Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

“Wuxuu Doonayaa Inuu Horyaal Kale Isku Tijaabiyo” – Wakiilka

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco ayaa doonaya inuu iskaga tago kooxdaas kaddib mudo toddoba sano ah oo uu kasoo tirsanaa waxaana wararkaas oo hore xan u ahaa imika xaqiiqo ka dhigay wakiilka ciyaaryahanka.Wakiilka Isco ayaa sheegay in xiddigiisu uu qorshaynayo inuu iskaga tago gabi ahaanba horyaalka La Liga oo uu isku soo tijaabiyo horyaal kale oo cusub.28 sano jirkaas oo heshiiskiisa Real Madrid uu yahay mid gaadhsiisan ilaa sanadka 2022 ayaa hoos uga dhacay xulashada tababare Zinadine Zidane kaddib soo laabashada…

“Mourinho Wuxuu Haystaa Ciyaartooyo Maskaxda Laga Maydhay” –

Jose Mourinho wuxuu haystaa ciyaartooyo uu ka maydhay ‘maskaxdii hore’, isla markaana awood u leh inay ku guuleystaan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.Sida uu sheegay Tim Sherwood oo hore tababare ugu soo noqday kooxaha Chelsea iyo Manchester United, ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay Tottenham la timid xili ciyaareedkan iyo inay hoggaanka horyaalka Premier League hayso.Jose Mourinho ayay kooxdiisu 20 dhibcood ka heshay 27 suurtogal ahaa, waxaanay kasoo doogeen guul-darro ay ku bilowdeen…

Ilkaha Ayaa Laga Daadiyey Ciyaarta Oo Socota, Haddana Wuu

Franck Kessie ayaa ilig laga tuuray kulankii AC Milan ay 3-1 ku garaacday Napoli Axaddii, laakiin daawayn kooban oo loogu sameeyey garoonka bannaankiisa, waxa uu ku noqday garoonka si uu kooxdiisa uga caawiyo inay guusha kulanka qaadato.Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Stadio San Paolo ee hoyga Napoli ayaa waxa Laacibka reer Ivory Coast ee Franck Kessie uu dhibbane u noqday gacanta Matteo Politano oo si aan loogu talo-gelin afka ugaga dhacday, waxaana markiiba uu is qabtay afka iyadoo uu mid ka mid ah ilkihiisu…

Iska Illow Lionel Messi – De Bruyne Oo U Sheegay Guardiola

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa la sheegay inuu bartilmaameesanayo ciyaartoy horyaalka Premier League ka dheela oo waxqabadkiisu sarreeyo, isla markaana warbaahinta Ingiriisku si aad ah wax uga qoraysay muddooyinkii dambe.Manchester City ayaa lala xidhiidhinayaa Lionel Messi oo heshiiskiisa Barcelona uu ku eg yahay dhamaadka xili ciyaareedka, kaas oo bisha January ay heshiis mabda’ ah si xor ah ula sii geli karayaan.Laakiin dhismaha mustaqbalka ee ay tahay in loo diyaar-gaboobo, waxa Pep Guardiola uu…

PSG Oo Ku Wargelisay Thomas Tuchel Waqtiga Shaqada Laga

Siddeed maalmood oo kaliya ayuu haystaa si uu shaqadiisa u badbaadsan karo, haddii uu shuruuddaas kasoo bixi waayana waxa qaadi doonta seefta.Tababare Thomas Tuchel ayaa la sheegay in kooxdiisu ku wargelisay in go’aanku gacantiisa ku jiro, sidoo kalena mustaqbalkiisa kooxdu ku xidhan yahay natiijooyinka uu ka keeno kulamada siddeedda maalmood ee foodda iangu soo haya.Kooxda reer France oo saddex bilood laga joogo maalintii ay ciyaartay finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii hore, waxay hadda ku jirtaa xaalad hubanti…

“Timahayga Ma Xiirayo Xataa Haddii Ay Barcelona Iga Dalbato,

Antoine Griezman ayaa daboolka ka qaaday inuu si cad u diidi doono inuu timihiisa jaro xataa haddii ay kooxdiisa Barcelona ka dalbato.29 jirkan reer France ayaa xirfaddiisa waxa uu caan ku ahaa inuu inta badan timaha la baxo, waxaanu taas sii waday markii uu Barcelona kusoo biiray sannadkii 2019kii oo uu Atletico Madrid ka yimid.Qaab ciyaareed liita oo uu Camp Nou kusoo bandhigayay muddadii uu joogay ayaa waxay keentay inuu canaan kala kulmo taageereyaasha Barcelona, waxaase layaab ah in jamaahiirta Barcelona ay intooda…

Shaxaha Ay Kulamada Rennes vs Chelsea, PSG vs RB Leipzig,

Kulamada afraad ee tartanka Champions League ee heerka Group-yada ayaa caawa bilaabmaya, waxaanay kooxuhu bilaabayaan inay is-araggii labaad foodda isku daraan.Waxa jira kulamo adag oo natiijooyinkoodu kooxaha qaarkood u go’aamin doonaan inay iska xaadiriyaan wareegga xiga ee 16-ka iyo kuwo sii xumayn karaya isla markaana murug gelinaya kooxaha la saadaalinayay inay soo gudbi doonaan.Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxaha macquulka ah ee dhamaan kulamada caawa oo Salaasa ah:Krasnodar vs SevillaKrasnodar:…

Sababta Garoomada Chelsea & Arsenal Taageerayaal Loogu

Taageerayaasha kubada cagta ayaa loo ogolaaday inay dib ugu soo laabtaan garoomada Premier League Arbacada isbuuca danbe laakiin kumanaan taageerayaal ah ayaan heli doonin fursadaas.Wasiirka Dhaqanka UK Oliver Dowden ayaa shalay xaqiijiyay in la qaadayo xayiraadii lagu soo rogay Ingariiska 2da bisha December.Tirada taageerayaasha loo ogolaanayo garoomada ayaa sidoo kale la xadiday iyadoo tirada ugu badan ee garoon geli kara ay tahay afar kun taageerayaal ah, waxaa ku xiga kaliya labo kun taageerayaal ah.Laakiin garoomada…

Xiddigii Ugu Muhiimsanaa Real Madrid Oo Seegaya Kulanka Adag

Real Madrid waxaa ka maqnaan doona xiddigooda Karim Benzema kulanka Champions League ee ay todobaadkan la ciyaarayaan Inter Milan sida ay sheegtay Marca.Benzema ayaa qaab ciyaareed fiican ugu jiray Los Blancos ka hor kulamadii heerka caalami isagoo shabaqa soo taabtay kulankii Valencia oo ahaa kulankii afaraad oo isku xigta uu gool dhaliyo ka dib Borussia Monchengladbach, Heusca iyo Inter laakiin dhaawac muruqa ah ayuu ku baxay.Wuxuu seegay kulankii Sabtida ee horyaalka La Liga ee ay Real Madrid barbaraha la galeen…