Manchester United Oo Waji Gabax Kale Oo Suuqa Ahi Soo

Manchester United ayaa waji gabax kale oo suuqa iibka ciyaartoyda ahi soo gaadhay, waxaana usoo noqotay jawaabta dalab ay ka gudbiyeen laacib ay beryahanba ku raad-joogeen oo tababare Solskjaer u doonayay inuu ku xoojiyo kooxdiisa.

Kooxda kubadda cagta FC Porto ayaa iska diidday dalab £15.4 milyan oo Gini ah oo ay United ka gudbisay difaaca reer Brazil ee Alex Telles, kaas ay tartankiisa kula soo biirtay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City.

Suuqa iibka ciyaartoyda oo xidhmaya saqda dhexe ee habeenka Salaasadu soo gelayso, ayaa waxay Manchester United la daalaa-dhacaysaa sidii ay u heli lahayd laacibiintii bartilmaameedka u ahaa, iyadoo horena ugu soo fashilantay Jadon Sancho, Jack Grealish, Gareth Bale iyo Sergio Reguilon.

Sida warbaahinta Sky Sports ay sheegtay, Manchester United ayaa Telles ku dalbatay £15.4 milyan Gini oo ay hor dhigtay Porto, balse kooxda reer Portugal ayaa jawaab adag soo siisay, waxaana Red Devils lagu wargeliyey in haddii ay u baahan yihiin laacibkan ay lasoo shir tagaan £22 milyan oo Euro.

Porto ayaan doonayn inay kusii dhegsanaato difaaceedan bidix maadaama sannadkii ugu dambeeyey heshiiskiisu uu bilaabmay, waxayse ogtahay in ay jiraan kooxo kale oo xiisaynaya laacibkeedan oo miiska saari karaya lacagta ay ku xidhay saxeexiisa.

Ole Gunnar Solskajer ayay ka go’nayd inuu helo difaac bidix oo beddela Luke Shaw marka uu dhaawac soo gaadho ama aanu qaab wanaagsan ku jirin, waxaana Brandon oo kaydka u fahdiya uu gaadhi kari la’yahay heerkii tayada ee ay Red Devils u baahnayd.

Alex Telles oo Porto kaga soo biiray Galatasaray sannadkii 2016kii ayaa waxa uu kula guuleystay laba horyaalka Portugal ah isaga oo u saftay ku dhowaad 200 ciyaarood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More