Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexeedii koowaad ee xagaagan kaas oo beddelay tiro ciyaartooyo ah oo Stamford Bridge ka tegay intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoydu.Chelsea ayaa raadinaysay ciyaartooyo afka hore ah, laakiin sidoo kale waxa ku bannaanaaday boosas kale kaddib markii ay ka tegeen dersin ciyaartooyo ay ku jiraan Fikayo Tomori, Olivier Giroud, Willy Caballero, Billy Gilmour iyo kuwo da’yar ah oo badan oo qaarkoodna amaah ku baxeen kuwo kalena si rasmi ah u tageen.Tababare Thomas…