Muxuu Mateo Kovacic U Sheegay Da’yarka Chelsea Ee Billy Gilmour Ka Hor

Laacibka da’da yar ee khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Billy Gilmour ayaa sharraxaad ka bixiyey hadal uu u sheegay laacibka khadka dhexe ee ay isku kooxda yihiin ee Mateo Kovacic oo xulka qaranka Croatia uga qayb-gelaya tartanka Euro 2020.

Gilmour ayaa looga yeedhay xulka qaranka Scotland kaddib xilli ciyaareed uu bandhig fiican ka sameeyey Chelsea, waxaase ay isku group yihiin England, Croatia iyo Czech Republic, taas oo rajadooda ka dhigaysa mid liidata.

Chelsea ayay ku jiraan ciyaartooyo badan oo afarta waddan ee Group-ka D ku wada jira, sida Gilmour oo Scoland ah, Kovacic oo Croatia u ciyaaraya iyo xiddigaha England ee Reece James,Mason Mount iyo Ben Chilwell.

Billy Gilmour ayaa waxa uu tartanka Euro 2020 iyo tartamada caalamiga ah uu kala sheekaystay Kovacic, waxaana uu yidhi isagoo arrintan ka warramaya: “Haa, mar hore ayaan la hadlay dhamaantood {Ciyaaryahannada sare ku xusan ee ka qayb-gelaya Euro 2020). Dhamaantood way ii hambalyeeyeen, kaddibna waxa aan la hadlay Kovacic oo igu yidhi ‘ma waxay kula tahay in aad ciyaari doonto?’, aniguna waxaan ugu jawaabay, ‘waxa jirta fursad’.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Billy Gilmour intaa raaciyey: “Kaddib wuxuu igu yidhi, ‘Hagaag, waxa aan u sheegi doonaa wiilasha {ciyaartoyda xulka Croatia} in ay ku laadaan’.”

Waxa uu intaa kaddib ka sheekeeyey sida ay u arkaan Group-ka ay ku jiraan, waxaanu yidhi: “Waxa aanu nahay isku group, waxaananu doonaynaa in aanu is aragno {Croatia}, laakiin waxa aan rajaynayaa in aanu garaaci karno.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More