Manchester United ayaa jabisay rikoor

Manchester United ayaa toddobaadkan soo gabagabeysay guulaha xiriirka ah ee Manchester City iyadoo badisay 21 kulan oo isku xigta tartamada oo dhan ka hor Etihad Stadium.

Man City ayaa ku jirta kaalinta seddexaad ee guulaha xiriirka ah ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, iyagoo ceyrsanaya rikoorka Bayern Munich.

Laakiin Manchester United ayaa burisay riyadoodii markii ay 2-0 ku garaaceen Etihad Stadium waxaana goolasha u dhaliyay Bruno Fernandes iyo Luke Shaw.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Man United ay jabiso rikoor Premier League ah.

Waa kooxda kaliya ee taariikhda jabisay rikoorkii guuldarro la’aanta Arsenal ee 2004. Gunners weli waa kooxda kaliya ee aan laga badinin taariikhda Premier League, laakiin rikoodhkooda 49 kulan waxaa jabiyay United.

Sannadkii xigay, Chelsea waxay gashay 40 guuldarro la’aan dhammaan tartamada laakiin waxaa garaacday Manchester United.

Manchester United, oo ay hogaaminayeen Sir Alex Ferguson iyo Ole Gunnar Solskjaer, waxaa dilay seddex koox oo rikoor ah.

Arsenal 49 kulan oo aan laga badinin – 2004.

Chelsea 40 kulan lagama badinin – 2005

Man City ayaa badisay 21 kulan – 2021

Wax walba waxay ku dhammaadeen Manchester United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More