Kiniin La Siiyey Aubameyang Intii Ay Socotay Ciyaartii

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa walaac ku abuuray taageereyaasha kooxda Arsenal intii ay socotay ciyaartii xalay ay guul-darradu kasoo gaadhay ee Leicester City ay ku garaacday 1-0.

Aubameyang ayaa kusoo bilowday kulankii xalay, waxaase uu ku dhibaatooday garoonka dhexdiisa oo aanu ku yeelanin saamayntii laga filayay, halka ay dhakhaatiirtu xaaladdiisa gacanta ku qabteen xilli ay ciyaartu socotay oo uu bannaanka u baxay, isla markaana ay siiyeen Kiniin.

Laacibkan ayaa kasoo muuqday shaashadaha daqiiqaddii 24aad isaga oo la hadlaya dhakhaatiirta kooxda ee joogtay garoonka, waxaana la siiyey sharaab iyo sidoo kale kiin, taas oo aanay kooxdu war buuxa kasoo saarin.

Taageereyaasha ayaa dhacdadani walaac gelisay iyagoo marka horeba la yaabbanaa sidii uu xiddigani ugu dhibaatoonayay garoonka dhexdiisa ee ay ka la’aayeen xirfaddii iyo tayadii sarraysay.

Xiddiga reer Gabon oo ciyaartii hore ee horyaalkana sidan oo kale u liitay markii ay kulmeen Manchester City ayaa waxay u ahayd habeen aan wanaagsanayn.

Jamaahiirta kooxda ayaa kiniinka la siiyey Pierre-Emerick Aubameyang iyo bandhiggiisii gudaha garoonkaba, waxay kaga fal celiyeen baraha bulshada.

“Aubameyang wuxuu u baahan yahay inuyu nasto. Maxsuulkiisa ayaa sidoo kale si aad ah u yaraaday. Waxa suurtogal ah inuu dhaawac ku ciyaarayo.” Sidaa waxa soo qoray mid ka mid ah taageereyaasha Arsenal.

Mid kale ayaa isaguna yidhi: “Aubameyang wuxuu qaadanayaa kiniin, waxbaa si ah… waa wax laga walaaco.”

Taageere saddexaad oo isaguna adeegsanayay baraha bulshada ayaa soo qoray: “Aubameyang waxa lagu tijaabiyey inuu yahay weeraryahanka ugu wanaagsan horyaalka, waxaana lagula taliyey inuu daawooyin qaato.”

Mid afraad ayaa isaguna yidhi: “Dhakhtarka Arsenal wuxuu kiniinka Nitro siinayaa Aubameyang.”

Tababare Mikel Arteta oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay ayaa hoos u dhigay cabsida iyo walaaca ay qabaan taageereyaashu, waxaanu sheegay in weeraryahannada laga filayo goolal, ciyaartoyda wanaagsan sida Aubameyang na ay heli doonaan goolasha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More