Xiriir Jaceyl Oo Sababay Burburka Saaxiibtinimadii Neymar & Fanaanka

Waxaa si rasmi ah u burburay saaxiibtimadii ka dhaxeysay fanaanka caanka ah ee reer Colombia Maluma iyo xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain Neymar, waxaana sabab u noqotay gabar moodal ah.

Maluma iyo Neymar waxay ahaayeen saaxiibo aad isagu dhow, iyadoo xitaa uu fanaanka reer Colombia heeso ka qaado xafladii dhalashaya xiddiga Paris Saint-Germain ee ka dhacday caasimada dalka Faransiiska ee Paris.

Laakiin sida ay haatan qortay jariirada Spain ka soo baxda ee Marca, xiriirkoodii saaxiibtinimo ayaa burburay ka dib markii uu Neymar xiriir jaceyl la yeeshay gabadha lagu magacaabo Natalia Barulich oo aheyd Maluma saaxiibtiisii hore.

Gabadhaan oo u dhalatay dalka Mareykanka oo ah DJ iyo moodal ayaa ka tagtay Maluma oo ay muddo dheer wada socdeen, waxayna durbadiiba xiriir jaceyl la yeelatay xiddiga reer Brazil Neymar taasoo soo gabagabeysay saaxiibtinimadii ka dhaxeysay labadaan nin.

Tusaalaha ugu fiican ee inuu xaqiiq ahaan burburay xiriirka labadaan nin waxay aheyd markii majalada Cosmopolitan ay wareysi la yeelatay fanaanka Maluma iyagoo weydiiyay midka uu taageero Neymar iyo Lionel Messi.

“Waa su’aal adag” ayuu ku jawaabay ka hor inta uusan oran: “Laakiin waxaan mar walba taageero u ahaa Messi.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More