Chelsea oo xasuuqdey jiiraankeeda xili uu Tammy Abraham Uu Labo Gool Dhaliyay

Kooxda chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka premier League kadib markii ay 3/0 ku garaacday una dhaqaaqday kaalinta 5-aad iyada oo leh 25 dhibcood 6 dhibcoodna ka dambaysa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool.

Tammy Abraham ayaa dhaliyay labo gool halka goolka labaad uu dhaliyay halyeeyga daafaca Thiago Silva markii Chelsea ay jeexjeexday qashiinkan ku dartey deriskooda.

Ciyaarta ayaa ahayd mid isku dheeli tiran mana jirin koox fiican qeybtii hore ee ciyaarta maxaa yeelay labada kooxba waxay heleen fursado fiican oo goolal lagu dhalin karo.

West Ham ayaa dhalisay gool xilli hore ah iyada oo uu dhaliyey Decline Rice laakiin goolka ayaa loo diiday Offside uu ku jiray darteed.

Chelsea ayaa daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Thiago Silva kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda West Ham. West Ham ayaa markale sameysay kubad ficaan oo usahashay in ay goo uu dhaliyo Jarrod Bowen laakiin goolkaas waa laga diiday West Ham. sababto ah qalad uu sameeyay daafaca Thiago Silva.

Qeybtii hore ayaa kusoo idlaatay labada xul oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isla markaana abuuray fursado wanaagsan.

Labada dhinacba waxay sii wateen gooldhaliyayaashooda iyadoo Blues ay isku dayayso inay disho ciyaarta halka West Ham ay isku dayday inay barbareyso.

West Ham ayaa la wareegtay maamulka ciyaarta oo xitaa dhawr jeer ku hanjabtay goolka chelsea una dhawaatay in ay dhaliso.

Blouse ayaa iska lumisay fursad fiican oo uu ciyaarta ku dhalin karay.

Markii West Ham ay ku dhibtooneysay inay sameyso goolka barbaraha, daafaca Chelsea ayaa keligiis la hadhay.

Daqiiqadii 78-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahan Tammy Abraham kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa.

Isla xiddigii Tammy Abraham ayaa mar kale soo laabtay daqiiqadii 80-aad si uu u dhaliyo goolka saddexaad ee kooxdiisa iyo midkiisii ​​labaad ee ciyaarta.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay in Chelsea ay dib ugu soo laabatay wadada guusha ka dib labo guul darro oo Premier League ah oo xiriir ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More