Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xiddigii Arsenal Ay Dooneysay Houssem Aouar Oo Diiday

Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in kubadsameeyaha khadka dhexe ee kooxda Lyon Houssem Aouar in laga reebo liiska ciyaartoyda todobaadkan la ciyaareysa Reims ka dib ganaax uu duldhigay agaasimaha kooxda Juninho.22 jirkaan ayaa diiday inuu ka qeyb qaato tababarka kooxda ka dib kulankii ay la ciyaareen Angers oo uu kursiga keydka fadhiyay.Ciyaaryahanadda kooxda Lyon ayaa lagu wargeliyay in kooxda laga ganaaxay Aouar subaxinimadii Arbacada sidoo kale waxaa warkaan loo sheegay ciyaaryahan shaqsi…

Muxuu Daafaca Chelsea Kurt Zouma U Sheegay Xiddiga Loo

Kurt Zouma ayaa cashar kubada cagta ah siiyay Eduardo Camavinga ka dib kulankii ay Chelsea 2-1 kaga badisay Rennes.Labada nin ee Faransiiska ah ayaa iska horyimid habeenkii Talaadada kulankii Champions League iyadoo kubad uu madax ku dhaliyay xiddiga kale ee Faransiiska Olivier Giroud ay Chelsea u soo saartay wareega 16ka.Laakiin markii ay ciyaarta dhamaatay Zouma ayaa garoonka dhexdiisa kula hadlay Camavinga oo 18 jir ah isagoo siiyay cashar ku saabsan kubad difaacashada.Daafaca dhexe Zouma oo 26 sanno jir ah ayaa wacdarro…

Neymar Kuma Jiro Xitaa 30ka Xiddig Ee Ugu Fiican Kubada

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Toni Freixa ayaa sheegay in Neymar uusan ku jirin 30ka xiddig ee ugu sareeya kubada cagta Yurub islamarkaana uusan xiiseyneynin inuu u soo saxiixo Barcelona haddii uu ku guuleysto doorashada.Shaqada ugu sareysa Camp Nou ayaa banaan ka dib markii uu dhawaan iscasilay Josep Maria Bartomeu.Waxay la micno tahay in doorasho ay dhici doonto, iyadoo Friexa ayaa miiska soo saaray qorshihiisa uu ku maamulayo kooxda iyo fekerkiisa ku aadan Neymar.Xiddiga reer Brazil ayaa ka ka tagay Barcelona sannadkii…

Jadwalka Kulamada Premier League Ee Ciida Masiixiga Ilaa

Jadwalka kulamada xiriirka ah ee Premier League ee la ciyaaro waqtiga ciida masiixiga ilaa dhamaadka sannadka ayaa la soo saaray iyadoo kulamada xiriirka ah ay bilaabanayaan 26ka December oo loo yaqaano Boxing Day.Xilli ciyaareedkan ma jiro fasax la galayo waqtiga qaboobaha madaama jadwalka uu ciriiri yahay sababo la xiriira Korona Fayras iyo dib u dhicii uu sababay.Jadwalka maanta la baahiyay ayaa ku soo aadaya xilli tababaraha Liverpool Jurgen Klopp uu ugu baaqay TV-yada baahinaya horyaalka inay ka wada hadlaan sidii ay…

Fal Uu Ku Kacay Dhakhtarka Diego Maradona Oo Ka Careysiisay

Sawir si qaldan loogu tilmaamay inuu yahay sawirkii ugu danbeeyay ee laga qaaday Diego Maradona oo nool ayaa keentay in dhakhtarkiisa qaaska ahaa inuu raaligeliyo qoyska halyeeyga kubada cagta.Maradona oo lagu tilmaamo inuu yahay xiddigii ugu fiicnaa abid ayaa geeriyooday shalay oo Arbaco aheyd isagoo da’diisa ay aheyd 60 sanno jir.Waxaa istaagay wadnaha isagoo jooga gurigiisa ku yaala magaalada Buenos Aires, halkaasoo uu ku soo kabsanayay tan iyo markii qaliin maskaxda looga sameeyay horaantii bishaan.Waqtigii uu…

