeexiisa ugu horreeya.
Mbappe oo isagana la rumaysan yahay inuu doonayo inuu ka hoos ciyaaro Zidane, ayaa waxa kale oo naadiyada suurtogalka ah ee uu ku biiri karayo ka mid noqotay Liverpool oo uu laacibkani hore u qirtay inuu ka helo sida uu Jurgen Klopp xiddigihiisan u ciyaarsiiyo.
Bishii hore ayay warar soo baxay tibaaxeen in Mbappe uu u sheegay madaxda PSG inuu doonayo inuu iskaga tago kooxda dhamaadka xili ciyaareedkan.
Qandaraaska Kylian Mbappe ayaa dhamaanaya xagaaga 2022, laakiin kooxda haysata horyaalka Faransiiska ayaa hadda ka fiirsanaysa inay iibiso marka uu xili ciyaareedkani dhamaado, si aanu qaab bilaash ah ugaga tegin 21 jirkan ay kusoo iibsatay lacag dhan £166 milyan oo Gini.
Sida uu sheegay Djorkaeff oo ah safiirka PSG, Kylian Mbappe ayaa ku sii joogi kara Paris kaliya inay kooxdu ku guuleysato tartanka Champions League, haddii kalena uu tegi doono oo uu qorshihiisu yahay inuu guulo badan oo heer qaaradeed ah gaadho, taas oo ay muuqato in inta uu joogo Faransiiska aanay suurtogal u ahayn inuu heli doono.
Mbappe oo galay sannadkiisii afraad ee qandaraaskiisa shanta sannadood ah ee uu saxeexay sannadkii 2017 markii ay £166 milyan ee Gini kagala soo wareegeen AS Monaco, kaas oo ku bilowday amaah balse isku beddelay mid rasmi ah ayaa waxa uu PSG u dhaliyey 96 gool 130 ciyaarood oo uu u saftay.
Guul-darradii finalka Champions League ee xili ciyaareedkii hore ay koobka kaga qaadday Bayern Munich ayaa ku keentay laacibkan inuu raadsado naadi u rumayn kara riyooyinkiisa iyo koobabka u qorshaysan inuu ku guuleysto.
Safiirka PSG ee Djorkaeff warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanu Kylian Mbappe waligii sii joogi doonin kooxda oo uu tegi doono, isla markaana uu heli doono fursadda ugu habboon.
“Waxay ila tahay in Mbappe uu mar walba heli doono fursadda ugu habboon. Hadda waxa uu qayb ka yahay mashruuc (PSG). Waxa uu gelayaa sannadkiisii afraad ee Paris, waanu da’yar yahay. Aniga iima muuqato inuu sii joogo doono PSG muddo 10 sannadood ah.” Ayuu yidhi Djorkaeff.
Hadalka safiirka ayaa loo turjumay inuu meesha ka saarayo in Mbappe uu heshiis cusub saxeexi doono, sababtoo ah, caadiyan waxay ciyaartoydu saxeexaan heshiis shan sannadood ah oo haddaba uu midkiisii ugu dambeeyey gelayo, haddii uu heshiis cusub ogolaadana waxay noqon doontaa inuu shan sannadood oo kale saxeexayo oo sidaas uu 10 sannadood PSG ku joogayo.
Laakiin hadalka Djorkaeff ee ah ‘in aanu toban sannadood joogi doonin Mbappe’ ayaa ka dhigan in heshiiska hadda dhamaanaya kaddib uu laacibkani ka bixi doono Parc des Prince.