CHAMPIONS!!! Atletico Madrid Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Spain Ee

Kooxda  kubadda cagta Atletico Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee xilli ciyaareedka 2020-21, waxaana ku hoggaamiyey xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez oo gool uu u dhaliyey qaybtii dambe uu siiyey guul kaga xidhnayd hanashada horyaalka.

Atletico ayaa hantiday koobkeedii ugu horreeyey ee horyaalka LaLiga ee tan iyo 2014, waxaanay heerka labaad u daadajiyeen Real Valladolid oo haddii ay badin lahaayeen ciyaartan ka badbaadi lahayd in ay heerka labaad u dhacaan.

Los Rojiblancos oo hoggaanka horyaalka haysay inta badan xilli ciyaareedkan ayaa halis gashay kulamadii ugu dambeeyey, iyadoo caawana lagala hormaray gool, hase yeeshee Angel Correa iyo Luis Saurez ayaa laba gool oo ay dhaliyeen qaybta dambe waxay kooxdooda u horseedday in ay ku guuleystaan LaLiga.

Kooxdan ayaa markii 11aad ee taariikhdeeda hanatay horyaalkan, sidoo kalena waa markii labaad ee intii uu joogay tababare Diego Simeone oo ah ninka dhisay kooxdan awoodda ku qaadday tartanka.

Diego Simeone ayaa noqday tababarihii saddexaad ee u qaada laba horyaal, waxaana ka horreeyey Ricardo Zamora oo xilli ciyaareedyadii 1939/40 & 1940/41 u qaaday horyaalka iyo sidoo kale Helenio Herrera oo 1949/50 iyo 1950/51 ku hoggaamiyey horyaalka Spain.

Real Madrid ayaa kaalinta labaad ku dhamaysatay iyadoo guul soo laabasho waqti dambe ah ka gaadhay Villarreal oo qaybtii hore ka dhalisay gool. Daqiiqaddii 20aad ayuu Pino hoggaanka u dhiibay Villarreal, waxaase ay iska lumiyeen fursado kale oo ay goolal ku dhalin karayeen.

Dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan yihiin ayuu Karim  Benzema goolka barbarraha u dhaliyey Real Madrid, iyadoo horena looga diiday gool uu ku jiray offside cidhiidhi ah, waxaana goolka guusha u dhaliyey Real Madrid Luka Modric waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Laakiin guushan ayaan waxba ugu filnaanin Zinedine Zidane iyo xiddigihiisa sababtoo ah waxay u baahnaayeen in la qabto Atletico si ay koobka ugaga guuleysan karaan.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa guul 1-0 ah kasoo gaadhay kooxda heerka labaad u degtay ee Eibar, waxaana goolkaas u saxeexay Antoine Griezmann.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More