Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Thomas Tuchel Oo Daboolka Ka Qaaday Ballan-qaad Uu Mulkiilaha Chelsea

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa usoo degay garoonka gudihiisa markii ay kooxdiisu ku guuleysatay Champions League, waxaana dabbaal-degga iyo farxadda kaddib uu waqti la qaatay tababare Thomas Tuchel oo uu u sameeyey ballan-qaad.Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel iyo Abramovich ayaa kulan ku yeeshay gudaha garoonka kubadda cagta Estadio do Dragao, laakiin ma ahayn xilli ay ka wada hadli karaan arrimo ka baxsan inay iskugu hambalyeeyaan guusha, sidaas oo ay tahay, Abramovich ayaa kulankaas uga faa’iidaystay…

Iska Illow N’Golo Kante, Kai & Rudiger: Rio Ferdinand Oo Magacaabay

Halyeygii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaartoyda Chelsea kulankii finalka Champions League ee ay koobka kaga qaadeen Macnehster City.Blues ayaa 1-0 kaga adkaatay Manchester City, waxaanay gacanta ku dhigtay koobkeedii labaad ee Champions League ah iyadoo markii ugu horreysay ee ay hanato ay ahayd 2012 oo ay Bayern Munich ka qaadday.Kai Havertz ayaa dhaliyey goolka madiga ah ee kulanka  ee guusha u horseeday Chelsea, taas  oo ahayd kubbad  uu usoo dhiibay Mason Mount oo…

“Waxa Aan Ku Dhaaranayaa, In Kante Uu Yahay Binu-aadka Ugu Wanagsan

N’Golo Kante ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka, kulankii finalka Champions League ee ay ku garaaceen Manchester City, waxaanu ahaa laacibka qabsadayy khadka dhexe ee ciyaarta hagayey.Xiddigan gaaban ee dhererkiisu yahay 5-ta fiid iyo 6-da inji ayaa meel kasta oo garoonka ah ordayay, waxaana uu kubbado halis ah geynayay xerada ganaaxa City agteeda halka uu ahaa ciyaartoyga kubbadaha ugu badan ka dilayay City, iyadoo sidii la filayay aanu u muuqanin Jorginho oo la arkayay in uu haftay halka…

Pep Guardiola Oo Sharraxay Go’aan Ka Yaabiyey Thomas Tuchel Xalay,

Pep Guardiola ayaa sharraxaad ka bixiyey go’aan uu qaatay kulankii xalay ay kooxdiisa guul-darradu kasoo gaadhay ee  finalka Champions League, taas oo ay 1-0 ku badisay Chelsea oo ku guuleysatay koobkan markeedii labaad.Tababaraha reer Spain ayaa go’aan layaab lahaa qaatay, waxaana uu kaydka geliyey ciyaartoyda kubbad-burburiyeyaasha, waxaanay taasi faa’iido u noqotay Chelsea oo khadka dhexe ku awood roonaatay.Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu la yaabay Guardiola markii uu shaxdiisa ka waayey Fernandinho,…

Chelsea Oo Ku Guuleysatay Champions League & Qalbi-Jabkii Manchester

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku guuleysatay koobka horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, iyadoo 1-0 kaga badisay Manchester City oo ay iskugu soo hadheen ciyaartii ugu dambaysay.Chelsea ayaa markii labaad taariikhdeeda ku guuleysatay Champions League, waxaanay uga mahad-celinayaan da’yarka reer Germany ee Kai Havertz oo goolka u dhaliyey qaybtii hore.Tababare Thomas Tuchel ayaa markii saddexaad muddo laba bilood ka yar ku garaacay Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City, waxaana bilowgii ciyaartan ka…

