Mikel Arteta Oo Qaadaya Tallaabo Uu Ku Bahdilayo Mesut Ozil

Mikel Arteta ayaa qaadaya tallaabo kale oo axmaqnimo ah oo uu ugu quus-goynayo Mesut Ozil, si uu ugu qasbo inuu iskaga tago Arsenal.

- Advertisement -

Inkasta oo uu tababaraha reer Spain ku dooday in dhamaan ciyaartoydiisu ay fursado isku mid ah leeyihiin oo aanu kala jeclaysan, haddana waxa uu ku kacayaa fal kale oo uu ku bahdilayo Mesut Ozil oo toddobaadkan u dabbaal-degay sannad-guuradiisa 32 jirka.

Mikel Arteta ayaa horraantii bishan waxa uu Mesut Ozil ka reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-gelaya tartanka Euorpa League, taas oo ka dhigan in kubbad-sameeyahani aanu ciyaari doonin tartan Yurub ah iyadoo kooxdiisuna qayb ka ah oo uu waliba taam u yahay.

Xiddigan ay sannadkii 2013 kala soo wareegeen Real Madrid ayay Arsenal ka shaqaynaysaa sidii ay kooxda uga diri lahayd, si ay ugu baaqato qayb ka mid ah lacagta wareerka ah ee mushahar ahaanta ay u siiyaan Ozil, waxaana la sheegayaa in Arteta uu go’aan rasmi ah ku gaadhay in mar kale uu niyad jabiyo Ozil.

Arteta ayaa la sheegay inuu Ozil si dhab ah uga saarayo liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee 25ka ah ee toddobaadka dambe ay maamulka Premier League ka doonayaan inay u gudbiyaan.

Ozil oo laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee tartanka Premier League, horena uga maqnaa Europa League, waxay uga dhigan tahay dhamaadka waayihiisii Emirates Stadium.

Mikel Arteta ayaa toddobaadkan mar wax laga weydiiyey sababta uu kooxdiisa uga reebay Ozil ee aanu qaybta uga noqon doonin Europa League, waxa uu ku andacooday in aanu dhamaan xiddigihiisa wada xulan karayn oo uu ku qasbanaa inuu qaarkood ka tago, isla markaana aanu Ozil oo kaliya ka tegin ee uu ciyaartooyo kalena reebay.

“Isaga oo kaliya lagama reebin kooxda Euorpa League. Waxa uu ahaa go’aan adag oo ay ahayd inaan sameeyo sababtoo ah inaad ciyaartoy ka reebto kooxda, way adag tahay. Ma jeclayn in ay sidaasi dhacdo laakiin nasiib darro, waa lagu qasbanaa in go’aan la qaado maadaama ay ciyaartooyo xad-dhaaf ah oo ajaanib ah kooxda joogaan.” Ayuu yidhi Mikel Arteta oo waqtigaas ka hadlayay ka tegista Ozil.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku tabiyeen, Mesut Ozil ayaa toddobaadka soo socda si rasmi ah uga bixi doona liiska kooxda ee horyaalka Premier League.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More