Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Sababtii Rasmiga Aheyd Ee Sergio Ramos Oo Aan

Kabtanka xulka Spain Sergio Ramos ayaa laga saaray shaxda xulka Spain kulankii ay xalay guusha 2-1 ka gaareen xulka Georgia.Daafaca Real Madrid ayaa la xaqiijiyay inuusan dhaawac aheyn oo uu taam buuxda ahaa.Tababaraha xulka Spain Luis Enrique ayaa qirtay inuu isagu go’aan ku gaaray inuu keyd dhigo Sergio Ramos islamarkaana uu ku adkeysanayo go’aankiisa.“Xaalada Sergio Ramos aad ayay u fiican tahay, maqnaanshihiisa waa go’aan farsamo oo aan anigu gaaray” ayuu Luis Enrique sharaxaad ku bixiyay ka dib ciyaartii xalay.“Waan…

“Penaldo Iyo Penandes” – Xiddigii Hore Ee

Kulankii ay Portugal barbaraha 2-2 la gashay xulka Serbia wixii ugu weynaa ee laga qoray waxay aheyd goolkii saxda ahaa ee laga diiday Cristiano Ronaldo dhamaadkii ciyaarta iyo sida uu uga jawaab celiyay.Si kastaba, daaficii hore ee Liverpool Jose Enrique ayaa u muuqday mid dhan kale ka eegay ciyaarta isagoo soo bandhigay inuu weli jaceyl u hayo kooxdiisa hore ee Reds.Weeraryahanka Reds Diogo Jota ayuu ahaa midkii labada gool u dhaliyay Portugal isagoo ka soo kabsatay dhaawac jilibka ah uu la maqnaa dhowr bilood.Madaama…

VIDEO: Wiilka Didier Drogba Oo Dhaliyay Goolkiisii

Isaac Drogba oo ah wiilka haleeyga Chelsea iyo xulka Ivory Coast Didier Drogba ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee xirfadlenimo isagoo shabaqa u soo taabtay shalay kooxda Serie D ee dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Caratese. 20 jirkaan ayaa ka faa’ideystay baas qatar oo loo soo dhigay ka dib laad xor ah oo la soo qaaday isagoo kubada dabamariayy goolhayaha oo u dhawaa. Dhameystirkaas ayaa ka dhigaya aabihiis mid faraxsan iyadoo xiddigaan uu sidoo kale maamuusay halyeeygii dhalay. Ka dib markii uu goolka…

Luke Shaw, Ben Chilwell Ama Bukayo Saka? Ashley

Halyeeyga Chelsea iyo xulka England Ashley Cole ayaa aaminsan in xiddiga Manchester United Luke Shaw inuu hogaaminayo tartanka booska koowaad ee daafaca bidix ee xulka England ee Koobka Qaramada Yurub ee xagaaga la qabanayo. Shaw ayaa wacdarro u dhigayay Manchester Unitex xilli ciyaareedkan taasoo keentay in lagu abaalmariyo in looga soo yeero xulka England markii ugu horeysay tan iyo bishii September 2018. Daafaca bidix ee United ayaa booskiisa shaxda xulka England wuxuu kula tartamayaa daafaca bidix ee Chelsea Ben…

MUCJISADA ADDUUNYADA: Ciyaartoy Caan Ahaa Oo 39

Aan idin baro e, waa Jean-Pierre Adams. Wuxuu u ciyaari jiray kooxda reer France ee PSG, laakiin waxa uu ku jiraa taariikhda adduunyada, waana mucjiso, sababtoo ah, muddo 39 sannadood ah ayuu koomo ku jiraa. Jean-Pierre Adams ayuu soo gaadhay dhaawac markii ay taariikhdu ahayd March 17, 2982kii, waxaanu wali ku jiraa koomo illaa maalinkan maanta ah isagoo nool. Sariirta dusheeda ayuu ku gaboobay, waxaanay maanta da’diisu tahay 73 jir. Jean-Pierre Adams ayaa qalliin lagaga sameeyey jilibka kaddib dhaawacaas, laakiin…

