Marka Hore Jack Grealish, Kaddibna Harry Kane – Qorshaha Man City Ee
Manchester City ayaa dhexda u xidhanaysa sidii ay u heli lahayd labada ciyaartoy ee bartilmaameedka ugu weyn u ah xagaagan ee Jack Grealish iyo Harry Kane, kuwaas oo ay midkood dalab ka gudbisay, kan kalena ay u xadhko xidhanayso.
Xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish ayay Man City ka gudbisay dalab £100 milyan oo Gini ah, waxaanu qorshuhu yahay in marka ay gacanta ku dhigaan 25 jirkan ay bilaabaan hawl-galka labaad ee ay ku raadinayaan Kane.
Jack Grealish ayaa haddii ay Man City iibsato, waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii ugu qaalisanaa abid horyaalka Premier League, isagoo jabin doona rikoodhkii Paul Pogba ee sannadkii 2016kii ay kusoo iibsatay Manchester United oo ahaa £89 milyan oo Gini.
Masuuliyiinta Etihad Stadium ayaa ku kalsoon in Grealish ay heli doonaa, wax badanna uu kusoo kordhin doono kooxdooda oo u baahan firfircoonaysiin si ay u difaacan karaan horyaalka ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysteen, isla markaana ugu dagaallamaan tartanka Champions League oo finalkii ay Chelsea ku garaacday dhamaadka bishii May.
Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, ayaa waxa uu maanta qoray, in Manchester City ay rajaynayso in todobaadkan aynu ku jirno ay xaqiijisan doonto saxeexa Jack Grealish, kaddibna ay u gacan bixi doonto Harry Kane oo ah laacibka labaad ee ay ka doonayaan suuqa.
Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo 28 jir ah ayay Manchester City u aragtaa in haddii uu yimaaddo Etihad Stadium, in ay gaadhi doonaan guulo waaweyn.