Zinedine Zidane Oo La Weydiiyey Waqtiga Uu Iscasilayo Iyo Kooxda U

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa hanashada horyaalka Spain ee LaLiga ugu hambalyeeyey Atletico Madrid oo caawa ku guuleysatay kaddib markii ay 2-1 kaga badisay Valladolid, taasina siisay in ay sii xajisato laba dhibcood oo ay horyaalka ku hoggaaminaysay.

Real Madrid ayaa iyaduna guul soo laabasho 2-1 ah ka gaadhay Villarreal, laakiin guushaasi uguma filnaanin in ay soo qabtaan Atletico Madrid.

Zidane oo warbaahinta la hadlay markii ay soo dhamaatay ciyaartii ugu dambaysay xilli ciyaareedkan ee kooxdiisa ee horyaalka LaLiga ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay wararka sheegaya in uu is-casilayo.

ZIZOU ayaa yidhi: “Waan u hambalyaynaa Atletico oo u qalmaysay inay horyaalka ku guuleysato sababtoo cid kasta oo sarraysa ayaa u qalanta. Laakiin waxa ugu muhiimsan waa waxa ay ciyaartoyda Real Madrid sameeyeen. Waqtigan waa xilligii aanu isdejin lahayn, mustaqbalkaygana mar kale ayaan kala hadli doonaa Real Madrid.

“Waxa aan u mahad-celinayaa taageereyaashayada sababtoo ah waxay mar walba kooxda ka taageerayeen bannaanka. Waxay ila tahay in qof walba uu ku faraxsan yahay ciyaartoyda sababtoo ah wax walba ayay sameeyeen.

“May ahayn ciyaar fudud laakiin dhamaadkii waanu ka guuleysanay {Villarreal}. Waa maalintii aan u hambalyayn lahaa kooxda. Hadalku waa iga intaas.”

Zidane ayaa mar kale lagu celiyey waqtiga uu iscasilayo iyo haddii uu war kale ka sheegayo mustaqbalkiisa, waxaana uu ku jawaabay: “Hadda waa waqtigii aanu nasan lahayn, maalmaha soo socda ayaananu kooxda ka wada hadli doonaa.”

Si gaar ah ayaa loo weydiiyey dareenkiisa, waxaanu yidhi: “Dareenakygu wuu kacsan yahay. Haddii aad taas i weydiisay, jawaabtu waa taas.”

Si kastaba, Zinedine Zidane ayaa la filayaa in uu ka tago Real Madrid maalmaha soo socda, iyadoo ay horena warbaahintu u heshay xogo muujinaya in xataa haddii uu horyaalka ku guuleysan lahaa, in uu ka tegi lahaa kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More