Wargeyska Bixiya Ballon d’Or-ka Ee France Football Oo Sergio
Wargeyska bixiya abaal-marinta Ballon d’Or-ka ee France Football ayaa ku hawlan inuu soo xulo shaxda kooxdii ugu fiicnayd abid oo laga keenayo 11-ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa dunida abid oo loo habaynayo qaab kooxeed.
Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa noqon kara difaacii ugu fiicnaa abid kubadda, waxaana la filayaa inuu boos ku yeelan doono kooxda.
Laacibka reer Spain ayaa ah difaaca dhexe ee kaliya ee ku jira liiska difaacyahannada uu wargeyska France Football shaaciyey ee wali garoomada kusii jira, kuwaas oo laga xuli doono labada ugu sarreeya ee abid ugu wanaagsanaa oo ka mid noqon doona kooxda ‘Riyada’.
Franco Baresi, Franz Beckenbauer, Fabio Cannavaro, Marcel Desailly, Ronald Koeman, Bobby Moore, Daniel Passarella, Matthias Sammer iyo Gaetano Scirea ayaa liiskan ku jira, waxase uu Sergio Ramos yahay kan kaliya ee wali garoomada kusii jira, waxaanu ku tartamayaa inuu liiskan safka koowaad kaga soo baxo.
Difaaca ugu wanaagsan oo cod loogu qaadayo website-ka France Football, ayaa waxa uu qayb ka noqon doonaa kooxda ‘Ballon d’Or Dream Team’, waxaana Ramos loo saadaalinayaa inuu noqon doono kan ugu sarreeya ee codadka ugu badan hela.
Sergio Ramos oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa wali rukun adag, hoggaamiye iyo lama-taabtaanba u ah Real Madrid, waxaana uu gool rikoodhe ahaa dhaliyey kulankii Sabtidii ay 3-1 ku garaaceen Barcelona.
France Football oo sannadkan go’aansaday in aanu bixinin abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon ‘Dor kaddib saamayntii xanuunka Korona Fayras uu ciyaaraha ku yeeshay ayaa waxa uu ku beddelayaa inuu soo xulo shaxda naadigii ugu wanaagsanaa abid ee kubbad ciyaaray.
Kooxdan oo lagu dhawaaqi doono bisha December ayaa qaabkeedu noqon doonaa 3-4-3, waxaana soo dooran doona oo cod u qaadi doona ciyaartoyda lasoo xulo illaa 170 wakiillo ah.