“Ma Aragteen Waxa Uu Pedri Ku Sameeyay Talyaaniga, Waligay Ma Arag 18

Macalinka xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa amaan oo dhan kala dul dhacay da’yarka xulkiisa ee Pedri Gonzalez kaas oo xalay wacdarro ka dhigay kulankii afar dhammaadka Euro 2020 ee ay kahor tageen Talyaaniga.

Kulankaas oo 120 daqiiqo oo la ciyaaray natiijo 1-1 ah la isku dhaafi waayay ayay ugu dambayn Azzuri booskooda Final-ka ku xaqiiqsadeen rigoorayaal.

Mid kamida xiddigaha isku soo muujiyay tartankaas ayaa ahaa Pedri Gonzalez oo ah 18 sano jir xilli ciyaareedkii hore kasoo dhalaalay Barcelona isla markaana uu tababare Enrique kalsooni buuxda ku siiyay xulka La Roja.

Pedri ayaa xalay soo samaystay xogo cajiib ah isaga oo saxay dhammaan 55 baas oo uu dhiibay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta halka uu saxay 65 baas oo kamida 67 baas oo uu dhiibay guud ahaan 120-kii daqiiqo ee ciyaartu socotay.

Enrique oo kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuusan abid arag 18 sano jir tartamada waaweyn ee qaramada ka sameeyay waxa uu Pedri ku sameeyay Talyaaniga isla markaana xataa halyeeyga dalkaas ee Andres Iniesta uusan wakhtigii uu da’daas jiray awoodaas lahayn.

Luis Enrique ayaa yidhi “Ma aragteen wixii uu wiil yar oo 18 sano jir ah oo Pedri la yidhaa ku sameeyay Talyaaniga?, xataa Andres Iniesta ma uusan samayn waxa uu sameeyay”

“Ma arag waxa uu Pedri ka sameeyay Euro 2020 18 sano jir ka sameeyay Euros, koob aduun iyo Olympics, waligay ma arag wax sidaas oo kale ah, waxay lid ku tahay suurogalnimada”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More