Xiddig Arsenal Ah Oo Shil Gaari Oo Halis Ah Ka Badbaaday –

Waqti cabsi leh ayaa soo wajahday markii da’da yarka Premier League Joe Willock uu gaarigiisa koontaroolka goostay isagoo seddex wado isaga gudbay ka hor inta uusan ku dhicin darbiga wadada.Waxaa nasiib wanaag aheyd in xiddiga khadka dhexe Joe Willock uu ka badbaaday shilka isagoo aysan waxba gaarin balse gaariga ka soo degay isagoo jareynaya.Gaarigiisa Mercedes-AMG G-class oo qiimihiisu yahay 140 kun ginni ayaa koontaroolka goostay isagoo ku socda xawaare aad u sareeya,.Xiddiga ku jira xulka England ee U21 Willock ayaa ku…

Barcelona Oo Lionel Messi Daraaddii Magaca Uga Beddelaysa

Murashaxa Madaxweynaha Barcelona ee Eimili Rousaud oo la sheegayo in loo badinayo inuu ku guuleysan doono doorashada ayaa shaaciyey inuu qaban doono afti uu magaca kaga beddelayo garoonka Camp Nou ee kooxdiisa haddii la doorto bisha January.Rousaud ayaa ololihiisa doorashada waxa uu ku daray ballanqaad ah inuu Lionel Messi kusii hayn doono kooxda oo aanu ka tegi doonin, isagoo u samaynaya arrimo qancin doona sida inuu garoonka Camp Nou magaca ka beddelo oo uu u bixiyo Stadio Lionel Messi.Waxa kale oo uu ballan-qaaday inuu…

Liverpool, Arsenal, Chelsea Iyo 10ka Kooxood Ee Loo

Ugu dambayn waxa dib ugu soo laabanaya garoomada horyaalka Premier League taageereyaashii ay ugu dambaysay bishii March ee horraantii sannadkan, waxayse albaabadu u furan yihiin oo ay iman doonaan toddobaad kaddib.Dawladda UK ayaa xaqiijisay inay soo gabogabaynayso xidh-xidhnaantii iyo xakamihii ay dadka kaga hor joogtay inay yimaaddaan garoomada iyo meelaha lagu kulmo, taas beddelkeedana waxa la samayn doonaa in la yareeyo dadka iskugu imanaya garoomada.Dawladda ayaa u kala qaadday saddex darajo gobollada waddanka, waxaana…

Sidan Ayay Ahaayeen Saacadihii Ugu Dambeeyey Nolosha Diego

Qalliinkii lagaga sameeyey madaxa ee soo dhamaadayt November 25, waxa lagaga nadiifiyey dhiig ku furtay maskaxda iyo xididdo gyuntamay balse waxa uu kasoo baxay cusbitaalka isagoo caafimaadkiisu fiican yahay oo gaadhi gacan lagu riixayo, mar dambena waxaaba lagu arkay bannaanka.Hubaashii geeridiisa degdegga ah ee uu sababay wadne istaagu shaqo kuma laha qalliinka lagaga sameeyey maskaxda sida ay warbaahintu sheegtay, inkasta oo aanay cid si buuxda u caddaynaysaa jirin.Saacadihii ugu dambeeyey noloshiisa, waxa uu Maradona…

Yaa Ka Geeriyooday Manchester United Ee Ay Baroor-diiqda U

Diego Maradona ayaa geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd November 25 oo ku beegan isla maalintii uu dhintay halyey taariikh badan ku lahaa kubadda cagta oo muddo 15 sannadood laga  joogo geeriyooday.Diego Maradona ayaa geeridiisa saddex maalmood oo baroor-diiq waddanku fasax yahay ah lagaga dhawaaqay Argentina iyadoo meydkiisana la geeyey Madaxtooyada oo maamuus qaran loogu sii samaynayo.Dad badan oo iskugu soo baxay dariiqyada ayaa waxay ku labbisan yihiin dharkii uu xidhan jiray, iyadoo ay wajiyadoodana ka muuqato…