Toni Kroos Oo Ka Fadhiisanaya Kubadda Cagta

Xiddiga reer Germany ee Toni Kroos ayaa ka fadhiisanaya ciyaaraha caalamiga ah, waxaanu raacayaa dariiqa tababaraha xulka dalkaas ee Joachom Low oo dhowaan shaaciyey inuu hawlgab ka noqonayo tababarenimada xulka Germany. Toni Kroos oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee xulka Jarmalka ee waqtigan ayaa si lama filaan ah u tiirinaya kabaha kubadda cagta, gaar ahaan kuwa ciyaaraha caalamiga, waxaanu ku koobnaan doonaa naadiyada. Laacibkan oo ay da’diisu tahay 31 jir ayay layaab noqonaysaa in laga maqlo warka ah in uu…

England, Spain & France Oo Guulo Gaartey, Denmark

Xulka qaranka England ayaa hoggaanka u qabtay Group-KA I ee isreeb-reebka Koobka Adduunka kaddib markii ay guul raaxo leh ka gaadheen Albania oo ay marti u ahaayeen. Laba gool oo ay kala dhaliyeen Harry Kane iyo Mason Mount oo labadii qaybood ee ciyaarta shabaqa soo kala taabtay, waxaanay sidaas England ku noqotay xulka hoggaaminaya hormadooda iyagoo yeeshay lix dhibcood oo ay ka urursadeen laba kulan oo ay ciyaareen. Harry Kane ayaa qaybtii hore madax ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday difaaca Manchester…

YAAB: Guardiola Wuxuu Laag Dabada Kaga Dhufan

Weeraryahanka Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa ka sheekeeyey waqtigii uu tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola uu joogay kooxdaas, waxaanu bannaanka keenay qiso layaab ay noqotay kelmadaha uu u adeegsaday. Thomas Muller waxa uu sheegay in Pep Guardiola uu dabada harraati kaga dhufan jiray ciyaartoyda Bayern Munich waqtiga tababarka, isla markaana uu dhiirigelin cajiib ah siin jiray ciyaartoyda. “Faa’iido ayaanu ka helnay Pep Guardiola markii uu noo yimid annagoo guul weyn gaadhnay sannadkii 2013.” Ayuu hadalkiisa…

AKHRISO: Wax Kasta Oo Aad Uga Baahan Tahay

Waddada ay dalalka Yurub u marayaan Koobka Adduunka ee Qatar lagu qaban doono sannadka dambe ee 2022, way dheer tahay, iyadoo ay toddobaadkii hore qaramadu bilaabeen kulamada isreeb-reebka. Waddamada waaweyn ee loo saadaalinayo inay ku guuleysan doonaan Koobka Adduunka oo intooda badan ah kuwa qaaradda Yurub ayaa ku kala jira hormooyin kala duwan, iyagoo fursado u haysta in ay usoo bixi doonaan. Xulka qaranka England ayaa meel kula jira Poland iyo Hungary, halka Spain ay isku hormo yihiin Sweden, balse Faransiiska ayaa…

“Haddii Aad Doonayso In Aad Horyaalka Ku

Jermain Defoe ayaa u sheegay weeraryahanka xulka qaranka England ee Harry Kane in uu iskaga tago kooxdiisa Tottenham, si uu ugu guuleysan karo koobab inta ka hadhay waayihiisa ciyaareed. Harry Kane oo 216 gool u dhaliyey Tottenham ayaanay wali gacantiisu taabanin wax koob ah tan iyo yaraantiisii, laakiin waxa uu hadda fursad u haystaa in uu koobkiisii ugu horreeyey qaado marka bisha dambe ay finalka Carabao Cup ku kulmaan Manchester City, kaas oo haddii ay ku guuleystaan u noqon doona koobkii ugu horreeyey ee abid uu…