Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: About 1,400 Yemenis Flee to Djibouti Within 24 Hours
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

“Marka Ay Eeyaha Qeyliyaan, No.9 Wuu Iska Dhegotiraa” -Karim

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Karim Benzema ayaa baraha bulshada ku soo qoray fariin dahsoon oo uu kaga jawaab celinayo muuqaalkii maanta la baahiyay ee uu Ferland Mendy ugu sheegayay inuusan kubada u baasin saaxiibkooda Real Madrid Vinicius Jr.

Sida uu baahiyay TV Faransa ka soo baxa, Benzema ayaa la maqlayay isagoo ka cabanaya qaab ciyaareedka Vinicius waqtigii nasashada ee kulankii ay barbaraha 2-2 ku qabteen kooxda Borussia Monchengladbach xalay oo Talaado aheyd.

Barnaamijka Telefoot ayaa baahiyya muuqaal uu Benzema u cabanayo saaxiibkiisa Faransiiska Ferland Meny inkastoo ay muhiim tahay in la xuso inuusan marnaba magac dhabin Vinicius Jr.

“Wuxuu doono ayuu sameynayaa” ayuu Benzema ku yiri Mendy sida ay sheegtay Telefoot.

“Kubada ha u baasin isaga walaalkeeyow. Anaga ayuu naga soo horjeedaa”

Labada xiddig ayaa ka dib la arkayaa iyadoo wada sheekeysi la yeelanaya Vinicius iyadoo Madrid ay ku soo laabatay garoonka Borussia-Park qeybtii labaad.

Benzema ayaa haatan bogiisa Instagram soo dhigay fariin uu uga jawaab celinayay warka ay baahisay Telefoot, isagoo soo qoray:

“Marka ay eeyaha qeylinayaan, No.9 wuu iska dhego tiraa.”

Inkastoo uu Benzema beeninayo warka ku saabsan inuu Ferland Mendy u sheegay inuusan kubada u baasin Vinicius Jr. waxaa xusid mudan in qeybtii labaad ee ciyaarta oo dhan inuusan Benzema hal mar xitaa kubada u baasin xiddiga reer Brazil, halka qeybtii hore uu kubada baasay seddex jeer.

How do you rate this story?

0 votes