Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: US Politicians Back AI Development Despite Industry Warnings
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Xiddig Man United U Dheela Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xiriir La

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Daafaca Manchester United Brandon Williams ayaa ku hanjabay inuu talaabo sharci ah ka qaadayo dadka faafinaya warar sumcad dil ku ah oo wareegaya baraha bulshada gaar ahaan Twitter.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu wadaagay muuqaal muujinaya 20 jirkaan oo xiriir la sameynaya gabar 15 sanno jir ah, taasoo danbi ka ah UK madaama gabadha ay tahay mid aan qaangaarin.

Laakiin ciyaaryahanka iyo kooxdaba ayaa beeniyay eedeymahaan iyagoo ku tilmaamay in muuqaalka la wareejinayo inuu yahay mid barnaamij been abuur ah lagu sameeyay oo aan waxba ka jirin.

Warbixin ay Man United soo saartay ayaa iyadana lagu sheegay in daafaca uu si weyn u beeninayo eedeymaha loo soo jeediyay.

“Eedeymaha oo la soo dhigay Twitter ayaa ahaa been iyo sumcad dil. Waxaan arintaan ku wargelinay Twitter.”ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen qareenada ciyaaryahanka.

“Brandon wuxuu ku amray kooxdiisa sharciga inay qaadaan talaabada lagama maarmaanka ah. Kama labalabeyn doono inaan sharciga la tiigsano kuwa doorta inay faafiyaan beentaan”

Muuqaalka ayaa muujinaya iyadoo Williams uu fariin Tiktok ugu dirayo gabar aan qaan gaadh aheyn laakiin waxaa la fahamsan yahay in lagu sameeyay barnaamij been abuur ah.

Daafacaan oo 20 sanno jir ah ayaa labo kulan u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan, labada kulanba waa Carabao Cup oo ay la ciyaareen Luton iyo Brighton.q

How do you rate this story?

0 votes