Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Cristiano Ronaldo Oo Ka Falceliyay Goolashii Uu Bruno

Cristiano Ronaldo ayaa sida cad taageero u ah qaab ciyaareedkii ugu danbeeyay ee uu Bruno Fernandes u soo bandhigay Manchester United iyagoo xaqiijistay guul ay ka gaareen kooxda Istanbul Basakshir koobka Champions League xalay oo Talaado aheyd.Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay gool qurux badan oo uu ku furay goolashii Old Trafford ka hor inta uusan dhalinin goolkiisa labaad daqiiqadii 19aad ee ciyaarta.Fernandes ayaa ka dib iska daayay fursad uu seddexleydiisii ugu horeysay ku dhalin lahaa isagoo rigoore kooxda loo dhigay…

Fifa Oo Ku Dhawaaqday Tartamayaasha Tababaraha, Goolhayaha &

Hay’ada ugu sarreysa kubadda cagta caalamka ee Fifa oo goor dhawayd ku dhawaaqday qaar kamida tartamayaasha abaalmarinaha ay sanadkan ku bixin doonto xaflada FIFA The Best Awards ayaa wali sii wada shaacinta tartamayaasha kala duwan.Aan ku horraynee FIFA ayaa markan macalimiinta ku tartami doona abaalmarinta tababaraha sanadka u magacawday Hansi Flick oo Bayern Munich wata, Jurgen Klopp oo Loverpool ah, Marcelo Bielsa oo Leeds United masuul ka ah, hoggaamiyaha Sevilla ee Julen Lopetegui iyo hormoodka Real Madrid ee Zinadine…

Pep Guardiola Oo Shaaciyey Liiska Ciyaaryahanadda Kooxdiisa Ee

Kyle Walker iyo Kevin de Bruyne ayaan qayb ka ahayn ciyaartoyda Manchester City ee kulanka Olympiacos ee tartanka Champions League.Labadan ciyaartoy ayuu Pep Guardiola go’aamiyey inuu siiyo waqti nasasho maadaama ay yihiin ciyaartoyda ugu waqti-ciyaarista badan, waxaana laga reebay liiska ciyaartoyda safarka u galay waddanka Giriigga.Pep Guardiola ayaa u yeedhay ciyaartooyo da’yar oo uu kusoo buuxiyey boosaska labadan ciyaartoy, balse waxa kale oo iyaguna usoo noqday oo diyaaradda qabsaday Fernandinho, Aleks Zinchenko iyo…

Luka Modric Oo Shaaciyey Kooxda Uu Kubadda Cagta Kaga

Xiddiga khadka dhexe ee reer Croatia ee Luka Modric ayaa shaaciyey kooxda uu doonayo inuu kaga fadhiisto ciyaaraha, xilli uu sannadkii ugu dambeeyey heshiiskiisa Real Madrid socdo.Kubbad-sameeyahan oo 12kii bilood ee ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa Santiago Bernabeu ku dhex jira ayaa daboolka ka qaaday inuu doonayo inuu heshiis cusub saxeexo oo uu sii joogo Real Madrid illaa inta uu ciyaaraha ka fadhiisanayo.Waraysi uu siiyey wargeyska Marca ayaa waxa uu ku sheegay inuu doonayo inuu sii ciyaaro kubadda cagta, isla markaana…

Ronaldo Mise Dybala? Andrea Pirlo Oo Magacaabay Laacibkii

Tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo ayaa weerar ku qaaday xiddig kooxdiisa ah oo uu sheegay in qaab ciyaareedkii ay ka filayeen ay ka waayeen intii ay socotay ciyaartii ay ay xalay dirqiga kaga adkaadeen kooxda Ferencvaros.Juventus ayaa lagala hormaray gool, waxaase barbarrihiisa keenay Cristiano Ronaldo ka  hor intii aanu xilli dambe goolka guusha u keenin Alvaro Morata oo beddel kusoo galay qaybtii dambe.Ciyaartan ayuu Andrea Pirlo kusoo wada bilaabay Cristiano Ronaldo iyo Paulo Dybala iyadoo uu kaydka dhigay Morata oo…

