Muxuu Petr Cech Ka Yiri In Lagu Soo Daray Xiddigaha Chelsea

Petr Cech ayaa sheegay inuu boqolkiiba 100 diyaar u yahay inuu caawiyo Chelsea haddii loo baahdo ka dib markii lagu soo daray liiska ciyaartoyda Chelsea ee Premier League.

Cech oo afar koob oo Premier League ah iyo koob Champions League ku qaaday Stamford Bridge ayaa si lama filaan ah loogu soo daray liiska 25ka xiddig ee Chelsea u dheelaya Premier League xilli ciyaareedkan.

38 jirkaan ayaa ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariistay dhamaadka xilli ciyaareedkii 2018-19, wuxuuna ku soo laabtay Chelsea isagoo ka noqday la taliyaha dhanka farsamada iyo qaab ciyaareedka.

Si kastaba, waxaa la arkay isagoo tababar la sameynaya goolhayayaasha koowaad Edouard Mendy iyo Kepa Arrizabalaga isbuucyadii ugu danbeeyay, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu caawiyo Chelsea haddii loo baahdo xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha halyeeyga ah ayaa u sheegay Telefoot: “Waa run inay ahaan laheyd qalad xirfadlenimo ah haddii aysan ahaan laheyn heerka Premier League, laakiin sidaasi ma ahan sida aan u shaqeyno halkaan.

“Waan ogahay inaan boqolkiiba 100 diyaar u ahay inaan caawiyo kooxda haddii la ii baahdo. Taam ayaan ahay ka dib labo bilood oo aan tababar qaadanayay, waxaan arkay inaan weli leeyahay tayadeydii hore.

“Waxaa intaas sii dheer, inaan nastay muddo sannad ah oo aan kubad ciyaarin. Waxay xaqiiqdii i siisay tamar, jirkeyga wuu soo kabsaday ka dib 20 sannadood oo aan xirfadle ahaa.

“Haddii xaalada ay keento inaan garoonka galo, diyaar ayaan ahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More