Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Erling Haaland Oo Jawaab ka Bixiyay Xanaaqii Uu

Erling Haaland ayaa u muuqday mid dejiyay walaac kasta oo ay qabeen taageerayaasha Borussia Dortmund ka dib markii uu ka baxay garoonka isagoo careysan dhamaadkii kulankii ay barbaraha 2-2 shalay la galeen kooxda Koln. Haaland ayaa dhaliyay labo gool oo mid ka mid aheyd uu dhaliyay waqtigii dhimashada ciyaarta, wuxuuna marayaa 33 gool 31 kulan uu dheelay xilli ciyaareedkan. Laakiin xiddiga reer Norway ayaa carro xoogan ka muujiyay natiijada ka dib markii uu yeeray seerigii ugu danbeeyay ee ciyaarta isagoo dhulka ku…

DEG DEG: Isku Aadka Semi-finalka FA Cup Oo La Soo

Waxaa haatan la soo  saaray isku aadka semi-finalka FA Cup iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso badan oo ay ka mid ah Chelsea iyo Manchester City oo qoorta la isku geliyay. Chelsea oo maanta ka soo gudubtay kooxda Sheffield United ayaa ku aaday kooxda Manchester City. Halka Leicester City oo garaacday caawa Manchester United ay semi-finalka la dheeli doonto kooxda Southampton oo ka soo gudubtay kooxda Bournemouth. Kulanka ugu xiisaha badan semi-finalka ayaa noqday kulanka ay iska horimaanayaan Chelsea iyo Man City…

Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulankii

West Ham ayaa ku guuldareysatay inay badiso ka dib iyadoo seddex gool ku hogaamineysa kulan Premier League ah markii ugu horeysay tan iyo bishii Septmeber 1998 (3-4 v Wimbledon).Waa markii labaad ee ay Arsenal barbareyso seddex gool oo lagu hogaaminayo kulan Premier League ah, kulanka kale ee taariikhdooda ay sidaan sameeyeen waxay aheyd bishii Janaayo 2017 iyagoo la ciyaarayay Bournemouth (3-3).West Ham ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 11kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay la ciyaareen Arsenal horyaalka Premier…

Arsenal Oo Ka Soo Laabatay Seddex Gool Oo Looga

Arsenal ayaa ka soo kabsatay seddex gool oo looga hormaray islamarkaana barbaro 3-3 ah ku qabatay kooxda West Ham oo marti loogu ahaan London Stadium, ciyaartii ugu xiisaha badneyd Premier League ee sannadkan 2021.West Ham ayaa 3-0 ku hogaamineysay ciyaarta daqiiqadii 32aad ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Jesse Lingard, Jarrod Bowen iyo Tomas Soucek laakiin Gunners ayaa soo laabasho cajiib ah sameysay ka dib labo gool ay iska dhaliyeen West Ham iyo goolka barbaraha uu u saxiixay Alexandre Lacazette.Waa markii labaad…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Leicester Metropolis vs Man United

Leicester City iyo Manchester United ayaa goor dhow u tartami doona booska ugu danbeeya ee semi-finalka FA Cup marka ay ku kulmaan garoonka King Power Stadium.Labada kooxood midkood ayaa ku biiri doona Man City, Southampton iyo Chelsea oo soo xaqiijistay booskooda wareega afar dhamaadka FA Cup oo ka dhici doona garoonka Wembley.Labada kooxood waxaa jahwareer ku ah dhaawacyo soo wajahay iyadoo shaxda Man United uu dhaawac uga maqan yahay Marcus Rashford laakiin Anthony Martial ayaa taam u noqday inuu weerarka ku soo bilowdo…

Xiddig Liverpool Ah Oo Heshiis Hordhac Ah U

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay wadahadalo qandaraas kordhin ah la gasho daafaca bidix ee qaab ciyaareedka fiican ku jira Like Shaw, iyadoo 25 jirkaan Ingariiska ah uu ku riyaaqayo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa intii uu kooxda joogay xilli ciyaareedkan. (Daily Mirror)Kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa sidoo kale isha ku heysa inay lacag ka badan 50 milyan ginni kula soo wareegto xagaagan xiddiga garabka ka ciyaara ee kooxda Wolves iyo xulka Portugal 21 sanno jirka Pedro Neto. (The Sun)Xiddiga khadka dhexe ee…

Chelsea Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartey Sheffield

Kooxda Chelsea ayaa guul ka gaadhay dhigeeda Sheffield United kulan ahaa wareega siddeeed dhammaadka tartanka FA Cup iyagoo sidaas kaga xaadiray wareega afarta kana mid ah kooxaha tigidhkooda u goostay kulamada Wembley Stadium.Chelsea ayaa guushan goolasha ay ku gaadhay ka kala heshay kabtanka Blades ee Olivier Norwood oo gool si qaldan iskaga dhaliyay iyo Hakim Ziyech oo bedel ku yimid isla markaana daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka goolka labaad saxeexay.Shaxdii Labada Kooxood Ee KulankanSheffield UnitedFaah-Faahinta…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka West Ham United vs

Kooxaha ree London ee West Ham United iyo Arsenal ayaa fiidnimadan isku faro saaraya gegida London Stadium kulan Derby ah xilli ay labada kooxoodba wali nool yihiin rajooyinkooda ah inay ku dhammaystaan afarta kaalmood ee ugu sarreeya Premier League.Rajo ahaan Hammers ayaa ka fiican Gunners maadaama oo ay kaliya saddex dhibcood u jiraan kooxda booska afraad ee Chelsea halka ay Arsenal 10 dhibcood u jiraan booskaas balse labada kooxoodba kulanka caawa ayaa baaqi u ah.Mikel Arteta ayaa kulankan si lama filaan ah ugu soo…

LABADA Xiddig Ee Uu Madaxweyne Barcelona Ee Joan

Madaxweynaha cusub ee kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa la xusayaa inuu bilaabay qorshayaasha uu kooxdaas dib ugu dhisayo isla markaana uu dejiyay qorshaha uu doonayo inuu kula soo saxeexdo weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland.Barca gaar ahaan madaxweyne Laporta ayaa ah kuwo waxkasta u samaynaya sidii ay kabtankooda Lionel Messi ugu qancin lahaayeen inuu sii joogo kooxda iyagoo u samaynaya saxeexyo uu ku qanco.Laporta ayaa la sheegayaa inuu hawl-gal uu isagu shaqsiyan qaban doono ka dhigay heshiiska uu…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Chelsea vs Sheffield

Kooxda Chelsea oo tan iyo markii shaqada tababarenimo ee kooxdeeda loo dhiibay Thomas Tuchel aan wax guuldaro ah arag ayaa soo dhawaynaysa kooxda u muuqata inay hubaal tahay inay heerka hoose uga dhacayso Premier League ee Sheffield United.Kulankan ayaa ah wareega siddeed dhammaadka FA Cup, koobkan ayaa ah midka koowaad ee uu Tuchel doonayo inuu usoo gacan geliyo kooxdiisa halka ay Blades qudhooda doonayaan inay inta taagtooda ah ciyaaraan maadaama oo ay hoos uga dhacayaan PL.Shaxda Macquulka Ah Ee Labada…