Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Maaha Haaland & Sancho!! – Man United Oo Xiddigii

Kooxda Manchester United ayay soo baxeen warar sheegaya inay doonayso xiddig cusub oo Borussia Dortmund ah isla markaana aan ahayn da’yarta weerarka kooxdaas ee Erling Haaland iyo Jadon Sancho midkoodna.Xiddigaas ayaa ah daafaca dhexe ee Dortmund ee Manuel Akanji kaas oo ay doonayaan inay xagaaga kusoo xoojiyaan daafacooda dhexe ee aadka u sahlan.’Manchester United ayaa hadda booska labaad kaga jirta miiska kala sarreynta horyaalka Premier League sidoo kalena joogta wareega siddeed dhammaadka Europe League walow ay xalay ka…

“Isagu Wuu Jecel Yahay Man United Laakiin Waxkasta

Mid kamida asxaabta dhaw-dhaw ee daafaca dhexe ee Manchester United ee Eric Bailly ayaa banaanka keenay dareenka saaxiibkii ee kooxdaas xilli uu tababare Ole Gunnar Solskjaer sii wado inuu iska indho tiro qaab ciyaareed kasta oo fiican oo uu soo bandhigo.Bailly ayaa xilli ciyaareedkan kulamo uu maqnaa Victor Lindelof daafaca dhexe kula midoobay Harry Maguire waxaana ay badi kulamadaas Manchester ku baxday shabaq nadiif ah.Isla marka uu soo laabto Victor ayuu tababare Solskjaer keydka ku celinayay Bailly waxaana ay ahayd…

Erling Haaland Oo Uu Samirkii Ka Dhammaaday &

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa la sheegayaa inuu ka dhammaaday samirkii uu ku joogay kooxdaas isla markaana ay jirto shuruud uu ku xidhay fursad kasta oo ay ku doonayaan inuu xilli ciyaareedka dambe kusii joogo Signal Iduna Park.Waxa baraha bulshada aad ugu baahay muuqaalka Haaland Sabtidii mar uu garoonka cadho kaga baxay isla markaana uu dhulka ku tuuray maaliyada kooxdiisa kulankii Cologne markaas oo uu 2 gool dhaliyay balse kooxdiisu ay dhibco kale lumisay oo ay bar-bardhac 2-2 ah…

YAAB: Tababare Tuchel Oo Xaqiijiyay Sabab Qariib

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Edouard Mendy ayaa la xaqiijiyay inuu seegayo kulamada caalamiga ah ee uu xulkiisa Senegal ciyaarayo bishan March isla markaana uu ku seegayo sababtoo ah inuu booqanayo dhakhtar ilkood.Tababare Thomas Tuchel ayaa si rasmi ah u shaaciyay shalay in 29 sano jirkaasi uusan xulkiisa Senegal ula safri doonin labada kulan ee kamidka ah kuwa loogu soo baxayo tartanka koobka Africa ee sanadka dambe qabsoomaya.Mendy ayaan kasoo muuqanin Chelsea kulankii FA Cup ee ay shalay guusha 2-0 ka ah ka gaadhay…

Muxuu Ahaa Rekoodhka Cajiibka Ah Ee Uu Da’yarka

Da’yarka daafaca midig ee kooxda Barcelona ee Sergino Dest oo xilli ciyaareedkiisii koowaad ku qaadanaya kooxdaasi ayaa xalay qayb ka ahaa ciyaaryahanadii xasuuqay gool dhalineed u geystay dhigooda Real Sociedad kulan ka qabsoomay gegida Anoeta Stadium.Barcelona ayaa samaynaya cadaadis xilli dambe ah oo ay ku doonayso inay ku guuleysato horyaalka La Liga iyaga oo soo badiyay shantii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka ka ciyaareen.Guushaas xalay ay Barca 6-1 kusoo gaadhay ayaa mid khaas ah u ahayd da’yarka Sergino Dest…

Maxaa Ku Dhaafay Maanta Oo Ka Dhacay Horyaalka

Horyaalka Serie A ayaa xiiso gaar ah yeeshay iyadoo ay ceel ka dhacday rajadii ay Juventus ka laheyd inay ku guueysato horyaalkii 10aad ee isku xigta ka dib markii ay maanta guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Benevento ee ku jirta kaalinta 16aad ee kala sareynta horyaalka. Tababare Andrea Pirlo iyo Cristiano Ronaldo ayaa maanta niyadjab lagu diray ka dib gool uu daqiiqadii 69aad u dhaliyay kooxda kaalinta hoose ciyaaryahan Adolfo Gaich. Juventus waxay ku jirtaa kaalinta seddexaad iyagoo leh 55 dhibcood waxay 10…

Barcelona Oo Xasuuq Nus Darsan Goolal Ah Geysatay,

Barcelona ayaa ku soo laabatay kaalinta labaad ee horyaalka La Liga ka dib markii ay 6-1 ku xasuuqeen kooxda Real Sociedad oo marti loo ahaa iyadoo Lionel Messi iyo Sergino Dest ay dhaliyeen min labo gool. Barca ayaa u muuqata inay jaanta isla heshay iyagoo haatan afar dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee La Liga halka ay labo dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad ee Real Madrid Kulankaan Barcelona ayaa jabiyay rikoodhkii Xavi Hernandez isagoo noqday xiddiga ugu safashada badan taariikhda Barcelona,…

Antonio Rudiger Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee

Timo Werner ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu orodka badan Premier League laakiin Antonio Rudiger ayaa sheegay inay jiraan labo xiddig kale oo Chelsea u dheela oo ka dheereeya xiddiga Jarmalka. Marka la eego qiimeynta ciyaar gacmeedka FIFA 21, Werner ayaa ah xiddiga ugu dheereeya kooxda Chelsea si kastaba Rudiger ayaa sheegay in isaga iyo daafaca amaahda ugu maqan AC Milan Fikayo Tomori inay ka orod badan yihiin weeraryahanka Jarmalka. “Daacadii aniga iyo Fik ayaa ka orod badan Werner” ayuu Rudiger u sheegay…

Jurgen Klopp Oo Ka Argagaxay Qorshaha Virgil van

Virgil van Dijk iyo Liverpool ayaa u muuqda kuwa isku dhici doona madaama uu daafaca qorsheynaya inuu xulka Netherlands ku hogaamiyo xagaagan koobka Qaramada Yurub. Van Dijk ayaa dhaawac ku maqnaa inta badan xilli ciyaareedkan ka dib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray kulankii Everton ee bishii October ee sannadkii la soo dhaafay. Xiddiga reer Holland lama filayo inuu ciyaaro xilli ciyaareedkan iyadoo Jurgen Klopp uu doonayo inuu daafaciisa si xoogan isagu diyaariyo xilli ciyaareedka soo socda ee 2021-22…

Man United Oo Laga Reebay FA Cup, Iheanacho Oo

Manchester United ayaa laga reebay koobka FA Cup ka dib markii ay caawa guuldarro 3-1 ka soo gaartay kooxda Leicester City oo marti loo ahaa iyadoo xiddigii hore ee Man City Iheanacho uu dhaliyay labo gool. Leicester ayaa hogaanka ku hormartay markii uu shabaqa u soo taabtay Iheanacho ka hor inta uusan Man United u barbareynin Greenwood laakiin Leicester waxaa hogaanka ku soo celiyay Tielamans ka hor inta uusan Iheancho guusha xaqiijin. Waa markii ugu horeysay tan iyo 1982dii ee ay Leicester u soo baxdo semi-finalka FA…