Cristiano Ronaldo Oo Babarreeyey Rikoodh Uu Lionel Messi

Cristiano Ronaldo ayaa xalay soo qabtay rikoodh gaar u ahaa laacibka ay xafiiltamaan ee Lionel Messi, kaddib markii uu gool ka dhaliyey kooxda Ferencvaros.Juventus ayaa lagala hor maray gool uu Ferencvaros u dhaliyey laacivbka Myrto Uzuni, balse xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa intii aan loo bixin waqtiga nasashada keenay goolka barbarraha ee kooxdiisa, iyadoo ugu dambayntiina uu Alvaro Morata oo beddel kusoo galay uu Old Lady u saxeexay goolka guusha.Goolka uu Cristiano Ronaldo dhaliiyey oo ku yimid kubbad uu…

Inter Milan vs. Real Madrid – Kulanka Geeri ama Guul,

Inter Milan iyo Real Madrid ba waxay u tahay final oo kale, labadoodubana waxay u baahan yihiin guusha inkasta oo ay sii kala daran yihiin.Kooxda garoonkeeda la joogo waxa kaliya ay wax ku leedahay inay guuleysato, haddii kale waxay macasalaamaynaysaa tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, taas oo ah wax aan laga ogolaan karin in qaabkaas fudud ay ku hadho naadi lacag sidaas u badan la geliyey, isla markaana haysata ciyaartooyo waaweyn.Real Madrid ayaa dhinaceeda ay guushu u leedahay laba macne oo waaweyn; midda…

Kooxaha Caawa Xaqiijistay U Soo Bixitaankooda Wareega 16ka

Advertisements Sideed kulan ayaa la ciyaaray caawa wareega group-yada Champions League iyadoo la iska dhaliyay 26 gool taasoo muujineysa in kulamadii caawa la ciyaaray ay ahaayeen kuwa xiiso badan oo shabaqa la iska soo taabtay in badan.Afar kooxood ayaa caawa xaqiijistay u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League halka group-yada kale uu xiiso sii yeeshay tartanka kooxaha.Chelsea iyo Sevilla oo kuwa jira Group E ayaa caawa noqday kooxihii ugu horeeyay ee u soo gudba wareega 16ka Champions League ka dib markii ay…

Man United Oo Xasuuq Ku Aargoosatay, Bruno Fernandes Oo

Manchester United ayaa talaabo weyn u qaaday u soo bixitaankeeda wareega 16ka Champions League ka dib markii ay ka aargoosatay kooxda Turkiga ee Istanbil Basaksehir oo ay 4-1 ku xaaqeen iyagoo marti ku ahaa garoonka Old Trafford.United ayaa waxaa dhagahooda ka sii guuxayay guuldaradii ceebta aheyd ee ka soo gaartay kooxdaan yar kulankii ay booqdeen Turkiga ka hor kulamadii heerka caalami.Tababare Solskjaer ayaa isbedel weyn ku sameeyay shaxdiisa isagoo ku soo bilaabay saxiixyadii xagaaga ee Alex Telles, Van de Beek iyo…

Barcelona Oo Si Raaxo Leh Ugu Soo Baxday Wareega 16ka

Barcelona ayaa u soo gudubtay wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Dynamo Kyiv oo marti loo ahaa iyadoo tababare Koeman uu isbedelo badan ku sameeyay shaxdiisa islamarkaana soo safay xiddigaha keydka ee kooxda.Lionel Messi iyo Frenkie de Jong ayaa la nasasiiyay kulankaan iyadoo Barcelona ay ku dhibtootay qeybtii hore ee ciyaarta inay shabaqa ka soo taabato kooxda reer Ukraine inkastoo ay kubada inteed badan heysteen.Daqiiqadii 52aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Barcelona la wareegtay…