Maxaa La Filayaa Inay Maanta Ka Dhacaan Horyaalka Premier League?
Seddex kooxood ayaa ku tartamaya labo ka mid ah afarta boosas ee Champions League loogu soo baxayo horyaalka Premier League maanta oo Axad ah oo la soo gabagabeynayo xilli ciyaareedka horyaalka Ingariiska.
Kooxda horyaalka Premier League qaaday ee Manchester City durbaba waa ay xaqiijisatay booskeeda wareega group-yada Champions League ee xilli ciyaareedka danbe si la mid ah Man United oo xaqiijisatay inay ku dhameysan doonto kaalinta labaad ee horyaalka.
Laakiin hal dhibic ayaa kala saarta kooxda kaalinta seddexaad ee Chelsea iyo kooxda kaalinta shanaad ee Leicester City kuwaasoo farqiga goolasha kaliya uga hooseeya Liverpool oo afaraad ku jirta.
Sidee ayay kooxahaan ku kala bixi karaan? Kooxahee ka ciyaari doona Europa League, ayaase ka dheelaya tartanka cusub ee Europa Conference League oo ah tartanka seddexaad ee UEFA?
Champions League
Sannadkan shan kooxood oo Ingariis ah ayaa u soo bixi kara wareega group-yada Champions League. Laakiin madaama kooxda finalka ka joogta Champions League ee Man City iyo kooxda finalka ka joogta Europa League ee Man United ay durbaba soo baxeen, waxay England shan kooxood ku heli kartaa haddii Chelsea ay finalka garaacdo Man City islamarkaana ay horyaalka ku dhameysato kaalinta shanaad.
Si kastaba, Chelsea ayaa xaqiijisan doonta kaalinta seddexaad ee horyaalka Premier League iyo booskeeda Champions League haddii ay maanta Aston Villa ku garacaaan garoonka Villa Park.
BBC Sport
Liverpool iyo Leicester City waxay wada leeyihiin 66 dhibcood, iyadoo Liverpool ay ku sareyso farqiga goolasha.
Haddii ay Liverpool 1-0 ku garaacdo Crystal Palace kulankeeda Anfield, Leicester City waxay u baahnaan doontaa inay farqi shan gool ah ku garaacdo Tottenham si ay kaalinta afaraad ugu dhameystaan, waa haddii Chelsea ay guuleysato.
Europa League
Kaliya 32 kooxood ayaa ka qeybgalaya wareega group-yada Europea League wixii haatan ka danbeeya iyadoo markii hore ay ahaan jirtay 48 kooxood.
Kooxda kaalinta shanaad ee Premier League ayaa u soo bixi doonta Europa League si la mid ah kooxda kaalinta lixaad, madaama ku guuleysatayaasha FA Cup ee Leicester City aysan ku dhameysan doonin meel ka hooseysa kaalinta shanaad.
Iyadoo la dheelayo maalintii ugu danbeysay xilli ciyaareedka, Leicester ayaa kaalinta shanaad ku jirta iyadoo West Ham oo afar dhibcood ka danbeysa ay ku jirto kaalinta lixaad. Tottenham iyo Everton ayaa iyagana rajo qaba.
BBC SportEuropa Conference League
Koobka cusub ee Europa Conference League waa mid ka sii hooseysa Europa League.
Kooxda ku dhameysata kaalinta todobaad ee Premier League ayaa u soo bixi doonta wareega isreebreebka ee tartankaan oo noqon doona kulan labo lug ah oo dhacaya 19ka iyo 26ka bisha Agoosto.
Mid ka mid ah West Ham, Tottenham, Everton ama Arsenal oo gurigeeda kula ciyaareysa maanta Brighton ayaa tartan ugu jira inay u soo baxaan koobkaan.
Leeds oo kaalinta 10aad ku jirta ayaa xisaab ahaa fursad u heysata inay u soo baxdo koobkaan laakiin waxay u baahan yihiin natiijooyin badan oo isbedela iyo farqi goolal oo aad u badan.
Kane ama Salah yaa ku guuleysan doona kabta dahabka?
Kabtanka England Harry Kane ayaa rajeynaya inuu seddexleey ku qaado Kabta dahabka kulan u muuqda midkiisii ugu danbeeyay ee Tottenham.
Kane waxay isku goolal yihiin xiddiga Liverpool Mohamed Salah iyagoo wada leh 22 gool, waxay afar gool ka sareeyaan xiddiga ku soo xiga ee Bruno Fernandes oo u dheela Manchester United.
Kane iyo Salah min labo jeer ayay ku guuleysteen kabta dahabka Premier League, waxay sidoo kale dhaliyeen min seddex gool shantoodii kulan ee ugu danbeysay.
Kulamada Maanta Oo Hal Waqti Dhacaya:
Arsenal vs Brighton & Hove Albion
Aston Villa vs Chelsea
Fulham vs Newcastle United
Leeds United vs West Bromwich Albion
Leicester City vs Tottenham Hotspur
Liverpool vs Crystal Palace
Manchester City vs Everton
Sheffield United vs Burnley
West Ham United vs Southampton
Wolverhampton Wanderers vs Manchester United