AFAR Xiddig Oo Arsenal Ka Tagay Islamarkaana Xiddigo Waa

Serge Gnabry ayaa dad badan qarow ku rida, sida ciyaartoyda ka hortimaada, tababarayaasha ka horyimaada iyo taageerayaasha Arsenal.

Gnabry ayaa ku hungoobay Gunners laakiin haatan xiddig weyn oo garab ka ciyaara islamarkaana dhawaan ku guuleystay Champions League.

Xiddiga Jarmalka kaliya ma ahan, xiddig ka tagay Arsenal oo laacib weyn ku noqday koox kale.

Jariirada The Sun ayaa soo bandhigtay shan xiddig oo isaga tagay Gunners kuwaasoo kooxo kale ku noqday xiddigo waa weyn.

SERGE GNABRY

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Jarmalka oo 25 sanno jir ah ayaa mar ka mid ahaa xiddigaha Arsene Wenger ee Arsenal.

Shan sannadood uu joogay Arsenal intii u dhaxeysay 2011 iyo 2016, Gnabry wuxuu saftay kaliya toban kulan oo Premier League ah. Wuxuu amaah ku tagay West Brom iyo Werder Bremen.

Laakiin tan iyo intii uu ku biiray Bayern Munich, wuxuu noqday xiddig laga baqo isagoo qarow joogta ah ku haya Arsenal oo ka qoomameyneysa inay isak fasaxday.

Wuxuu durbaba ku guuleystay labo koob oo Bundesliga ah iyo Champions League.

ALEX OXLADE-CHAMBERLAIN

Xiddiga Ingariiska oo 26 sanno jir ah waligiis ma saldhigan Arsenal taasoo u muuqata qariib madaama uu ciyaaray in ka badan 100 kulan.

Laakiin lix sannadood uu joogay Arsenal, OX marnaba boos joogta ah kama helin kooxda.

Oxlade-Chamberlain waxaa horumarkiisa hakiyay dhaawac laakiin marka uu taam yahay wuxuu wacdarro u dhigaa kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool.

Waxaa laga ciyaarsiiyaa booska uu jecel yahay ee khadka dhexe isagoo durbaba kooxda la qaaday Premier League iyo Champions League.

WOJCIECH SZCZESNY

11 sannadood uu joogay Arsenal, goolhayaha reer poland ayaa ku guuldareystay inuu ka dhaadhiciyo Wenger inuu u qalmo booska No.1

Xaqiiqdiina mudadii uu Arsenal joogay kaliya hal xilli ciyaareed ayuu dheelay kulamada oo dhan, isagoo kooxda u saftay kaliya 132 kulan.

Ka dib labo sannadood uu amaah ku joogay AS Roma, Arsenal ayaa ugu danbeyn Szczesny ka iibisay Juventus. Wuxuu durbaba halkaan ku qaaday seddex koob oo Serie A ah.

Ma jiraan goolhayayaal badan oo Gigi Buffon booska kala bixi kara.

DONYELL MALEN

Xiddiga reer Holland ayaa ku socda wadadii Serge Gnabry.

Malen oo 21 sanno jir ah ayaa Arsenal joogay intii u dhaxeysay 2015 iyo 2017 laakiin marnaba ma uusan soo dhaafin kooxda da’ yarta.

Laakiin tan iyo markii uu ku laabtay Holland oo ku biiray PSV Eindhoven, weeraryahanka ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu shidan qaarada Yurub.

Malen ayaa dhaliyay 23 gool kaliya 53 kulan uu u saftay kooxda reer Holland, isagoo durbaba shan kulan u ciyaaray xulka Netherlands.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More