AKHRISO: Isbeddelka Ku Dhacay Mushaharka Ciyaaryahanadda Liverpool,

Kaddib markii uu Trent Alexander-Arnold heshiiska cusub saxeexay, waxa uu isbeddel ku dhacay mushaharka ciyaartoyda Liverpool, iyadoo uu 22 jirkan reer England ku biiray liiska ciyaartoyda mushaharka u qalmaya qaata.

Laacibkan ayaa hore u qaadan jiray £75,000 Gini toddobaadkii, laakiin heshiiskan cusub ee shanta sannadood ah ayaa waxa uu mushaharkiisa ka dhigayaa £100,000 Gini toddobaadkii, waxaanu sidaas ugu biirayaa liiska xiddigaha Liverpool ee mushaharkoodu meel dhexaadka yahay.

Mohamed Salah iyo Thiago Alcantara ayaa ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan waqtigan Liverpool, waxaanu mid walba u xaadiraa toddobaadkii £200,000 Gini, halka Virgil van Dijk oo saddexaad kula jira Roberto Firmino uu xoogsado £180,000 Gini.

Reds ayaa wada-hadallo kula jirto ciyaartoydeeda waaweyn ee Van Dijk, Mohamed Salah, Sadio Mane iyo kuwo kale, waxaana la filayaa in ay saxeexaan heshiisyo cusub, iyadoo Van Dijk iyo Firmino mushaharkooda la gaadhsiin doono min £200,000 Gini toddobaadkii.

Andy Robertson oo lagu tilmaamo ciyaartoyda difaaca bidix ee ugu wanaagsan adduunka waqtigan, ayaa waxa uu yahay dalmane dhab ah, waxaanu qaataa £50,000 Gini toddobaadkii, balse wuxuu aad uga sarreeyaa Curtis Jones oo mushaharkiisa toddobaadlaha ahi yahay £7,500 Gini oo kaliya, waxaana ka sarreeya Neco Williams oo £25,000 Gini qaata.

Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda Liverpool, kaddib heshiiskii cusbaa ee Alexander-Arnold:

Curtis Jones – £7,500-toddobaadkii

Neco Williams – £25,000-toddobaadkii

Andrew Robertson – £50,000-toddobaadkii

Konstantinos Tsimikas – £60,000-toddobaadkii

Ben Davies – £60,000-toddobaadkii

Divock Origi – £60,000-toddobaadkii

Ibrahima Konate – £70,000-toddobaadkii

Joe Gomez – £75,000-toddobaadkii

Takumi Minamino – £75,000-toddobaadkii

Xherdan Shaqiri – £80,000-toddobaadkii

Diogo Jota – £90,385-toddobaadkii

Sadio Mane – £100,000-toddobaadkii

Joel Matip – £100,000-toddobaadkii

Fabinho Tavares – £100,000-toddobaadkii

Trent Alexander-Arnold- £100,000-toddobaadkii

Naby Keita – £120,000-toddobaadkii

Alex Oxlade-Chamberlain – £120,000-toddobaadkii

Jordan Henderson – £140,000-toddobaadkii

James Milner – £140,000-toddobaadkii

Alisson Becker – £150,000-toddobaadkii

Roberto Firmino – £180,000-toddobaadkii

Virgil Van Dijk – £180,000-toddobaadkii

Mohamed Salah – £200,000-toddobaadkii

Thiago Alcántara do Nascimento – £200,000-toddobaadkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More