TAARIIKH MADOW: Real Madrid Oo Loo Diiwaangeliyey Taariikh Madow Oo Ay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa loo diiwaan-geliyey taariikh madow kaddib markii ay Atletico Madrid kaga guuleysatay horyaalka LaLiga oo ay illaa daqiiqaddii ugu dambaysay rajadoodu noolayd.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedka ku dhamaysatay iyadoo laba dhibcood ka dambeysa Atletico Madrid, taas oo haddii laga badin lahaa ama la barbarrayn lahaa kulankii Real Valladolid ay koobka ka qaadan lahaayeen.

Zinedine Zidane ayey kooxdiisu semi-finalka kaga hadhay tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, sidoo kalena waxay waqti hore macasalaameeyeen Copa del Rey oo ay Barcelona hanatay, sidaas ayaanay Real Madrid faro-madhan kaga joogtaa dhamaan tartamadii ay xilli ciyaareedkan ka qayb-gashay.

Kooxdan ka dhisan caasimadda Spain oo qaybtii hore ee xilli ciyaareedka dhibaatootay ayaa waxay dedaal badan samaysay bilihii ugu dambeeyey oo ay mar si ku-meelgaadh ah ula wareegeen horyaalka, laakiin waxay ka faa’iidaysan waayeen fursad ay heleen markii ay Atletico Madrid barbarraha la gashay Barcelona laba usbuuc ka hor, markaas oo ay iyaguna barbarro niyad-jab ahaa la galeen Sevilla.

Horyaalka LaLiga oo ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay, waxa Real Madrid ugu xigtay in ay fasalkan ku dhamaysteen iyagoo aan wax koob ah qaadin, waana taariikh madow oo aan kooxdan soo marin 11kii sannadood ee ugu dambeeyey.

Real Madrid ayay ugu dambaysay xilli ciyaareed ay ku dhamaysato iyadoo aan wax koob ah ku guuleysanin xilli ciyaareedkii 2009-10, waxaana mar kale rikoodhkaas xun soo celiyey Zinedine Zidane iyo xiddigihiisa oo caawa qalbi jab kaga  baxay garoonka Alfredo Di Stefano oo inkasta oo ay guul soo laabasho waqti dambe ka gaadheen Villarreal ay haddana Atletico oo guul kasoo gaadhay Valladolid laba dhibcood ka horreysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More