Isku aadka kooxaha Juventus vs FC Porto

Marxaladda labaad ee 16-jirka ee Champions League ayaa caawa dib u bilaabanaya, iyadoo afar kooxood ay u gudbeen wareega 8-da halka labada kalena ay ka hareen tartanka.

Juventus ayaa martigalineysa FC Porto, oo 2-1 looga badiyay lugtii hore ee Porto, iyadoo Mahdi Taremi iyo Moussa Marega ay dhaliyeen bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta.

Laakiin marwada duqda ah waxay heysataa fursad caawa oo ay isku muujiso garoonka Allianz Stadium ugana sii gudubto 16-sano jirkaan.

Borussia Dortmund ayaa martigelineysa Sevilla, oo iyadu 3-2 kaga badisay wareega koowaad, waxaana ay fursad weyn u leedahay inay u gudubto wareega 8da marka loo fiiriyo Sevilla.

Tababaraha kooxda Juventus Andrea Piirlo ayaa bilaabay weerarka Cristiano Ronaldo isaga iyo Moratta dhanka weerarka isaga oo ka dambeeya Chiesa, Rabiot, Arthur iyo Ramsey waxana uu muujinayaa in uu diirada saarayo khadka dhexe.

Kaydka waxaa fadhiya goolhaye Buffon, Chiellini iyo De Ligt, Bernardeschi iyo Kulusevski ayaa keydka fadhiya.

Ciyaaraha rasmiga ah ee u dhexeeya Juventus iyo FC Porto:

XIXI Juventus: Szczesny; Cuadrado, Demiral, Bonucci, Alex Sandro; Ramsey, Arthur, Rabiot, Chiesa; Morata, Ronaldo

Kaydka: Pinsoglio, Buffon, Chiellini, De Ligt, McKennie, Bernardeschi, Di Pardo, Dragusin, Frabotta, Fagioli ,, Kulusevski

Porto XI: Marchesin; Manafá, Mbemba, Pepe, Zaidu; Corona, Uribe, Sergio Oliveira, Otavio; Marega, Taremi

Kaydka: Diogo Costa, Diogo Leite, Loum, Luis Diaz, Grujic, Felipe Anderson, Toni Martinez, Evanilson, Nanu, Sarr, Fabio Vieira, Francisco Conceicao

Sikastaba, Borussia Dortmund ayaa safka koowaad kuleh Erling Haaland, Marcus Reus iyo Thorgan Hazard, halka Dahoud, Bellingham iyo Delaney ay dhexda kujiraan.

Sevilla ayaa sidoo kale la soo baxday shax adag oo ay rumaysan tahay in ay badin doonto laakiin ma ahan xiddiga reer Croatia ee Ivan Rakitic. Dhanka hore waxaa jooga Ocampos, Suso iyo En-Nesyri.

Waa kuwan kulamada rasmiga ah ee Borussia Dortmund vs Sevilla:

SEVILLA XI: Bono, Jesús Navas, Koundé, Diego Carlos, Acuna; Jordan, Fernando, Oscar, Ocampos, Suso, En-Nesyri

DORTMUND XI: Hitz, Morey, Can, Hummels, Schulz, Delaney, Bellingham, Dahoud, Reus, Hazard, Haaland

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More