Dhicihii Ay Atletico Madrid Ku Heshay Goolashii Uu Dhaliyey Luis

Atletico Madrid ayaa ku guuleystay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga kaddib dedaal badan oo ay soo samaysay xilli ciyaareedkan oo waqtiyada qaarkood toban dhibcood hoggaanka kaga haysay Real Madrid iyo Barcelona.

Kooxdan ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii 11aad ee taariikhdeeda iyo midkii labaad ee intii uu tababaraha u ahaa Diego Simeone, kaas oo sidoo kale ahaa koobkoodii ugu horreeyey ee horyaalka ee tan iyo 2014.

Guusha ay gaadhay Atletico Madrid ayaa waxa qaybta ugu weyn ku lahaa weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez oo xagaagii hore si bilaash ah ugaga soo wareegay Barcelona oo iska soo nacday, una sheegtay in uu iska tago xilli uu qandaraaskiisana sannad ka hadhsanaa.

Weeraryahankan ayaa kulankii maanta dhaliyey goolka guusha, kaas oo haddii aanay heli lahayn ay horyaalka ka qaadi lahayd Real Madrid. Waxa kale oo uu Suarez saxeexay goolkii guusha soo laabashada cajiibka ah ay ku heleen toddobaadkii hore ee ay 2-1 kagaga badiyeen Osasuna oo daqiiqaddii 88aad uu ka dhaliyey goolka.

34 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan u dhaliyey Atletico Madrid 21 gool oo horyaalka LaLiga oo kaliya ah, waxaana xusid mudan in uu muddo ku maqnaa dhaawac, waxaanu waqtigaasi ahaa intii ay kooxdiisu hoos u dhacday ee ay kusoo dhowaadeen Real Madrid iyo Atletico Madrid.

21ka gool ee uu Suarez dhaliyey, ayaa sabab u noqday guusha Atletico Madrid ee xilli ciyaareedkan, waxaana sidoo kale uu sameeyey caawimaad iyo in uu khatar badan ku hayay difaaca kooxaha kasoo horjeeday.

Atletico Madrid ayaa 21ka gool ee Luis Suarez waxay ku heleen 21 dhibcood, waana shaqo cajiib ah oo uu sameeyey.

Luis Suarez ayaa xagaagii ogolaaday in uu mushahar dhimis weyn u sameeyo Atletico si uu ugu biiro oo u tusiyo Barcelona in ay ku qaldanayd in ay qalad ku ahayd in ay iska soo fasaxdo, isla markaana ku qasabto in uu ka tago kooxdaas xilli uu isagu doonayay in uu sii joogo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More