Skip to content
Monday, October 12, 2026 29 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 15:00
Muqdisho 27°C
Breaking: Somali army chief asks Uganda to expand military training support
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Real Madrid Oo Sii Magacowday 21ka Xiddig Ee Champions

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Real Madrid ayaa durbaba magacowday xiddigaheeda Talaadada u safraya kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengaldbach ee Champuons League iyadoo Eden Hazard loo soo yeeray kulanka Jarmalka ka dhacaya.

Xiddiga reer Belgium ayaan ciyaarin xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac cusub oo soo gaaray. Dhaawacyo ayaa hareeyay xiddigaan tan iyo markii uu tagay Real Madrid iyadoo dhibaatooyin uu ka qabo canqowga ay keentay inuu kaliya 22 kulan safto xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Hazard ayaa tababar la qaatay kooxda inteeda kale maanta oo Axad ah iyadoo Real Madrid tababarka dib u bilowday ka dib guushii El Clasico iyadoo haatan u xulatay 21 xiddig kulanka Champions League ee habeenka Talaadada.

Waxaa weli kooxda ka maqan daafacyada garabka midig Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola iyo sidoo kale Nacho oo isna ahaa xiddiga kale ee buuxin karay booskooda. Martin Odegaard iyo Mariano ayaa iyagana dhaawacyo ku maqan.

Xiddigaha Real Madrid ee u safraya Borussia Monchengladbach:

Thibaut Courtois, Andry Lunin, Diego Altube, Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy, Santos, Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco, Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius iyo Rodrygo

How do you rate this story?

0 votes