Manchester United Oo Ku Garaacday Arsenal Xiddigii Uu Mikel Arteta

Manchester United ayaa u muuqata in ay Arsenal ku garaacday saxeexa xiddig uu muddo raadinayay tababare Mikel Arteta, kaas oo uu u arkayay in uu yahay xiddiga xoojinaya khadka dhexe ee kooxdiisa.

Laacibka reer Portugal ee Ruben Neves ayaa marar badan lala xidhiidhiyey Arsenal oo dhowaana warbaahinta Ingiriisku ku tilmaantay xiddiga ugu muhiimsan ee Arteta ka doonayo suuqa iibka, laakiin kali kumay ahayn ee Manchester United ayaa iyaduna ka horreysay oo sannadkii 2017kii ay isku dayday inay kala soo wareegto FC Porto, hase yeeshee ay Wolves ka hor-qaadday.

Neves oo uu wakiil u yahay Jorge Mendes oo ay xidhiidh fiican leeyihiin Arsenal ayaa la wariyey inay ku doonaysay lacag gaadhaysa £35 milyan oo Gini, si uu uga garab ciyaaro Thomas Partey haddii uu tago Granit Xhaka, laakiin Manchester United ayaa meel dhexe kaga soo dhacday damaca laacibkan.

Tababare Ole Gunnar SOlskjaer oo hore ula soo saxeexday Jadon Sancho oo uu kasoo bixiyey £73 milyan oo Gini, sidoo kalena raadinaya Raphael Varane oo ay u dhow yihiin heshiiskiisa, ayaa waxa kale oo hadda bartilmaameed ka dhigtay Neves.

Warbaahinta Ingririiska ayaa sheegtay in Manchester United ay ka shaqaynayso sidii ay ku heli lahayd Neves oo horena ay iskugu dayday Manchester City, waxaanay kaga horreysaa Arsenal iyo kooxaha kale.

Laacibkan oo laba sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa Wolves ayay kooxdiisu ku doonaysaa ugu yaraan £43 milyan oo Gini, hase yeeshee khatarta ah inay lumiyaan laacibkan ama lacag aad u hoosaysa uu kaga tago xagaaga dambe ayaa la wariyey in ay ka fiirsanayso inay iibiso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More