Thiago Silva Oo Dhaawac Ay Chelsea Ka Naxday Kaga Baxay Finalka

Thiago Silva oo ooyaya ayaa ka baxay garoonka daqiiqaddii 38aad ee qaybta hore, kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay muruq xilli ay kubadda wada boobayeen Phil Foden.Difaaca reer Brazil oo hoggaaminayay khadka dambe ee Chelsea ayay isku dhaceen Foden xilli ay boodhsanaayeen oo ay kubbad madax ah wada boobayeen, taas oo uu ku guuleystay. Silva ayaa awoodi waayey in uu sii wato ciyaarta, waxaana uu fadhiistay dhulka isagoo wajiga dhulka dhigay, isla markaana oohin qabsaday.Ka hor intii aan la saarin, Silva ayaa muujinayay…

DAAWO: Bruno Fernandes Oo Isagoo Qiiraysan Canaanaya Garsooraha

Kaamirooyinka garoonka Polsat Plus Arena Gdansk ee ay ka dhacday ciyaartii finalka Europa League ayaa qabtay Bruno Fernandes oo canaananaya garsooraha waqtigii nasashada, isagoo ku eedeeyey in uu waqti badan ku luminayo go’aamo ay tahay in uu si fudud u qaato.United ayaa saddex daqiiqadood sugaysay VAR, sidoo kalena Juan Foyth ayaa waqtiga luminayay, isagoo dhaawac madaxa ka qaba oo istuurayay.Fred oo beddel kusoo galay ayaa la maqlayay isagoo ciyaartoyda kooxda ku eedaynaya inay ogolaadeen in Gerard Moreno uu gool jilicsan…

Shaxda Rasmiga Ah Man City vs Chelsea – Yaa Kusoo Bilowday Yaase

Manchester City iyo Chelsea ayay ciyaartoydoodu ku sugan yihiin garoonka Do Dragao ee magaalada Porto, halkaas oo ay ka dhacayso ciyaarta finalka Champions League ee ay labadan kooxood iskugu soo hadheen.City ayaa markii ugu horreysay timid finalka, waxaanay rajaynaysaa in ay rumayso riyadeeda ah in markeedii ugu horreysay ay qaaddo koobkan, kuna darsato labadii koob ee hore ee ay xilli ciyaareedkan kusoo guuleysatay ee Premier League iyo Carabao Cup.Chelsea oo sannadkii 2012 koobkan ku guuleysatay ayaa iyaduna markeedii…

Isbeddelka Ku Dhacay Liiska Mushaharooyinka Ciyaaryahanadda Real Madrid

David Alaba ayaa noqday ciyaartoyga saddexaad ee ugu mushaharka badan Real Madrid, kaddib markii uu shalay qalinka ku duugay heshiis si bilaash ah uu kooxdaas ugu soo biirayo.Alaba ayaa waxa kaliya oo ka mushahar badan Gareth Bale oo inkasta oo uu amaah ku maqan yahay haddana £600,000 Gini toddobaadkii ka xoogsada Real Madrid iyo Eden Hazard oo usbuucii qaata £416,000 Gini, halka David Alaba uu isaguna qaadan doono £412,000 Gini.Difaacan reer Austria ayaa waxa uu £100,000 Gini ka mushahar badnaanayaa kabtanka kooxda ee…

LIX Xiddig Oo Liverpool Heshiisyo Cusub U Saxeexaya Kaddib Markii Uu

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa bilowday qorshe kale oo ay kooxdeeda dib ugu dhisayso maalin kaddib markii ay gacanta ku dhigtay difaaca 22 jirka ah ee Ibrahima Konate oo ay kala soo wareegtay kooxda reer Germany ee RB Leipzig.Reds oo xilli ciyaareed dhibaato badan soo martay, difaacanna kari weyday horyaalkii ay sannadkii hore ku guuleysatay kaddib dhaawacyo tiro badan oo wiiqay awooddooda, waxa ay hadda isku diyaarinayaan sidii ay xilli ciyaareedka soo socda u noqon lahaayeen koox dib usoo ceshan karta horyaalka ay Man…