Xiddiga Real Madrid Ee Ka Hor Joogsaday Antonio Conte Inuu

Inter Milan ayaa barbaro gashay labadii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen Champions League halka Real Madrid laga badiyay kulankoodii furitaanka ee Shakhtar Donetsk ka hor inta aysan barbaro ka tuugin kooxda Borussia Monchengladbach.

Tababare Antonio Conte ayaa imaanaya Madrid isagoo hogaaminaya koox adag oo Inter Milan ah kuwaasoo doonaya inay gaaraan guushoodii ugu horeysay islamarkaana ay ceel ka tuuraan rajada Los Blancos ee inay u soo baxdo wareega 16ka.

Sergio Ramos ayaa ka horimaanaya ninkii uu shaqada u diiday ee Conte. Kabtanka Real Madrid ayaa sabab u ahaa in Antonio Conte uusan tababare ka noqonin Estadio Santiago Bernabeu.

Antonio Conte ayaa si xoogan loola xiriirinayay shaqada tababare ee Real Madrid ka dib markii la ceyriyay tababare Jules Lopetegui iyadoo guuldarro 5-1 ay ka soo gaartay Barcelona kulankii El Clasico, wuxuuna u muuqday mid shaqada la wareegaya.

Sergio Ramos oo ahaa hogaamiyaha qolka labiska Los Blancos ayaa ka soo horjeestay in Conte uu tababare u noqdo Real Madrid madaama tababaraha Talyaaniga lagu yaqaano inuu yahay nin sharci adag oo ciyaartoyda wado toosan mariya.

“Ixtiraamka waa la shaqeystaa ee dadka laguma qasbo” ayuu Ramos yiri waqtigaas markii la weydiiyay suurtogalnimada uu Conte ku imaan karo Bernabeu, waxayna taasi keentay inay kooxda magacowdo Santiago Solari.

Qolka Real Madrid ma aysan dooneynin in Conte uu tababare u noqdo madaama uu yahay nin xamaasad badan oo ciyaartoyda ku qeyliya had iyo jeer, ugu danbeyn waxay heleen wixii ay doonayeen oo ahaa Solari ka dibna waxaa u soo laabtay Zinedine Zidane.

Haatan Conte wuxuu imaanaya caasimada Spain isagoo doonaya inuu daaqada ka tuuro kooxdii uu ku dhawaaday inuu tababare u noqdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More